Dhismahan cusub oo ka kooban Saddex Xafiis ayaa waxaa Maalgeliyay Hay’ada USAID waxaana Fulinteeda lahaa Hay’ada KISIMA, Sidoo kale Waxaa Wasaarada lagu wareejiyey Qalab Solar-System ah oo ku shaqaynaya Qoraxda, Kaasi oo dabooli doona Baahida Korontada ee ay u baahan yihiin xafiisyadan oo laga dhex sameeyey xarunta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland.
Shaafici Abdulahi Maxamed oo Katirsan Hay’ada KISIMA ayaa Masuuliyiinta Wasaarada kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan Dhismaha Cusub ee ay u dhiseen iyo Qalabka Solar-ka ee ku shaqaynaya qoraxda, mar uu arintaas ka hadlayey waxa uu yiri “Waxan rajaynayaa in dhismahan iyo Qalabkaan uu kaafiyi doono Baahidiina, waxaana idinkula dardaarmayaa inaad uga faa’iidaysataan sida ugu haboon”
Waxa kale ee uu sheegay inaysan ku koobnayn intaan oo kaliya waxqabadka ay ka fuliyeen wasaarada Xanaanada Xoolaha Puntland “Horay waxan idiin-ku Qalabaynay Shaybaarka Wasaarada (Laboratory), Sidoo kale waxan Tababaro u fulinay Shaqaalaha Sheybaarka“ sidaas waxa yiri Shaafici Abdulahi oo Kasocday KISIMA.
Ugu Dameyntii Waxaa lagu wareejiyey Dhismihii iyo Qalabkii Solar-ka Wasiirku xigeenka Wasaarada Xanaanada Xoolaha waxana ku wareejiyay Gudoomiyaha KISIMA, Dr.Maxamed Siciid.
Agaasimaha Qorshaynta iyo Mashaariicda Wasaarada Xanaanada Xoolaha Maxamed Cabdulqaadir oo Madasha Ka hadlay ayaa Mahadcelin usoo jeediyay Hay’ada USAID oo Mashruucan Maalgelinaysay iyo Hay’ada KISIMA oo Fulinaysay Mahshruucan.
Puntlandpost.com
Garowe.