Dagaalo goos goos ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Sh/hoose oo ay isaga soo horjeedeen Maleeshiyooyin ka soo jeeda Beesha Biimaal iyo Beesha Habargidir ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana Ugaaska Beesha Biimaal uu sheegay in deegaanadooda lagusoo duulay , loona adeegsay dadka deegaanadan ka soo jeeda Awood dowladeed, oo ulla jeeday In beesha ay la dagaalamayeen ay wateen baabuurta dowlada gacantana looga dhigay.
Radio Furqaan oo waraysi la ayeeshay Ugaaska Beesha Biimaal ayaa sheegay in deegaanadan ay ka jiraan dhibaatooyin badan dowladana ay ka aamusan tahay.
Khilaafaadka jira ayaan ka marnayn Isbaarooyin deegaanadaas uyaal qab qablayaal ay ka mid yihiin Goobaale oo ciidamada dowlada ka tirsan , kuwaas oo dhibaatooyin ku haya dadka deegaanka , iyo mucaawinada deegaanka la soo gaarsiiyo oo afka ku shubtaan sida la sheegayo rag uu mid yahay Goobaale oo ka mid ahaa qab-qablayaashii 1992-dii xooga ku qabsaday deegaanadan.
Beesha Biimaal ayaa sheeganaysa in deegaanadooda lagu maamulayo, dowladana aysan waxba ka qaban, lana diidan yahay in maamulka gobolka lala shaqeeyo.
Hoos ka dhegeyso Waraysiga Ugaas Faarax Cabdi Sheekh Riix