Nairobi: (pp)- Prof. Cali Maxamed Geedi oo ahaa Raiisal wasaarihii dowladii Allaha u naxariistee Marxuum C/laahi Yuusuf oo khudbad ka jeediyey maalin kahor shir lagu qabtay Nairobi , isla markaana lagu soo dhoweynayey M/kuxigeenka Jubbaland State Gen. C/llaahi Sh. Ismaaciil (Farataag) ayaa eedeeyn xoogan u jeediyey Df ee Soomaaliya.
Dib u dhegeyso khubada Prof. Geedi
Geedi oo lagu yaqaano inuu yahay siyaasi hadal yaqaan ah oo aan gaban ayaa ka sheekeeyey Soomaaliya iyo meesha ay u socoto, wuxuuna DF ee Soomaaliya ku eedeeyey arrimo xaqiiq ah oo shacabka Soomaaliyeed ay maanta aad u hadal hayaan oo ay ka mid yihiin barnaamijka Federaalka iyo sidda ay dowladu u garab martay, dagaalada ka qarxay gobolo badan oo Soomaaliya ka mid ah iyo diidmada ay dowladu ka soo horjeesatay dhismaha maamulka Jubbaland.
Dagaalaadii dowladu ay lugta ku lahayd shacabkii ku dhintay ayuu illaahay uga baryey Janatul –fardowsa , kuwii dhaawacmayna illahay uga baryey Caafimaad deg deg ah.
Sharciga Federaalka ee la garab maray ayuu sheegay in aysan jirin qof ku xadgudbi karta , Soomaaliyana lagu soo dhisay Federaal sanadkii 2004-ta.
Dhimaha maamulka Jubbaland State ayuu ku tilmaamay maamul sharci ku yimi . Prof. Geedi wxuuu yiri” Cuqaashii iyo waxgaradkii oo Soomaali oo dhan u dhan tahy ayaa go’aan ku gaaray in ay samaystaan maamul goboleed”.. Wuxuu is weydiiyey Prof. Geedi yaa diidi kara masiirka ummadda??!
Hadalada ka soo yeeray Geedi, ayaa shacabaka Soomaaliyeed intooda badan ku tilmaameen inuu daaha ka qaaday dhibaatooyin isbiirsaday oo ay shacabka Soomaaliyeed ay maanka ku hayeen ama ay ku keli noqdeen, waxaase Prof. Geedi eedaynta dowlada uu u jeediyey ay miisaan u yeeshay hadaladii iyo eedayntii kazoo burqanayey shacabka Soomaaliyeed.
Hadalka Geedi ayaa dadka qaarkiis u arkeen siiba shaqsiyaadka aan doonayn in Soomaaliya ay ka dhacdo maamul iyo kala danbeyn, dhinbil Dab ah oo iyaga ku aadan ,waase run arrinkaasi , Geedi wuxuu taabtay dhibaatooyinka rasmiga ah ee ay dowladu ka samaysay dalka , gaar ahaan inta xukunkeeda ku eg yahay, ayna ugu weyn yihiin dowlada oo sharcigii dalka ku tumatay iyo dagaalo qabiil oo dalka ka bilowday iyo maamuladii iyo sharcigii federaalka oo meel kale lagala dhacay, wuuxuse Geedi xusay oo kale dhibaatooyinka kale ee ku gaarka ah Muqdisho.
Dowlada Federaalka ee Dam-jadiid oo ka jawaabtay eedaynta Prof. Geedi ayaa iska difaaci waayey qodobada uu taabtay Prof. Geedi, waxayna dowlada Damjadiid ku eedaysay Prof. Geedi nin siyaasada meel uu kazoogalo ka waayey.
Waa yaabe Prof. Geedi ma u baahan yahay in siyaasada qolo gaar ah uu ka raadiyo ama shaqsiyaad , mise Kursi siyaasigii raadinayana qaab iyo hanaan uu ku raadiyo iyo hankiisa ayuu leeyahay??. Waxaan u loo qaadayaa hadalka dowlada in aysan aqoonba waa kuma Prof. Geedi??
Waa kuma Geedi?
