Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Faallo: 15 Sano ka dib Puntland.

$
0
0

Bosaso: (pp)- 15-sano ayaa laga jooga xilligii dhidibada loo taagay maamulka qaangaaray ee Puntland,kaas oo la aas-aasay 1-agoast sanadkii 1998.

Markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991,waxa dalka ka dhacay dagaalo isdaba joog ah oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed,arrintaasi oo horseeday in umada Soomaaliyeed ay noqdaan Qaxooti marti u ah dalal shisheeye.

Waxa lumay haybadii ay umada Soomaaliyeed ku lahaayeen Caalamka,waxaana fashil ku dhamaaday shirar lagu doonayay in lagu heshiisiyo Somalida oo ka dhacay wadamada Masar,Jabuuti iyo Ethiopia.

Isimo,Culumaa’udiin,Waxgarad,aqoonyahan,Siyaasiyiin iyo qaybaha kale ee Bulshada reer Puntland ayaa 15-sano ka hor is tusay muhiimada ay leedahay in ay samaystaan maamul Goboleed,kaasi oo gogol xaar u noqda dib u hanashada Qarankii burburay ee umada Soomaaliyeed.

Dadweynaha samaystay maamulka Puntland oo ka kala socday Gobolada Sool,Sanaag,Bari,Nugaal,Mudug iyo degmada Cayn ayaa 15-sano ka hor ku guulaystay samaynta Axdi KMG ah,Caasimada Puntland,Baarlamaan ka kooban 66-xubnood iyo Doorashada Madaxda Puntland,waxaana Madaxweynaha Puntland loo doortay ALLA ha u naxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed,hlka Madaxweyne ku xigeena loo doortay Maxamed Cabdi Xaashi.

Maamulkii ugubka ahaa ee Puntland ayaa suura-gal ka dhigay in uu dhismo Haykalka dowladnimo,xilli halka wax laga bilaabay ay ahayd Ban-Ka-Ood.

Madaxda Puntland oo gacan ka helaya qaybaha bulshda ayaa hormuud u noqday hirgalinta sharci iyo kala dambayn ka hana qaaday Puntland,waxana Dimuqraadiyada dadban ee ay ku dhaqmayeen ay saamaxday in Puntland ay yeelato Madax kala duwan oo ku imanayay hannaan Baarlamaani ah oo ku dhisan nidaam Beeleed.

Xukuumadihii ka horeeyay Xukuumada uu hogaanka u hayo D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ka soo baxay qaar ka mid ah waajibaadkii shaqo ee ay u igmadeen Bulshada reer Puntland,inkasta oo ay jireen waxyaabo badan oo aan hubanti u noqon in ay qabtaan.

Madaxweynaha Puntland D.r Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole ayaa ku guulaystay in magaca Puntland gaarsiiyo meel fog oo aan horay looga aqoon Puntland,arrintaasi oo ku kasbaday Siyaasadiisa furfurayd ee kula macaamilayay Beesha Caalamka.

Reer Puntland ayaa door muuqda ka cayaaray hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya,ka dib markii shirar lagu heshiisiinayay dadweynaha Soomaaliyeed lagu qabtay magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo.

In kasta oo abaal iyo mahad-celin aysan Puntland ka helin doorkii ay ka qaadatay hirgalinta dowlada Federaalka Soomaaliya oo waqti iyo dhaqaale ay ku bixisay,hadana Puntland wali waxay u taagan tahay dib u helida Qaran Soomaaliyeed iyo hirgalinta Nidaamka Federaalka oo ay ku heshiiyeen dadweynaha Soomaaliyeed.

Dhexgal-Xusuusin, Xukuumadii ALLA ha u anxariistee Cabdulaahi Yuusuf Axmed 1998 – 2004,Xukuumadii Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi 2005- Jan 2009,Xukuumada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Farole 2009 ___?.

Waxbarashada Iyo Caafimaadka.

