MUQDISHO: Afhayeenka Alshabaab Cali Dheere oo lahadlay Warbaahinta Alshabaab ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay ka dhiidhiyaan dhibaatada loo geysanayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan Muqdisho.
Isagoo ka hadlayay dhibaatada kufsiga ee lagu eedeeyay ciidamada AMISOM ayuu sheegay in arintaasi ay horseedi karto dhibaatooyin kale oo dadka shacabka loo geysto.
Waxaa loo baahan yahay 500, 300, ilaa kun dhalinyaro oo sameeya falal ismiidaamin ah oo dhanka ah cadowga”ayuu yiri afhayeenka Alshabaab Cali Dheere.
Dowlada Federaalka ayaa maalintii shalay sheegtay in dad lala xiriirinayo kufsiga hawenay soomaali ah ay gacanta ku dhigeen, taas oo aan saxaafada loo soo bandhigin.
Halkan hoose ka dhegeyso Cali dheere oo arintaas ka hadlaya