Geedi waa siyaasi Soomaaliyeed , Jagada ugu muhiimsan ee dalka uu ka soo qabtay waxuuna soomaaliya ka noqday Raiisal wasaare , Waqti ay Sooamaliya maraysay meel xun, waxayna dowladiisu ahayd tii Caasimaad Soomaaliya oo shaqsi hanta waayey gacanta ku dhigay , waana dowladii laga dhaxlay dowladihii ka danbeeyey sida tii Shariif iyo Xasan Sheekha fadhiya maanta Villa Soomaaliya.
Wuxuu kursiga raiisal wasaaraha uu isaga tegay isagoo taageero wanaagsan loo hayo , waxaana dadka Soomaaliyeed ee Siyaasada odorasa ay tilmaameen , ka Wareejintii Prof. Geedi laga wareejiyey kursiga Raiisal wasaaraha inay keentay fashil siyaasadeed oo ay ku kacday dowladii isaga ka danbeysay, kaddib markii ay Al-shabaab gacanta ku dhigeen inta badan Soomaaliya. waxaana la filayaa inuusan taageeradaas uusan weli lumin.
Horay wuxuu ahaa bare Jaamacadeed , kaddibna ku biiray Siyaasada. Waxaa la aaminsan yahay inuu Geedi maanta yahay nin warkiisa la dhegeysan karo.
Prof. inuu siyaasi yahay waxaa lagu garan karaa inta arrimood uu ka hadlay ee uu xushay inuu ka hadlo, waa arrimo mudnaa in laga hadlo , si loo arko dowlada hadda jirta meesha ay Soomaaliya la ‘aaday.
Prof. Geedi wuuxuu noqday maanta Cadowga, kuwa dowladnimada aan doonayn ee tirade yare e Muqdisho ku nool , dadka Muqdisho oo dhan maahane waxaan ulla jeednaa kuwa Haysta guryaha dadka Islaamka ah. Waxaana xusid mudan siyaasigii yiraahda Muqdisho Maamul dowladeed ma yaalo inuu noqonayo Cadowga kooxaha ku naaxay Xaaraanta.
Tusaale, waxaa marar badan ay afkiisa ay ka soo baxday Wariye Allaahay macadaabee Cagmadhige isagoo u digaya dadka Muqdisho ku haray , ayuu ugu baaqay in ay illaahay ka baqaan , guryaha dadka Islaameedna ay ka baxaan ee ay qabsadeen 1991-dii , Waxaanu ognahay in Cagmadhige uu la kulmay Af-lagaado iyo hanjabaad uu kala kulmay kuwa xaaraanta iyo guryaha Islaameed guryaahooda haysta.
Waxaa kaloo dhacday in gudoomiyaha G. banaadir Tarzan uu marar badan Saxaafada ka sheegay in shaqsiyaadka haysta guryaha dadka ay isaga baxaan , waxaana la soconaa dhibaatooyinka uu ka dhaxlay, isaga oo maanta noqday cadowga kuwa Xaaraan- kunaaxayaaasha.
Eeda Muqdisho ka socota ee ku aadan Prof. Geedi ayaa ah , muxuu uga hadlay Xaalka qariban ee Muqdisho ka jira iyo maamul xumada dowlada.
Waxaa Ammaan usoo jeedinaynaa Prof. Geedi, iyo sida uu ugu dhiiraday inuu dowlada Xasan Sheekh ku eedeeyo hab dhaqankeeda khaldan , kuwa dowlada sheeganaya waxaan leenahay Prof. Geedi siyaasada kuma cusbee , Waa Macalin, waa siyaasi, siyaasada meel fiican ka gaaray , haddana haysta Jaanisyo kale oo furan oo ah inuu ka mid noqdo kuwa Soomaaliya badbaadinaya Mustaqbalka.
Gaba-gabadu waxay tahay haddii hadalka Geedi uu dhibay dadka qaarkiis, ka haddalka dhibaatooyinka jira kaligiis kuma ekee , horayba waxaa loo dhibsaday Wariye Cagmadhige iyo Tarsan, waxaan rajaynaynaa in kuwo kalena illaahay keeno oo Xaqa ka hadla.
Sikastaba, ha ahaatee, Prof. Geedi khudbadii uu ka jeediyey Nairobi waxay kor u qaaday Sumacadiisa, waxayna niyad jab ku riday kuwa aan doonayn in wax la hagaajiyo, waxayna cuqdad ku abuurtay kuwa ka soo horjeeda nadaamka dowladnimo si dalku uu u helo nabadgelyo Waarta.
Puntlandpost, Nairobi, Kenya