Waaciye: (pp)- Tan iyo markii Madaxweynaha Puntland 14,July uu hakiyey doorashooyinkii golayaasha degaanka Puntland ee ururada Siyaasada u tartamayeen ayaa waxaa ka bilowday deegaanada Puntland olole ay siyaasiyiin iyo xubnaha Barlamaanka ugu jiraan inay Issimada iyo Nabadoonada beelaha kasoo ansixiyaan xubinimada Barlamaanka cusub.
Halkan ka dhageyso wareysiga Dhuungale ay la yeelatey PP.
Maxamed Siciid Maxamud (Dhuungale) waxa uu ka mid yahay xubnaha beesha dashiishle ugu sharaxan inay uga mid noqdaan kuraasta beeshiisu ku leedahay Baarlamanka, ka dib wareysi shabakada warar ee Puntlandpost la yeelatey Mr Dhuun gale ayuu u xaqiijiyey musharaxnimadiisa.
Waxaana uu sheegey Maxamed Siciid in %80 Odoyaasha dhaqanka ee beeshiisa ay isku soo afgarteen inuu uga mid noqdo baarlamanka Puntland,Islamarkaana hadii uu ku guuleysto kursigaas uu isu soo sharaxi doono Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland ka dib la tashiyo uu kala sameeyey u tartamida Jagadaas xubno kala duwan oo ka mid ah beeshiisa sida uu sheegey Mr Dhuungale oo isagu haatan jooga Degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar.
Musharaxa doonaya ka mid noqoashada Baarlamanka cusub ayaa intaas ku darey inuu yahay shaqsi Waayo aragnimo iyo Aqoon-ba u leh gudashada waajibaadka masuuliyadeed, oo uu sabab uga dhigey inuu in badan shaqooyinkii uu horey usoo qabtey ay ahaayeen kuwo dalka iyo dadka-ba loogu adeegayey, isagoona carabka ku dhuftey inuu lasoo shaqeeyey hay,ado ka tirsanaa ka hor burburkii Dowladii Dhexe ee Somalia iyo Sidoo kale Dowlada Puntland.
Maxamed Siciid (Dhuungale) Waxa uu si cad u sheegey inay qorshaha ugu jirto sidii uu uga qeyb qaadan lahaa inuu dadaal uu kaga dhex raadiyo baarlamanka cusub ee imaan doona sidii ay uga miro dhalin lahaayeen hirgalinta hanaanka xisbiyada badan ee hakadka galay,halka uu taas bedelkeedana uu Dhuungale uu hambalyo iyo bogaadin uga direy Madaxweynaha Puntland Dr Faroole Go,aankii geesinimada lahaa ee uu ku joojiyey Tartankii Musharaxiinta Goloyaasha deegaanka oo ku tilmaamey musharaxu inuu yimid ka dib markii la darsay xaalada amaan iyo tan mustaqbal ee Puntland.
Marka laga yimaado Musharaxnimada Maxamed Siciid ayaa hadana sida laga dareemayo deegaanada Puntland waxa ka jirey todobaadyadii lasoo dhaafey shirar iyo olole ay ku jireen Siyaasiinta, Odoyaasha dhaqanka iyo Xubnaha u ordaya inay helaan kuraasta baarlamanka cusub.
Marka loo eego Isbedelka laga dhur sugayo inuu ka dhaco Puntland ayaa aragtida dadka inta badan ay ku saleysan tahay inay laga maarmaan tahay goloyaasha dowlada cusub ee imaan doona inay kaga miro dhaliyaan hanaanka looga gudbayo beelaha ee Asxaabta badan.
Puntlandpost.com
Waaciye