Bosaso: (pp)- Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Gadiidka Bada, Dekkadaha iyo la dagaalanka Burcad badeeda Dowlada Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa lagu sheegay in Puntland aysan aqoonsaneyn heshiiskii bishii July dhamaadkeedii Magaalada Muqdisho ku dhexmaray dowlada Federaalka iyo Shirkada fadhigeedu yahay dalka Holland oo lagu magacaabo Atlantic Marine and Offshore Group.
Qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka Dekedaha ,Badda iyo la dagaalanka Burcad badeeda Puntland oo ku qornaa luuqada Ingiriiska halkan ka akhriso Qoraalka oo English ah.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Puntland u madax banaantahay illaalinta bada Soomaaliya qeybta ay ka maamusho iyo waliba wax walba oo la xariira ka hortagida qashinka lagu tuuro iyo waliba dhanka Kaluumeysiga.
Wasiirka Puntland ayaa sidoo kale ku tilmaamay heshiiska uu saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowlada Federaalka Cabdiraxmaan Fiqi mid ka horimaanaya heshiisyadii horey u dhexmaray xukuumada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka kuna aadanaa illaalinta madax banaanida, dhulka iyo biyaha ee dalka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedkan ayaa lagu soo gebagabeeyey in Puntland ay sii wadi doonto ilaalinta biyaheeda, ayna ka hortagi doonto wixii ay u aragto inay carqaladeynayaan madax banaanida , Amniga iyo Khayraadka Badeeda.
Bilihii ugu danbeeyay waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo dowlada dhexe ee Somaliya,ka dib markii waxyaabihii lagu wada heshiiyay ay dowlada Xasan ee Xamar ku eg fulinwayday,waana tan keentay marar badan lagu kala aragti duwanaado xaalada Somalia.
Puntlandpost.com
Xafiiska warar ee Boosaaso .