Galkacyo: (pp)- Alle ha u naxariisto waxaa magaalada Gaalkacyo ku toogteen kooxo aan la garaneyn Wariye Liibaan Cabdulahi Faarax (Liibaan Qaran) oo ka mid ahaa suxufiyiinta Magaalada Gaalkacyo sida weyn looga yaqaano xilli uu marxuumku kusii jeedey gurigiisa oo ku yaal xaafadaha ku dhow agagaarka Xaafada Baraxley oo uu ka taliyo Maamulka Galmudug.
Marxuum Liibaan Qaran oo ka mid ahaa suxufiyiinta magaalada Gaalkacyo uga soo warami jirey Kalsan Tv oo ka mid ah Tv-yada Cusub ee Somalida ayaa horey waxaa uu ula soo shaqeeyey warbaahin kala duwan oo ku taal deegaanada Puntland iyo Somalia.
Dilka Marxuum Liibaan Qaran ayaa noqonaya Wariyihii ugu horeeyey ee sanadkan lagu dilo magaalada Gaalkacyo, iyadoona marxuumka geeridiisa ay tiiraanyo iyo culeys ku abuurtey wariyaasha Somalida oo dilkan loo geystey marxuumka cambaareyn usoo jeediyey cidii ka danbeysay.
Warbixintii ugu danbeysay ee Marxuum Liibaan Cabdulaahi ka diro magaalada Gaalkacyo ayuu kaga waramey socdaalkii maalintii shalay Gaalkacyo uu ku yimid waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo sida muuqaalka warbixintiisa laga arki karo uu marxuumku dadkii soo dhaweynayey waftiga uu ku weydiinayey su,aalo ku saabsan soo dhaweynta Madaxweyne Axmed madoobe.
Halkan ka daawo Warbixintii uu Marxuum Liibaan Qaran ka diyaariyey Waftiga Jubaland ee Gaalkacyo.
Lama yaqaan kooxda ka danbeysa dilka wariyaha oo qeyb ka noqonaya dilalka faraha badan ee loo geystey suxufiyiin Soomaaliyeed oo sidii tusbax afka laga furey loogu ugaarsadey goobaha shaqadooda ee wararka ay kasoo tabiyaan.
Bahda Puntlandpost waxay cambaareynaysaa dilka Marxuum Liibaan Qaran oo ka mid ahaa sida la xasuusto suxufiyiinta kusoo shaqeynayey muddo dheer howl karnimo iyo dadaal faro badan oo bulshada iyo dalka warar iyo barnaamijyo looga soo waramayey.
Waxaan Sidoo kale gaarsiineynaa dhamaan suxufiyiinta Somaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland khaas ahaan qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey Liibaan Qaran Tacsi tiiraanyo leh oo aan ilaah uga baryayno inuu samir iyo imaan ka siiyo, aamiin aamiin
Puntlandpost.com
Gaalkacyo.