Hormar wannaagsan oo waxbarasho kama jirin Puntland 15-sano ka hor,hasa yeeshee dadaal dheer oo ay sameeyeen dadweynaha ayaa keenay in Puntland ay yeelato goobo Waxbarasho oo ka koobaan,Dugsiyo hoose,dhexe iyo sare,Machadyo iyo Jaamacado.

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa keenay Siyaasad cad oo uu ku hormariyay waxbarashada,waayo waxa la mideeyay Manaahijta Waxbarsho ee Dugiyada dhexe iyo Sare ee Puntland,waxaa deeqo Waxbarasho loo diray Arday reer Puntland.

Shirkii June 2013 lagu qabtay Muqdisho ee looga hadlayay Waxbarashada Soomaaliya ayaa Puntland loogu aqoonsaday maamulka ugu Waxbarshada wannaaagsan Soomaaliya,arrintaas oo ahayd guul wayn oo ay gaareen reer Puntland.

Cabdiqani Qalabad Qoraaga Faalada

Cabdiqani Qalabad Qoraaga Faalada

Waxa Puntland laga hirgaliyay Cisbitaalo waawayn,kuwaasi oo dadweynaha u fidiya adeegyo Caafimaad,xilli 20-sano ka hor adeegyada Caafimaad loo doonan jiray Muqdisho.

Waxa xusid mudan in ay jiraan goobo Caafimaad oo loo leeyahay si gaara oo dadweynuhu ay dhiseen,taasi oo qayb ka ah hormarka Puntland.

Saxaafada.

15-sano ee jirtay Puntland Saxaafada waxa jiray koboc Warbaahineed,waayo waaxaa Puntland ka hawl gala Jaraa’ido,Websaydyo,Idaacado iyo Tv-yo la jaan qadaya Saxaafada Caalamka,waxaana tayada Suxufiyiintu ay noqotay mid kor usoo kacaysay sanadihii ugu dambeeyay.

10/Apri/2013 ayaa markii ugu horaysay ay Puntland yeelatay Raadiye,Tv iyo Websayd ku hadla afka dowlada Puntland,15-sano oo ay Puntland jirtay ka dib.

Waxa muuqanaya in hormar balaaran ay ku talaabsatay Saxaafada Puntland,in kasta oo ay jiri karaan dhaliilo loo tiirin karo bahda Warbaahinta.

Dimuqraadiyada.

Puntland markii la aas-saay waxay sameeyay Axdi KMG ah,axdigaas oo uu ka dambeeyay Dastuur qabya ah oo keenay khilaaf jiritaanka Puntland halis galiyay.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Xukuumada uu hogaaminayo waxay ku guulaysatay;.

1- Dib u eegida iyo ansixita Dastuurkii qabyada ahaa.

2- Samaynta astaanka iyo Calanka Puntland.

3- Samaynta Guddiga Doortasha KMG ah iyo xeerka ururada Siyaasada.

4- Ogolaansha Ururada Siyaasada iyo arrimo kale oo gogol xaar u ahaa Dimuqraadiyadii hakadka la galiyay.

14 July 2013 ayaa Madaxweynaha Puntland uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu joojiyay Doorashooyinkii Golayaasha deegaanka Puntland,in kasta oo xusay in ay rajaynayaan in waqtigooda dib loo bilaabi doono.

Dhacooyinkaas taariikheed ee kor ku xusan waxay ina barayaan in meel wannaagsan oo horay looga sii wadi karo ay gaartay Dimuqraadiyada Puntland,marka loo fiiriyo halkii Puntland ay wax ka bilowday.
Fanka Iyo Cayaaraha.

Burburkii Soomaaliya ka dib iyo aas-aaskii Puntland ka hor Fanka iyo Cayaaruhu door muuqda kuma lahayn arrimaha Bulshada Puntland,hasa yeeshee sanado ka dib horusocod ka wannaagsan halkii ay markii hore joogeen ayaa laga dareemayaa.

Waxa Puntland ka dhismay Naadiyo kubadda Cagta ah oo heer degmo iyo Gobol ah,waxaana marka laga hadlayo Cayaaraha qof kasta maankiisa kusoo dhacaya Cabdulaahi Sheekh Iyo Marxuum Boobe oo ka mid ahaa dadkii soo nooleeyay kubada Cagta Puntland.

