Garowe: (pp)- Jamciyadda wanaag faridda & Xumaan Reebidda waxaa aasaasay Culimada Magaalada Garowe taariikhdu markay ahayd may, 2006, waxaana loo aasaasay arimo badan o ay sal u tahay shareecadda Islaamku, waxaana ka mid ah waxqabadka Jamciyadda laga bilaabo xilligii la aasaasay ilaa maanta oo aynu joogno:
1. Wacyigalin iyo muxaadarooyin lagu qabto miyi iyo magaalo
2. Dayactirka dugsiyada qura’anka kariimka ah iyo masaajidda kaqayb qaadashada tartamada qura’aanka kariim ah
3. Qeybinta iyo daabicida cajilado islaami ah
4. Ciidsiinta iyo kafaalo qaadka agoomaha
5. Quudinta masaakiinta
6. Afurinta dadka aan wax haysan bisha barakaysan ee ramadaan
7. Astaynta xarumo lagu dhageysto tafsiirka qura’anka kariimka ah iyo muxaadarooyin islaami ah
8. Qeybinta udxiyadda
9. Astaynta xarumo lagu dhagaysto tafsiirka quraanka kariimka ah iyo muxaadarooyin islaami ah
Waxaa jimciyaddu ka samaysay Garoowe 9 xarumood oo tafsiirka iyo muxaadrooyin lagu dhagaysto, Waxaa kaloo qalabka wacyigalinta lagu soo rakibay tuulooyinka kala ah: Sunijiif,Dongoronyo,Xasbahalle,Godob jiiraan,Baqbaq,yoombays,Uusgure,Dhanaane,Awrculus,Shaxda,Xaabo,Baargaal iyo Xaaji khayr.
Waxaa kaloo jira xarumo lagu dhagaysto tafsiirka Qura’anka kariim ah oo ugaar ah, kuwaas oo kuyaala magaaladda Garowe waxayna kala yihiin: Barxadda magalaadda,Baar bulsho,Masaajidka Imaamu nawawi,Masaajidka Caaisha,Masaajidka Towxiid
Wacyigalin iyo muxaadarooyin lagu qabto Miyi iyo Magaalo, Gaar ahaan Muxaadaroyinkii kadhacay Garoowe
Waxaa magalaada Garowe lagu qabtaa Muxaadarooyin kuwaas oo ka dhacah gudaha magaaladda gaar ahaan xarumaha dumarka sida Machadka Khadiija bintukhuwaylad, IDPSyada Masaajidda Dugsiyada Qura’nka iyo waliba shaaricyadda sidoo kale waxay jimciyadu u qaybisay dhammaan hay’adaha dawaladda puntland iyo kuwa aan dawliga ahyn Cajiladdo CDs ah oo ay ku duubanyihiin qura’anka kariim ah tafsiirka Qura’anka iyo Muxaadarooyin islaami ah oo loogu shubayo computarada shaqadda sidoo kale waxaa bisha barakaysan ee Ramdaan lagu soo kordhiyay xarumo lagu dhgaysto tafsiirka Qura’anka oo kala ah Hotel Guureeye hotel Roorshe iyo astaanka Boosaso(cawil sheexo) iyo muxaadaraad lagu qabto habeenadda Bisha Barakaysan ee Ramadaan kuwaas oo lagu qabto masaajidada Xaafadaha ku yaal.
1. Jawlooyinka ( Kormeerada dibadda)
Jamciyaddu waxaa u suurta galay alle (S.W.C) daraadiis inay jawlooyin ugu kala bixiso meelo badan oo kamid ah deegaanada Puntland kuwaas oo isugu jira Tuulooyin, Magaalooyin , jawlooyinkaas meelaha Jamciyaddu ku tagtay waxaa ka mid ah: Gobolka Nugaal.
Garowe oo ah xarrunta Jamciyadda waxaa ka baxa barnaamijyo fara badan oo wacyigalin ah oo isugu jira goobo lagu dhagaysto tafsiirka Quraanka kariimka, Muxaadarooyin u khaas ah Raga iyo Dumarkaba, wacyigalinta guddiyadda xaafadaha , sidoo kale waxay jamciyaddu si joogta ah u booqataa deegaamada kala ah : Awr-Culus, Yoombays, Xasbahalle, Diilin Maaxato, Budunbuto, Baarweyn, Qarxis, Kalabayr, Jalam,Birta dheer,Eyl, Godob Jiraan, Buurtinle, Dhanaane, Gabbac.Baqbaq, Uusgure,Ceel Buh, Dangoroyo, Xaaji Khayre, Cuun, Caana Yaskax, Timir iyo Xamur, Gobolka Karkaar Qardho, Shaxda, Goblka Mudug, Gobolka Bari, Boosaaso.
