Carmo: (pp)- Taliyaha Kuliyada Akedemiyada Carmo Col Cali Ceydiid Faarax ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey warar lagu faafiyey barta Internet-ka oo sheegayey in 30 ka mid ah shaqaalaha Kuliyada ay shaqadii joojiyeen.
Col Cali Ceydiid waxa uu sheegey in Kuliyada Booliska Soomaaliyeed ee ku taala Degmada Carmo oo ka tirsan Gobolka Bari ay haatan u shaqeynayso sideedii hore islamarkaana uusan jirin wax is bedel ah oo ku yimid.
Waxa uu faahfaahin ka bixiyey Taliyaha Dugsiga tababarka Booliska ee ku yaala Carmo Shaqada iyo Howsha inta badan loo adeegsado dugsiga oo uu sheegey Col Cali Ceydiid inay tahay mid ku tiirsan Mashaariic ay bixiso Hay,adda UNDP ee Qaramada Midoobey , islamarkaana Xukuumada Puntland ay ku taageerto oo kaliya adeegyo ay u qoondeysay.
Iyadoona uu taas bedelkeeda cadeeyey uusan jirin isbedel ku yimid howlihii dugsiga lagu qaban jirey mudo dheer islamarkaana uu masuulkan meesha ka saarey jiritaanka warar sheegaya in xarunta ay ka jirto cabasho iyo daryeel la,aan lasoo gudboonaatey.
Col Ceydiid waxa uu carabka ku dhuftey in tababarkii ugu danbeeyey dugsiga lagu qaato uu usoo xirmey tiro ka badan 600 oo askari oo ka kala tirsan Booliska Puntland iyo DF Somalia, kuwaas oo 17 July Sanadkan 2013 tababar xerada loogu soo xirey.
Wuxuuna sheegey in ciidanka tababarka loo soo xirey uu hada ka howl galayo goobihii horey looga kala keeney oo ahaa Koonfurta iyo deegaanada Puntland, uuna yahay qorshaha furitaanka tababarka ciidanku mid ku yimaada baahi UN-ka ay usoo gudbiyaan dhinacyada loo tababaro booliska sida Taliska Ciidanka Booliska DF Somalia iyo Kan Puntland.
Shaqaalaha rayidka ah ee Kulliyadda Carmo.
Col Cali Ceydiid Faarax oo ahaa shantii sano ee lasoo dhaafey Taliyaha xarunta Tababarada Booliska Degmada Carmo waxa uu ka warbixiyey shaqaalaha xarunta ka howl gala oo uu tiro ahaan ku sheegey inay dhan yihiin ilaa iyo 100 qofood oo isugu jira tababarayaal, saraakiil xerada gacanta ku haysa iyo shaqaale rayid ah oo tiradoodu dhan tahay 34 qof .
Waxaana uu beeniyey isaga oo ka hadlaya shaqada ay hayaan shaqaaluhu warar been abuur ah oo laga faafiyey, kuwaas oo uu Taliyuhu ku micneeyey inay yihiin dacaayado aan geedna loogu soo gaban islamarkaana xuquuqda shaqaalaha rayidka ah helaan ay tahay mid ka badan tan shaqaalaha kale helaan , mushaarkoodii ugu danbeeyey-na ay heleen bishan Ramadaan ee aynu ku gudo jirno .
“Hadda aan kula hadlayo xarunta Leyr-keeda waa uu noo shaqeynayaa , biyuhu waa joogaan , cuntada waa laga kariyaa, shaqaalaha rayidkuna iyaga ayaaba hela xuquuqda ugu badan ee mushahaarka iyo gunooyinka la qaato, bishii wali aan hada dhamaan ee July Mushaarkoodii waa ay heleen, Annagana Bishii June mushaarkayagii u danbeeyey qaadaney tan hada lagu jirana maalmahan heli doona” ayuu yiri Cali Ceydiid.
Ciidamo Saldhig ka sameystey Xarunta.
Tan iyo markii ay Puntland dagaal ka dhan ah la gashey kooxda Alshabab ee ku dhuumaaleysaneysa buuraha Golis ayaa ciidamo ka tirsan kuwa daraawiisha iyo kuwa dagaalka kula jira Alshabab waxay fariisimo ka sameysteen goobo u dhow dhow Degmada Carmo oo xuduud dhow la leh buuraha Golis oo kooxahan Alshabab ku dhuumaleystaan.
