Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dabkii aad Kismaayo ka shiddeen ma Shabaab ayuu idinka dhigay? (Ururka Aqoonyahanka Jubbaland)

$
0
0

Ku: Madaxweynaha Soomaaliya

Ku: Raisul Wasaaraha Soomaaliya

OG: Dhamaan umadda Soomaaliyeed

OG: Dhamaan beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya

OG: Maamulka Jubaland State of Somalia

Og: Maamulka Puntland

Ujeeddo: Dabkii aad Kismaayo ka shiddeen, Ma shabaab ayuu idinka dhigay?

Ururka Aqoonyahanka Jubbaland oo ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay Kismaayo.

Ururka Aqoonyahanka Jubbaland oo ka hadlay dhibaatooyinkii ka dhacay Kismaayo.

Ururka Aqoonyahanka Jubaland waxay markale aad uga xun yihiin dhibaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo iyo walaalihii ku dhintay, ku dhaawacmay iyo kuwii ku barakacay ama hantidoodu ku burburtay. Waxaan laba jeer ka digney in dawladda Soomaaliya ay joojiso hurinta colaad waqtigan iyo isku dirka dad walaalo ah oo raba inay helaan xaquuqda Dastuurku u qeexay.

Inkastoo ay muuqato in dagaalkii Xamar laga shiday, hubkii iyo ciidankii la abaabulay uu ku dhamaaday mid fashil ah haddana waxaa muuqda in dawladdii loo hanweynaa ee umadda Soomaaliyeed ka dhaxaysay ay ku dhamaatey aragti iyo qorshe beeleed oo dhinac ah oo aan marnaba dhameystirnayn.

Ururka Aqoonyahanka Jubbooyinku waxay si adag u dhaleecaynayaan dagaalkii ay dawladdu soo hurisay waxayna masuuliyaddeeda dusha ka saarayaan xukuumadda Dawladda Federaalka Soomaaliya oo diidday iney dhageysato caalamka iyo umadda Soomaaliyeed kuna adkeystey inay xoog ku qabsadaan Kismaayo .

Sidoo kale ururka Aqoonyahanka Jubbooyinku waxuu raali galin buuxda u dirayaa dawladda Kenya iyo ciidamada AMISOM guud ahaan dagaalka ay kula jiraan Alshabaab oo ah in lasii laba jibaaro waxaana dawladda Soomaaliyeed ka codanaynaa inay hadalkeeda miisaanto oo aysan u dhaqmin sidii qaqable dagaal. Eedeynta Ciidamada Kenya loo jeediyay waxay timid markii ay dawladdu ku guul daraysatay in Kismaayo xoog ku qabsadaan waxaana qasab noqotay in sabab loo sameeyo.

Dagaaladii dhacay ee udambeeyey waxay dawladda Soomaaliyeed ku kaceen arimo dhawr ah oo su aal wayn galiyay inay matali karaan shacabka waxaana kamid ah:

1- In hub iyo lacag badan siiyeen garab ka mid ah kuwii Kismaayo isku hayay

2- Iney Ciidamada ay hubeeysay dawladdu ay Alshabaab ay iska garab dagaaleen maydoodkuna isdhexyiilay iyadoo qaarna nolosha lagu qabtay

3- In labadii dagaalba ay dawladdu soo qaadatay dhaawacyo hal garab ah oo ay ku jireen Shakshiyaad Alshabaab ah oo ku dhaawacmay dagaaladaas.