Jawlooyinka ay samayso jamciyaddu waxaa loola jeeda in wacyigalin wax tar leh la siiyo bulshada deegaanadaas taas oo inta badan xoogga saarta:
Ilaalinta ammaanka deegaanadooda, ka hortagga burcadda iyo burcad badeednimada, dhawridda wada degenaanshaha , dhibaatada maandooriyaha, Dhawrista deegaanka I.W.M.
Jawlooyinkaas waxay qabsoomaan bishii 2 jeer, iyada oo dhulka dhawdhaw ee laamiga ah Jamciyadu adeegsata gaarigeeda dacwo, halka goobaha fogfogna ay kiraysato gawaari kale bishii hal jeer.
Kushubida memorayadda iyo computarada
Waxaa kaloo kamid ah hawlaha ay qabato jimciyadu kushubiddda memoriyadda iyo computarada xog diini ah oo dhamaystiran kuwaas oo si bilaash ah mama lacag la’aan ah loogu shubo dadwaynaha. Dayactirka dugsiyadda Qura’anka iyo masaajidda ka qeyb qaadashada tartamadda qura’nka kariimka ah.
Waxa ay sameeysay jimciyadu tababaro kusaabsan tateynta macalimiinta Dugsiyada Qura’anka iyo u qeybinta cajilado Quraanka kriimka ah iyo la talin loo sameeyay macalimiinta Dugsiyadda Qura’anka. Waxaa kaloo jirra dayactir lagu sameeyo masaajidda magaalada iyo
tuulooyinka iyadoo laga caawiyo Makarafoonada, Sameecadaha , Kutubta Quran’nka karimka ah iyo kawar hayn joogta ah magaaladda iyo tuulooyinkaba. Waxaa kaloo jimciyadu Sanad kasta qabataa tartamadda qura’anka kariimka ee ka dhacah masaajidka alhudda ee magaaladda Garowe
Ciidsiinta iyo kafaalo qaadka Agoonta.
Waxay jimciyadu samaysaa barnaamij ay ku ciidsiinayso agoonta kaas oo la magac baxay Kaga farxi Agoon dharka ciida Barnaamijkaa oo ay jimciyadu wadday 2dii sanno ee ugu danbeysay oo ay Agoomo tiro badan lagu ciidsiiyay waxayna sanadkan ciidsiisay caruur agoon ah oo iskugu jirra Wiilal iyo Gabdho, waxaa kaloo jirra caruur kale oo laga baxsho si joogta ah fiiga Iskuulaadka iyo Dugsiyadda Qura’anka taas oo ay ku deeqeen muxsiniin soomaaliyeed oo qurba jog ah oo ay jimciyaddu wakiil uga tahay.
Afurinta iyo Quudinta Masaakiinta aan waxba haysan.

Barmaajiyyada Quudinta iyo Xanaaneynta hooyooyinka masaakiinta ah ee kasoo qaxay meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah
Waxay jimciyaddu samaysaa barnaamij la magac baxay ku afuri walalkaaga sooman barnaamijkaas oo jimciyadu waday sanadadii ugu danbeeyey iyadoo lacagta laga aruuriyo masaajidada ka dibna dadka masaakiinta ah lagu Afuriyo iyadoo sanad kasta la afuriyoh dad aad ubadan dadkaas oo Afurka loogu sameeyo Xarumo loo asteeyay waxaa kaloo jira dad laga war hayo oon wax haysan, kuwaas oo Guryahooda wax uun Raashin ah loogu geeyo kuwaas oo ay jimciyaddu kawarhayso.
Waxaa kaloo jira barnaamij ay jimciyadu sameeyso oo ay ku maal galiso dadka masaakiinta ah si ay sameeystaan Ganacsi yar oo ay kala soo baxaan nolol maalmeedkooda, taas oo ay wadday 2dii sanno ee udambeeysay dadkaas la maalgalinayo oo ah Dumar masaakiin ah.
U qeybinta Adaaxida ciida Udxiyadda Jimciyaddu waxa ay sameysaa Bisha Xajka ama Ciidul Adxaa qeybinta xoolaha Udxiyada, kuwaas oo la siiyo dadka masaakiinta ah iyo Agoonta xoolahaas oo ay la baxaan dad muxsiniin ah oo iskugu jirra Qurba joog iyo Carabeed oo Islaanimo ugu soo gurmada dadka masaakiinta ah ee deegaaanadan ku nool.
Dhammaanteen illaahay hanaga dhigo kuwo isku gar-gaara , oo isu naxariista , oo aan is dulmin… Aamiin:: Amiin
C/xamiid Salaad Barre
Garoowe, Puntland