Kismaayo: (pp)- Madaxweynaha Jubbaland State Mudane Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose, kaddib markii ka soo kicitamay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Safarka madaxweyna ayaa waxaa ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland, iyadoo garoonka ay kusoo dhoweeyeen Madaxda sar sare ee maamulka Jubbaland State.
Madaxweynaha ayaa yimi magaakaad Kismaayo , waqti ay gabo-gabo ku dhow yihiin ku dhawaaqida golaha baarlamaanka iyo gollaha Wasiirada Jubbaland State.
Axmed Islaam ayaa tan iyo intii uu ka maqnaa dalka kulamo heer Caalami ah lasoo yeeshay Beesha Caalamka , masuuliyiinta dalalka Deriska ah iyo Puntland oo kaga qayb galay aaskii Allaha u naxariistee Boqor King Kong , isla markaana kula kulmay Madaxtooyada Garoowe Madaxda sar sare ee Puntland State.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State