Garowe: (pp)- Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hogaaminayo Axmed Islaan Axmed Madoobe Madexweynaha Maamulka gobolleedka Jubaland ee Soomaaliya oo maanta deegaanada Puntland soo gaaray.
Wafdiga Axmed Madoobe oo ku soo hormar magaalada Gaalkacyo soo booqday Dhaawacyadii Kismaayo ee Gaalkacyo lagu dabiibayay ayaa waxaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay Madexweynaha Dawlada Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, Madexweyne ku xigeenka Puntland Gen. C/samad Cali Shire xubno badan oo ka tirsan labada gole ee dawlada Puntland, Waxgarad iyo dadweyne aad u farabadan.
Hadaba Hoos ka daawo Sawiro badan oo ku tusinaya soo dhaweynta waftiga Jubaland ee magaalada Garowe.
Garowe.