Garowe: (pp)- Bisha Ramadaan marka ay dhalato ayaa waxaa dhacda in Jimciyada la yiraahdo faridda wanaaga iyo ka reebida xumaanta oo aas aaskeeda ay iska lahaayeen Culimo uu ka mid ahaa ALLe ha u naxariistee Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax inay ka bilowdo bil kasta oo ramadaan magaalada Garowe barnaamij ku saabsan Afurinta dadka aan awoodin.
Tan iyo markii uu dhashay Ramadaan ee bisha barakaysan Ayaa Jimciyadda faridda wanaaga iyo ka reebidda xumaanta (Al-Amro Walmacruuf Wannahyi Canil Munkar) waday barnaamijka lagu afurinayo dadka isugu jira kuwa danyarta, Barakacayaasha iyo Kuwo Ajnabi ah oo kasoo jeeda Ethiopia.
Tirada dadka sida joogtada ah uga afura xarunta Jimciyadda oo ku taala dugsiga Al-Xikma ee Garowe lagu sheegey inay ka kooban yihiin ilaa iyo 350 qof oo ka mid ah kuwa aan awoodin inay helaan Afur ku filan.
Halkan riix si aad u heso codsiga Jimciyadda oo dhemmeystiran.
Maamulka Jimciyaddda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hawlahan afurinta markii hore lagu bilaabay 100 qof ,haatan dadka ay marayaan 350 qof iyo ka badan ,iyadoo intaasi ay dheertahay in Jimciyadda ay afur siiso dad kale oo ay saartay Meheradaha Cuntada ee magaalada ku yaal.
Jimciyadda ayaa ugu baaqday Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan inay ka qeyb qaataan Afurinta Walaalahooda Sooman maalintii,Maadama aysan dabooli karin dadka oo dhan caqabado ka jira dhanka dhaqaalaha.
Daawo Sawirada dadka la Afursiiyo.
Garoowe.