GAROWE(PP): Waxaa maanta si kedis ah ku soo gaaray magaalada Garoowe wafti ka socday midowga Yurub oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee bariga Afrika u qaabilsan midowga Yurub Nick Westcott.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole ayaa aqalka madaxtooyada Puntland ee Garoowe kula kulmay waftigaas, waxayna ka wada hadleen shirka New-Deal ee Brussels ka furmaya 16 bisha september ee sanadkan, arimaha horumarinta Puntland ee ay doonayso Puntland in midowga Yurub uu ka caawiyo iyo arimihii nidaamka xisbiyada badan ee Puntland ay dib u dhigtay.
Madaxweynaha Puntland ayaa saxaafada u sheegay kulanka ka dib, in Puntland ay magaceeda kaga qaybgelayso shirka Brussels, taas oo aan la garanayn waxa ay DF ka oran doonto, iyadoo mudooyinkii ugu dambeeyey madaxweyna DF Soomaliya Xasan sheikh uu u ololeynayey in uu isagu soomaliya oo dhan u matali doono shirka.
Wafdiga ayaa isla maanta dib ugu laabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Hoos ka dhageyso shir saxaafadeedka Dr.Farole & Nick riix