Garoowe: (pp)- Ururka Umulisooyinka Puntland ayaa looga dhawaaqay magaalada Caasimada Puntland ee Garoowe, iyadoo ay munaasabada curashada Ururkaan ay kasoo qayb galeen Wasiirka Caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka socotay Hay’adaha.
Wasiirka ayaa sheegay in Ururkaan lagu dhawaaqay waqti loo baahnaa, isagoo sheegay in Wasaaradu ay aqoonsatay soona dhoweynayaan hirgelinta ururkaan.
Ururkan iyo sida uu shaqaynayo Ayaa Waxaa ka hadashay DR’s. Xabiibo, waxayna ka hadashay muhiimada dhismaha Ururka ay ku midoobeen Umusooyinka Puntland.
Daawo Video-ga
Daabacaadda: Puntlandpost.com