Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Jubaland Wafti uu hogaaminayo oo Berito lagu wado inay soo gaaraan Magaalada Gaalkacyo.

$
0
0

Gaalkacyo: (pp)- Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa berito lagu wadaa wafti uu hogaaminayo inay kasoo degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo , isagoona ka qeyb ka noqon doona wafuuda ka qeyb galeysa aaska boqorka beelaha daarood sidoo kale waxaa lagu wadaa in isla maalinta beriya waftiga Jubaland ay isbitaalka Gaalkacyo ku booqdaan dhaawacyada laga keeney Kismaayo oo maalmihii lasoo dhaafey lagu daaweynayey Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo.

Waftiga uu hogaaminayo Axmed Madoobe ayaa kasoo kicitimaya magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya, iyadoona safarkiisa Puntland uu ku imaanayo Madaxweynaha Jubaland ku wehliyaan xubno sar sare oo ka tirsan Odoyaasha dhaqanka ee deegaanada Jubaland, Diblumaasiyiin iyo Marti kale oo Nairobi kasoo raaci doonta.

Dowlada Puntland ayaa diyaar garow ugu jirta soo dhaweynta waftiga Jubaland, waxaana caawa la adkeeyey amaanka Magaalada Gaalkacyo iyo Airport-ka iyadoona Aaska ka dib oo ay ka qeyb galayan xubnaha waftigan shirar Madaxda Puntland ku yeelan doonaan Magaalada caasimada ee Garowe.

Maalmihii lasoo dhaafey waxaa Garowe ku sugnaa wafti heer Wasiiro iyo Issimo isugu jira oo ka socda Dowlad Deegaanka Somalida ee Ethiopia islamarkaana u yimid ka qeyb galka Aaska Marxuum Boqor Abdulahi Boqor Muuse.

Socdaalka Puntland uu ku imaanayo Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkiisii ugu horeeyey tan iyo markii la doortey, iyadoona Puntland ay hormuud ka tahay meelaha sida weyn looga taageero dhismaha Maamulka Jubaland ee uu hogaaminayo Axmd Madoobe.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>