4- Iyadoo Barre Hiiraale u dirtay in haddii laga adkaaday uu Alshabaab u galo heshiisna la galo

5- In dawladdu aysan marnaba ka hadlin iskana fogeyn hadalkii Barre ee ahaa inuu Alshabaab la joogo uuna qorsheynayo iney Kismaayo wada qabsadaan dawladdu ay ku ogtahay

6- In dawladdu ay dawladda Kenya ay iska cambaareyso iyadoo ay ciidamada AMISOM dhamaantood iyo dawladaha dariskuba ogyihiin xaqiiqada dagaalka iyadoo qaatay hadalkii Barre Hiiraale iyo Cabaas Dalxa oo ah garabkii dagaalka waday ee Xamar laga diray

7- In dawladdu ay ka dambeysay kharash badanna ku bixisay in shakshiyaad sheegtaan madaxweynanimada Jubaland ayna hadda saddex kamid ah joogaan Muqdisho

Ururka Aqoonyahanka Jubaland oo rajo wayn ka qaba in umadda Soomaaliyeed hesho dawlad ka fog caadifad qabiil ayaa markay daristay talaabooyinkan xagga sare ku xusan iyo siyaasadda ay ku socoto dawladda Federaalka Soomaaliyeed waxuu umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in arimahan soo socda ay noqon doonaan maxsuulka ka imaankara talaabada dawladda haddii aysan ka laabanin jidkii Sideeda bilood:

1- In dawladdu Alshabaab tahay loona hayo caddaymo badan, caalamkuna sidaas ku ogyahay sidaasna looga laabto kaalmadii loo hayay iyo aqoonsigii caalamka

2- In dawlddu rabto in Alshabaab qabsado Kismaayo intii ay haysan lahaayeen maamulka Jubaland iyo ciidamada AMISOM ee Kenya

3- In dawladdu ay kazoo horjeeddo Dastuurka Federaalka Soomaaliyeed

4- In dawladdu ay badaleyso dhamaan qodobada sugaya xaquuqda dastuuriga ah ee umadda ku heshiisay

5- In dawladdu iyadoo og dhibaatada Muqdisho iyo caddaalad xumida ka jirta ay Kismaayo oo 500KM jirta ay dagaal joogta ah ku heyso

6- In xiriirka Soomaaliya iyo dawladaha dariska ahi aad u xumaado kadibna dawladda lagu kiciyo mucaarad badan lana hubeeyo sidaasna ku lunto rajadii umadda Soomaaliyeed

7- In kalsoonidii loo hayay iyo rajadii laga lahaa dawladda Soomaaliyeed ay meesha ka baxdo dibna loogu laabto KMG ama Meel la’aan

Ururka aqoonyahanka Jubaland waxay soo jeedinayaan arimahan soo socda:

1- In dawladdu ay raali galin ka bixiso dagaaladii ay ka hurisay Kismaayo ayna masuuliyaddeeda qaadato ayna bixiso magdhawga dadkii ku dhintay oo dhan iyo hantidii ku burburtay

2- In dawladdu Ictiraafto maamulka Jubaland si dhaksho ah ayna siiso dhamaan waxii dastuuri ah ee ay xaq u leeyihiin

3- Inay dawladdu iska fogeyso aragtida beeleed ay ku hawlgalayeen sideeddii bilood ee ugu dambaysan una dhaqmaan sidii dawlad umadda udhaxeysa

4- In raali galin ka bixiso inay kala mareen dhaawac Soomaaliyeed oo ay qaybna qaadeen qaybna ka tageen

5- Inay jawaab dagdag ah ka bixiyaan hadalkii Barre Hiiraale oo ay iska fogeeyaan

6- Inay iska bari yeelaan heshiiskii Cabaas Dalxa la galay ururka Alshabaab ee ahaa iney Kismaayo wada qabsadaan

7- In madaxweynuhu safar toos ah ku aado magaalada Kismaayo shacabkana laga raali galiyo dhibaatadii dhacdey

Ururka Aqoonyahanka Jubaland waxuu aaminsan yahay in dawladdu Soomaaliyeed udhaxeyso umadda Soomaaliyeed khalad iyo saxba ay tahay inay ahaato dhexdhexaad oo aysan dadna fogeyn kuwana soo dhaweynin sida ay kusoo dhaqmeysay.

Dr Abdirahmaan Ahmed
Email: hormuud232@gmail.com

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>