Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

DHAGAYSO: Axmed Cabdi Salaan oo la wareegay Safaaradii Soomaaliya ee Itoobiya

$
0
0

Waxaa xilkii safiirnimo la wareegay Axmed Cabdi Salaan oo DF u magacowday in uu noqdo safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya, Waxaa jagadaas laga wareegiyey Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Ethiopia Amb Siciid Yuusuf Nuur dhawaana loo magacaabay in uu noqdo Safiirka dalka Tanzania u fadhiya dalka Soomaaliya.

Jagada laga qaday Amb Siciid Yuusuf Nuur ayaa sii xoogaysay ismaandhaafkii u dhexeeyey  Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, waxaana madaxweynaha Puntland xaflad uu ku qabtay aqalka madaxtooyada Puntland uu ku xusay in xiriirka Puntland iyo DF uu in dhowaalato uu aad u sii xumaanayey.

Amb. Saciid Yuusuf Nuur ayaa  khudbad uu ka jeediyay xaflad loo sameeyay ayaa waxaa uu kaga hadlay Arimo badan oo uu qabtay xiligii uu jagadaas hayay. Halkan ka dhegeyso khudbadii xilwareejinta


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>