Iyadoo shacabka Soomaaliyeed badankiis ay ka warhayeen in Kacdoon shacab uu ka bilowday gobolka Sh/hoose , kacdoonkaas oo looga soo horjeedo kooxo uu hogaamiye u ahaa Goobaale oo 22kii sano ee la soo dhaafay xoog ku haystay inta badan gobolka Sh/hoose , ayaa waxaa hada saaxada soo galay oo Alshabaab oo iyagana si toos u ugaarsanaya Kooxaha Goobaale .
Dagaal ayaa Habeen hore ka dhacay Tuulada Booshka , dagaalkaas oo kooxda Goobaale ay Al-shabaab kaga dileen illaa 13 maleeshiyo ah oo ka tirsanaa Askara Goobaale , kuwaas oo goobta lagu soo weeraray kaga cararay Maydka 13 nin oo taageersanaa Goobaale.
Gobolka Sh/hoose , ayaa aad looga hadal hayaa dagaalada Alshaaabku ay ku qaadeen kooxda Goobaale . Wax wada shaqayn ah kama dhaxayso dadka deegaanka iyo Al-shabaab , laakiin dadka deegaanka ayaa aaminsan Cadowgaaga Cadowgiisu waa saaxiibkaa, oo waxay dadku aad usoo dhoweeyeen weerarka lagu qaaday Kooxda Goobaale isla markaana maleeshiyaadka looga dilay.
Alshabaab ayaa maleeshiyaadka Goobaale oo la sheego inay ka tirsan yihiin ciidamada dowlada ayaan la is tusi karin, halka Ciidamo maleeshiyo ah oo deegaanka ka soo jeeda iyo kuwa Goobaale aan la is tusi karin , waxaana loo maleeshiyaa Maleeshiyaadka Goobaale in ay hada yeesheen Labo cadow oo ah Alshabaab oo meel ah iyo dadka deegaanka oo meel ah.
Sikastaba, Shacabka Sh/hoose, ayaa ,markii ugu horaysay Codkooda kor u qaaday , iyagoo 22-kii ee la soo dhaafay ku noolaa Nolol qalafsan oo lagu boobay Beerahoodii iyo Guryahoodii , iyadoo ay u dheerayd in laga gadi jiray Biyaha Webiga,arrinkaas oo ka fogaa Islaanimada iyo Soomaalinimada intaba.
Shacabka Soomaaliyeed oo waqtigan soo fahmaya dhibaatada ay shacabka ku keento Boobka iyo Bililiqaysiga ayaa waqtigan loo maleeyaa inay aad u taageerayaan CODKA Shacabka Sh/hoose ka soo yeeraya , kaas oo ah in ay iyagu Xaq u leeyihiin in deegaanadooda Maamushaan , laakiin ay marnaba aysan yeelayn in Maleeshiyooyin hubaysan oo Galgaduud ka yimi in ay deegaanadooda ku maamulaan , kuwaas oo deegaanka iyo Shacabka gobolka Sh/hoose , horay uga galay Danbiyo ka soo horjeeda Islaanimada iyo bani’aadanimada intaba.
Puntlandpost, Marka