Waxaana mar uu ka jawaabayey Cali Ceydiid eedeyn ciidanka daraawiish-ta loogu soo jeediyey inay hakad galiyeen howlihii Dugsiga tababarka ka dib saldhigyo ay ka sameysten ayuu ku tilmaamey warkaasi in uusan xaqiiqda ku fadhin, Balse uu sheegey taliyuhu inay jireen ciidamo habeen dhaxmo xerada u yimaada kuwaas oo aan kusii daahin, islamarkaana Dugsiga tababarku uu yahay xero weyn oo ay ciidanku leeyihiin, sidaas darteedna aysan mushkilad lagu eedeyn karo ciidanka meesha ka muuqan.
Taliyaha Dugsiga tababarka Carmo Col Ceydiid oo eedeyn dusha uga tuurey dad uusan magacaabin balse uu kusoo koobey inay yihiin kuwo ka shaqeynaya goor walba fidno iyo been abuurasho inay ka danbeeyaan wararka la xiriira dacaayadaha raqiiska ah waa sida uu hadalka u dhigay Col Cali.
Halkan ka dhageyso Wareysiga Taliyaha Kulliyada Tababarka Booliska Carmo
Sida laga warhayo inta badan saldhigyada ciidanka daraawiishta iyo kuwa kale ee dagaalka kula jira Alshabab waxay ku yaalan furimo dhowr ah oo ka baxsan Degmada Carmo , sida Toga la yiraahdo Sugure, Kalabeyr iyo Goobo kale oo ah dhul banaan oo qarar iyo togag-ba isugu jira, waxayna taasi marka loo eego ka marag kaceysaa in uusan jirin saldhig ciidamada Miletry-gu ku leeyihiin Degmada Carmo.
Ujeedada loo dhisay Kulliyada iyo kaalinta UN-tu ku leedahay.
Xarunta oo ah mid loo dhisay ama ay iska leedahay Jamhuuriyada Dowlada Federalka Somalia iyo Puntland ayaa howlaha inta badan lagu fuliyo ay yihiin kuwo la xiriira tababarada ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo ay Puntland qeyb uga tahay nidaamka loo yaqaan Federalism-ka, iyadoona ay ka yimaadaan mashaariicda lagu fuliyo tababarada xerada lagu bixiyo Hay,adda UNDP oo Qaramada Midoobey u qaabilsan horumarinta.
Sanadkii 2005-tii ayaa xariga laga jarey Dugsigan tababarka Booliska ee ku yaala Degmada Carmo , waxaana mashruucii lagu dhisay sidoo kalena lagu qalabeeyey iska lahayd UNDP oo iyadu ilaa hada gacanta ku haysa , sida saraakiisha boolisku-na ay sheegeen si weyn looga faa,iideystey tababaro ciidamada lagu siiyey.
Ciidamada tababarka ku qaata xerada Dugsiga ayaa iyagu ah kuwo laga kala keeno Gobolada dalka Sida kuwa Koonfurta iyo Puntland, iyadoona qorshaha ciidamadaas lagu keeno uu yahay mid ay leeyihiin saraakiisha UN-ka islamarkaana uu yahay mid ka madax banaan Xukuumada Puntland.
Iyadoona uu sheegey Col Cali in uu ku qiyaasi karo mudadii uu gacanta ku hayey Xerada maamulkeeda ciidamada tababarka ku qaatey tiro gaareysa 1500 (Kun iyo Shan boqol) oo ka tirsan Booliska Puntland iyo 1000 ( Kun ) Askari oo ka tirsan booliska Dowlada Federalka oo ka howl gala Muqdisho.
Isagoona gaashaanka u daruurey Cali Ceydiidinay hakad galeen tababaradii ama mashaariicdii UN-tu ku bixin jirtey xarunta oo uu Cali shegey inuu ku xiran yahay furitaanka tababarada hadba baahiyaha UNDP u gubistaan Saraakiisha Taliska Booliska DF ee Muqdisho fadhigeedu yahay iyo Saraakiisha Booliska Puntland oo ay hay,addu ku gacansiiso barnaamijyada ciidanka booliska loogu tababaro.
Isku soo wada duuboo cabashada wararka aan la hubsan ee ay baahiyaan saxaafada Somalida ayaa mudooyinkii u danbeeyey waxa kusoo badanayey kooxo kusoo dhex gabada shaarka suxufiyiinta oo iyagu marka aad isii kuur gasho qeyb ka noqonaya dhinacyada siyaasada ee jecel inay bulshada uga faa,iideystaan sidii ay u jeclaysiin lahaayeen afkaar shaqsi ama dowlad lagu magac dilayo, taasna waxay saameyn xoogan ku reebaysaa bahda suxufiyiinta oo sida sharciga saxaafadu qabo aan la ogoleyn in dareenka suxufiga laga dhex garto warka ama warbixinta uu qorayo ama uu tabinayo.
Puntlandpost.com
Editorial .