Garowe: (pp)- Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigayay xeerka Saxaafada Puntland oo ay gacanta ku hayeen Dallada PUNSAA oo kaashanaysa ururka MAP ka dib markii wasaaradu la furtay wadatashi.
Wasiirka Warfafainta Prof.Axmed Shiikh Jaamac ,wasiirka Qorshaynta Eng.Maxamud Caydiid Dirir ,gudoomiye ku xigeenka PUNSAA Cadifataax Sugulle ,xoghayaha ururka suxufiyiinta MAP Burhaan Axmed Daahir ,Suxufiyiin ,sarakiisha bulshada rayidka iyo marti kale ayaa ka soo qaybgalay.
Burhaan Axmed Daahir xoghayaha MAP waxa uu bogaadiyay hawsha PUNSAA ,isagoona xusay inay lagama maarmaan xiligan Puntland u tahay in la helo xeer kala xadeeya suxufiyiinta iyo masuuliyiinta warfaafinta.
Xeerkan ayuu ku tilmaamay inuu ka wanaagsanyahay kan Somlia oo dhowaan walaac laga muujiyay ,isagoona tilmaamay inaan Puntland laga qaybgelin tashiga xeerka saxaafada Somalia.
”Xeerka saxaafada Somalia lagama talo galin Puntland ,waana qayb muhiim ah oo ka tirsan Somalia sidaas darteed marka la dejinayo shuruucda dalka guud waa muhiim in Puntland oo nidaam uu ka jiro lago galo galay” ayuu yiri Burhaan Axmed.
Wasiirki hore ee warfaafinta haatana qorshaynta u wareegay Eng.Caydiid Dirir ayaa sheegay isna in xeerkan uu kala hagayo dhamaan inta qaabilsan warfaafinta Puntland yimidna xiligii loo baahnaa.
Waxa uu intaas raaciyay in dhowaan u gudbin doonaan xukuumadda si ay u ansixiso kadib-na la horgeyn doono Barlamanka ,waxana iska kaashan doonaan MAP iyo PUNSAA inta ka dhiman hawsha xeerka.
Ugu danbeyntii waxa soo xiray wasiirka warfaafinta Prof.Axmed Shiikh oo ka codsaday wasiirkii hore inuu kala shaqeeyo dhamaystirka hawshan maadaama uu horey u soo waday Caydiid shaqada xeerka saxaafada Puntland.
Horaantii Sanadka 2013 ayuu muran dhaliyay xeerka balse dib loogu heshiiyey ka dib markii loo saarey xeerka guddi ka socda hay,adda PUNSAA oo eegayey qodobada khilaafka ka dhex dhaliyey Suxufiyiinta iyo Wasaarada Warfaafinta.
Daawo Sawiro kale.