December 15, 2010 Puntland ayaa 22-sano oo uu dalku burbur ahaa ka dib marti galisay tartanka Cayaaraha Gobolada Soomaaliya oo ay ku baratameen 15 Gobol.

In kasta oo Puntland ay ka jiraan naadiyo Kubada Cagata ah,hadana naadiyadaasi taabeero iyo aqoonsi kama helin Guddiga Olombikada Soomaaliya oo Barnaamijyadooda ku koobay magaalada Muqdisho.

Markaynu eegno Fanka Puntland 4-tii sano ee ugu dambasay wuxuu lahaa bilow wannaagsan,oo mari kara wadada hormarka,waxa Puntland ka aas-aasan Fanniin ku bahoobay magaca ‘’Xidigaha Puntland’’,kuwaasi oo uu hormuud u yahay Abwaan Shube oo ka mid ah Abwaaniinta caanka ah ee Soomaalida.

Hormarinta Fanka Iyo Warbaahinta dowladu waxay door muuqda mustaqbalka ka cayaari karaan Wacyi galinta,guubaabin iyo dhiiri galin dadweynaha reer Puntland.

Jidda-yarey.

Marka aad aragto cinwaanka sare ee Jidda-yarey waxaa hubaal ah in aad is waydiinayso halka ay ku taal Jidda-yarey oo ay suura-gal tahay in aadan horay u maqal.

Dadkii kasoo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee Puntland ay marti galisay waxay u qaybsameen dad ku negaaday Puntland oo amaan iyo shaqo ka helay iyo kuwo uga sii talaabay wadanka Yaman oo ay uga sii gudbeen wadanka Sucuudi Areebiya,kuwa u Tahriibay Sucuudi Areebiya ayaa waqtigaasi u shaqo doonan jiray magaalada Jidda ee wadanka Sucuudi Areebiya.

Mid ka mid ah dhalinyaradii kasoo jeeda Gobolada Bay iyo Bakool oo diiday inuu Tahriibo ayaa la yaabay Ganacsiga xorta ah ee barakaysan ee yaala Puntland,wuxuu muddo kooban ku noqday nin haysta dhaqaale aad u badan,isaga oo dhalilsan dhibaatada Soomaalida ka haysatay Tahriibta Sucuudiga,lana dhacsan Ganacsiga iyo hormarka yaalay Puntland ayaa yiri’’..Adi’oo Jid idin eh haysta,may ka fadaase dhibaate jid wayn’’,oo afka maxad tiri hadaan ku qeexo macnaheedu uu noqonayo’’Adigoo jidda yarey haysta,maxaad ka doonaysaa dhibaatada Jidda waynay’’.

Akhriste haddii aas-aaskii Puntland ka dib,Puntland ay noqotay goob loo soo shaqo tago oo Ganacsi xor ah uu yaal,dadkii usoo Brakacayna ay u bixiyeen Jidda-yarey,maxaad ka filaysaa 15-sano oo ay jirtay Puntland,heerka uu gaaray Ganacsigu.

Waxa xusid mudan in ay dhismeen magaalooyin waawayn oo ay yeelatay Puntland,waxana ka mid ah kuwa lagu faani karo Bosaso,Garowe,Gaalkacyo,Qardho iyo magaalooyin kale.

Gabo-gabo.

Aan u daadago soo afmeerida qormada,dad badan oo daalacday Qormadan ayaa oran doona,muxuu qoraagu ugu soo dari waayay Qormadiisa waxyaabaha aan suura-galin in la qabto 15-sano ee tagay,hasa yeeshee waxaan leeyahay’’ Xaasha-e nin libin kaa xasdiyay, xumihii waa yaab’’.

Cabdiqani Cabdullaahi Cabdi.

Qoraaga Da,aada yar ee  arrimaha Puntland.

qalabadyare@gmail.com.

Puntlandpost.com
Bosaaso.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>