Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Daawo Sawirada Aaska Qaran magaalada Qardho loogu sameeyey Marxuum Boqor Cabdulahi Boqor Muuse.

$
0
0

Qardho: (pp)- Aaska Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayaa waxaa kasoo qeybgalay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan,Wasiirka Tacliinta sare ee Dawlad deegaanka Soomaalida Faatax Maxamed Faatax,Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan,Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi iyo marti sharaf kale oo badan.

Waxaa sidoo k4ale ka mid ahaa xubnaha kasoo qeybgalay Wasiiro ka tirsan Dawladda Puntland sida Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage,Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Sayid Maxamed Cabdulle Xasan,Wasiirka Haweenka Puntland Marwo Xaliimo Xasan Xaaji, Issimo ,Cuqaal,dhalinyaro,haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland .

Inta aan la keenin maydka AUN Boqor Cabdullaahi,waxaa si weyn loo adkeeyey amaanka guud ee magaaladda Qardho,waxayna Ciidamadu bilaabeen baaritaano iyo iyagoo xiray Wadooyinka muhiimka ah ee magaaladda soo gala iyo kuwa ka baxa,waxaana xusid mudan in Xaaladda Qardho ay maanta u muuqatay mid kulmisa dhammaanba bulshada Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland,Cabdirixmaan Maxamed Faroole iyo Axmed Maxamed Islaan [Axmed Madoobe] ayaa afaafka hore ee magaaladda kaga hortagay boqolaal dadweyne,kuwaas oo lulaya Calamada Jubbaland,Itoobiya,Puntland iyo kand dawlad deegaanka Itoobiya,waxayna labada Madaxweyne ay u gacan taageen Shacakii soo dhaweeyey,iyagoona ku faraxsanaa soo dhaweynta loo sameeyey.

28Maydka AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse ayey diyaarad khaas ah kasoo qaaday magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,waxaana diyaaradii siday markii ay soo caga-dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Qardho loo qaaday maydkiisa qabuuraha Qardho si halkaas loogu aaso.waxaana xusid mudan in maydka Boqorka ay la socdeen qaar kamid ah Eheladiisa .

9Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole oo hadalo kooban kasoo Jeediyey qabuuraha lagu aasay AUN Boqor Cabdullaahi ayaa ugu horeyn Tacsi u diray dhammaanba qoyska Boqortooyada iyo Boqor Cabdullaahi,wuxuuna EEBE iga baryey in Janadiisa ka waraabiyo.

Mudane Cabdirixman Maxamed Maxamuud ayaa si gaar ah mahadcelin ugu jeediyey marti sharafka ka qeybqaadataya aaska Boqorka sida Wafuudii kala kala socotaya Dawladda Federaalka,Dawlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo Somaliland,wuxuuna sheegay in Puntland kusoo dhaweynayaan.

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan[Axmed Madoobe] ayaa isna sheegay in qoyska AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse looga baahanyahay in Boqorka sadaqo jaariya u sameeyaan isla markaana wuxuu intaas ku daray in dhammaan Umadda Soomaaliyeed EEBE ka samir siiyo.

” Allaha ha u naxariisto EEBENA aan u barino ,maaney inaan Ilaahay u barino ayuu inaga mudan yahay,Eheladiisiina waxaan leenahay samir iyo Iimaan Allaha ha inaga siiyo ,Ubadkii uu ka tagayna waxaan kula dardardaamayaa iney sadaqo Jaariya u sameeyaan oo hadduu maal katagayna maalkiisa loo sadaqeeyo ama Ceel ama Masaajid ha noqoto.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo hoggaaminayey Wafdiga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey aqoonta uu u lahaa AUN Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,wuxuuna sheegay in Boqorku ahaa nin aqoonyahan,siyaasi ah isla markaana u soo shaqeeyey Ummada Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isna aaska ka dib hadalo kooban soo jeediyey ayaa mahadcelin ballaaran u diray dhammaanba Ummada Soomaaliyeed dal iyo dibadba ee aaska kasoo qeybgalay,wuxuuna Ummada Soomaaliyeed ka codsaday in cafis iyo danbi dhaaf u weydiiyaan EEBE.

Shiikh Cabdulqaadir Aw-Cabdi ayaa sheegay in Ummada Soomaaliyeed looga baahanyahay iney ku cibra-qaataan isla markaana Ilaahay lagu xirnaado loona shaqeysto maalinta aakhiro.

” Waxaa loo baahanyahay inaad cibra qaadataan,waxaa loo baahanyahay Ilaahay inaan ku xirano,waxaa loo baahanyahay quluubta inaan Sifeyno,waxaan u dardaarmayaa dadka kheyr iyo wanaag iyo musaamaxo iyo in amniga la ilaaliyo,wadajirka la Ilaaliyo,la isa saamaxo wax badan la ilaaliyo……””ayuu yiri Shiikh Daahir Aw-Cabdi.

Boqor Raabi oo kamid ah Issimada Somaliland ayaa sheegay isna ” Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii iyo Ummada Soomaaliyeed oo dhan u ka baxay Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,oo aan leeyahay Ilaahay Samir iyo Iimaan ha inaga wada siiyo,asagana naxariistii Jano Ilaahay ha siiyo,Tacsidaas waxaan u dirayaa eheladii”.

Wasiirka Tacliinta Sare ee Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Faatax Maxamed Faatax.ayaa sheegay in Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse uu ka dhintay Ummada Soomaaliyeed oo dhan,wuxuuna intaas ku daray in Madaxweynaha dawlad-deegaanka uga sido Tacsi dhammaanba ehelada iyo qaraabada uu ka baxay Boqorku.

” Boqor Cabdullaahi Boqor Muuse,bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto buu ka dhintay ,wuxuu ahaaa boqor dhaqameed ,wuxuu ahaa nin Siyaasi ah,wuxuu ahaa aqoonyahan Soomaaliyeed”ayuu yiri Faatax Maxamed Faatax.

Wuxuu intaas ku daray Faatax Maxamed Faatax ”Haddaa nahay bulshada Soomaalida Itoobiya joogta iyo Shacabka Itoobiya oo dhanba dhammaanteyaba waxaan Jecelnahay inaan Tacsi gaarsiino bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto gaar ahaan Shacabka reer Puntland gaar ahaan reer Qardho gaar ahaa qoyskii boqorku ka dhashay Carruurtiisii ,Walaaladii iyo ehelkii inaan Tacsi gaarsiinaan rabnaa”ayuu yiri.

11Ka dib markii lasoo gabo gabeeyey Aaska Qaran ee Maanta magaalada Qardho loogu sameeyey Alle Ha u naxariistee Boqor Cabdulahi Boqor Muuse ayaa dhamaan madaxdii iyo Wafuudii kasoo qeyb gashey ay booqdeen qoysaska uu kasoo jeeday Boqor Cabdulaahi Boqor Muuse ee ku nool magaalada Qardho.

Waxaana ka dib waftigii iyo Madaxdii kasoo qeyb gashey Aaska ay dib ugu soo guryo noqdeen magaalada Garowe Xarunta Dowlada Puntland, iyadoona lagu wado maalinta beriya inay inta badan madaxda Jubaland iyo DDS dib ugu safri doonaan goobihii horey uga yimaadeen.

Daawo Sawirada .

 SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC  13 10 8 3 6 5 2 1 7 4SONY DSC SONY DSC SONY DSC  27 SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSC SONY DSCPuntlandpost.com
Qardho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>