Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaflada Soo Dhaweynta ee Madaxtooyada Garowe loogu sameyey Jubaland,Sawiro iyo Dhageyso Codad.

$
0
0

Garowe: (pp)- Puntland oo xaflad soo dhaweyn ah u qabatey waftiga Madaxweynaha Jubaland ayaa caawa ka qabsoomtey magaalada Garowe xarunta Dowlada Puntland, waxaana kasoo qeyb galay xaflada marti kala duwan oo ku sugneyd magaalada Garowe maalmihii lasoo dhaafey, Dadweyne aad u faro iyo Madaxda Dowlada Puntland.

11Khudbado kala duwan iyo Sugaan xaflada lagu soo bandhigey ayaa waxaa soo jeediyey Issimada Puntland, Dowlad Deegaanka Somalida ee Ethiopia, Madaxda Puntland, Jubaland, iyo DDS Sidoo kale Xaflada ayaa intii ay socotey kooxda Waaberi Puntland iyo Abwaano ay kasoo jeediyeen sugaan micno qoto dheer xambaarsan oo diirada ay ku saarayeen mustaqbalka Jubaland oo ay ku tilmaameen inuu ku bilowday ififaalo wanaagsan.

Madaxwaynaha Jubaland Axmad Maxamad Islaam Madoobe ayaa sheegay reer Jubaland inay ku heshiiyeen inay wada noolaadaan.wuxuna raacshay siyaasada Jubaland inay tahay in mamul gobaleed dalka ka tirsan noqono oo aan meel kale ka aadin.

15”Dowlada hal cilad bay lee dahay nidaamka federaalka ay sheegayso ayay shaki ka qabaan”ayuu yiri Axmad Madoobe.wuxuna madaxda Dowlada Somaliya ugu baaqay inay ka waan toobaan hadalada diidmada ah ee kasoo baxaya.

Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed ayuu ku ammaanay inay wax la qaban karo samaysay,wuxuna shacabka Puntland ugu baaqay inay dhexda u xirtaan hirgalinta nidaamka axsaabta badan iyo doorashooyinka dhacaya,wuxuna taabtay inay ahmiyad gaar ah Jubaland u lee dahay in Puntland nidaamkaasi ku tilaabsato.

Halka ka dhageyso Khudbada Madaxweynaha Jubaland uu caawa ka jeediyey Madaxtooyada Garowe.

12Dhanka Issimada Xaflada ka hadlay oo uu ka mid ahaa Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo danta guud ee umadda Soomaaliyeed,wuxuna sheegay hadii ay yihiin isimada Soomaaliyeed inay jecel yihiin nabada,cadaalad iyo hogaamiye sax ah,wuxuna sidoo kale sheegay umadda Soomaaliyeed inaysan wali dareensanayn 23-sano waxay soo mareen,wuxuna sheegay inaysan muhiim ahayn in lasii kala cararo.

Halkan ka dhageyso Khudbad taariikhiya oo uu jeediyey Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Wasiirka tacliinta sare ee DDS Ethiopia Faatax Maxamad Fataax ayaa sheegay inuu fariin sare uga sido dowlada Puntland madaxwaynaha dowlad deegaanka Cabdi Maxamad Cumar Iley.wuxuna aad ugu ammaanay Puntland isku xirnaanta iyo kala danbaynta ka muuqata.

13Mudane Faatax waxa uu ku baaqay in nidaamka federaalka lagu dhaqmo oo si wanaagsan loo qaado,wuxuna sheegay inay muhiim tahay in dowladaha dariska la ah Somalia naga barto nidaamka federaalka.

Sidoo kale waxa uu balanqaaday in dowladiisu ay xiriir wanaagsan la samayn doonto maamulka Jubaland sida kuwii horey ula sameeyeen Somaliland iyo Puntland.

Halkan Dhageyso Khudbad uu jeediyey Tababarada Dowlad Deegaanka Somalida Ethiopia.

Madaxwaynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole ayaa soo xiray xafladan oo in badan ka hadlay xaalada Soomaaliya ,Dastuurka iyo nidaamka fedaraalka ayaa waxa uu caawa diirada saaray dhismaha dowladihii Soomaaliya soo maray.

16Ciidamada nabad ilaalinta ee ka jooga Kenya,itoobiya iyo Jabuuti ayuu uga mahad celiyay joogitaanka dalkeena hooyo ee Soomaaliya,wuuxna tilmaamay inay yihiin dad goostay soo celinta kala dabaynta Soomaaliya.

Dowlada dhexe ee Somaliya ayuu sheegay inay meesha ka baxayso hadii aysan oofin nidaamkii lagu soo doortay iyo sharciga dalka u yaal,wuxuna tusaale ahaan usoo qaaday wadadii uu maray madaxwaynaha Dalka Masar Maxamad Mursi oo doorasho xor ah lagu soo doortay ay mari doonto madaxda dowlada dhexe hadii aysan ka waantoobin wadada ay ku socoto.

Horumarka Puntland ayuu ka hadlay Farole oo sheegay Puntland inaysan calaf u yeelan hantidii laga dhaxlay dowladii kacaanka ahayd ee Siyaad Barre,wuxuna tilmaamay inay dhexda u xirteen hagaajinta iyo horumarinta dhulka Puntland.

Jawi farxadeed iyo hanbalyo ayay ku soo dhamaatay xafladii loo qabtay caawa Axmed Madoobe ,waxana la filayaa in maalinka beri ah loo dareero Aaska boqor Cabdulaahi Boqor Muuse.

Daawo Sawirada Xaflada.

11 14 8 7 6 5 4 3 9 2 1Puntlandpost.com

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>