Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Awdal: Salaadiinta iyo Waxgaradka Gobolka Awdal oo ka tacsiyeeyey Geeridii Boqor C/laahi Boqor Muuse, kuna taliyey in faragelinta laga daayo Maamlka Jubbaland State (Daawo Video)

$
0
0

Awdal: (pp)-Salaadiinta iyo Waxgaradka Gobolka Awdal, ayaa ka tacsiyeeyey Geeridii Boqor C/laahi Boqor Muuse, iyagoo dhanka kale ku baaqay  in faragelinta laga daayo Maamlka Jubbaland State oo shacabka deegaanadaasi iyo waxgaradkoodu ay si Diqmoraadiyad leh u go’aansadeen in ay maamul u madax banaan yihiin ay samaystaan, maamulkaas oo taageersan DF ee Soomaaliya.

Raximulaah Boqor C/laahi Boqor muuse oo loo tacsiyeeyey.

Raximulaah Boqor C/laahi Boqor muuse oo loo tacsiyeeyey.

Waxay Cuqaasho ku baaqeen in la taageero maamulka Jubbaland State ee madaxweynaha loogu doortay Sh. Axmed Madoobe, loona baahan yahay in lagu xurmeeyo laguna taageero.

Daawo Video-ga

Waxay ka digeen in la daadiyo dhiiga shacabka  Soomaaliyeed, waxayna ku tilmaameen inay  ayaan darro tahay in 23 sano kaddib la isku dayo in la daadiyo dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Boqorka tacsidiisa ayey guud mid mid Cuqaashu iyo waxgaradku ugu tacsiyeeyeen eheladii, qaraabadii , shacabka Puntland, shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa deegaanka Qardho oo ah meesha uu Boqorku uu ka soo jeedo, iyagoo ilaahay uga baryey Jaqnatul fardowsa inuu ka waraabiyo.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>