Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

CADAADO: Maamulka Degmada Cadaado oo sheegay si rasmi ah inay uga mid noqdeen Dawlada Soomaaliya.

$
0
0

Cadaado: (pp)- Maamulka ka arimiya Degmada Cadaado ee Ximin iyo Xeeb ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay ku biireen Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Afhayeen u hadlay Maamulka Ximin iyo Xeeb oo lagu Magacaabo Maxamed Cumar Hagafey ayaa sheegay inuu Maamulkoodu si buuxda ugu biiray Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya ayna si toos ah u hoostagi doonaan wuxuuna tilmaamay inay Dawlada Soomaaliya ku wareejiyeen ciidankoodii.

Hagafey oo shaaciyey inay ku biireen Dawlada Madaxweyne Culusow

Hagafey oo shaaciyey inay ku biireen Dawlada Madaxweyne Culusow

Hagafey ayaa sheegay inay Dawlada Soomaaliya kala saxiixdeen hehsiis uuna qodobka ugu muhiimsan ahaa inuu Maamulkoodu toos u hoos tago Dawlada Soomaaliya ayna ciidamadoodii si toos ah uga mid noqdeen Ciidamada Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya, Waxa uu sheegay inay Dawlada Soomaaliya ka cod sadeen dhawr qodob oo ay kamid ahaayeen inay Ciidamadooda la wareegto Dawlada Soomaaliya iyo inay ka helaan Dawlada Federalka ah xaquuqdii ay ka mudnaayeen dhamaantood waan isku afgaranay ayuu yiri afhayeenkan u hadlay Maamulka Degmada Cadaado.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay isla afgarteen in hal Maamul loo sameeyo Gobalada Dhexe ee Dalka Soomaaliya si loo mideeyo Maamulada tirada badan ee ka jira Gobaladaasi, wuxuuna tilmaamay in degmada Cadaado lagu qaban doono shirweyne ay iskugu imaan doonaan Bulshada ku dhaqan Gobalada dhexe ee Soomaaliya gaar’ahaan Gobalka Galgaduud iyo Koonfurta Gobalka Mudug.

Hagafey ayaa sheegay inay Dawlada Soomaaliya ka codsadeen in Degmada Cadaado ay u magacowdo Gobal maadama ay Degmadu aad u balaarantahay ayna xukunto dhul baxaad leh ayuu yiri mudne Hagafey.

Dawlada Soomaaliya aya u muuqata inay Dadaal ugu jirto sidii ay xiriir dhow ula yeelan lahayd Bulshada ku dhaqan Gobalada dhexe ee Dalka Soomaaliya iyo Qaar kamid ah Koonfurta Soomaaliya.

puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>