Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xaqiiqada Dhabta: ee Dib u Dhigista soo magacaabista iyo Dhamaystirka Maamulka jubbaland State

$
0
0

Sida qaar ka mida ah websiyada wararka Soomaalida Somali Local news outlets) tabiyeen asbuuciiyadii la soo dhaafay: in maamulka iyo madaxwaynaha Jubbaland ku guuldaraystay magacaabista iyo dhamaystirka maamulka Jubbaland State, ayaa waxaa cadaatay in wararkaas aysan waxba ka jirin.

JubbalandFlagMadaxwaynaha jubbaland iyo guud ahaan cuqaasha iyo waxgaradkaba ayaa waxay ka mideesan yihiin in dib u dhigiga samaynta maamulka Jubbaland ay uga goleeyihiin tixgelinta lagu tixgalinaayo Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyo raadinta afgarad dhex mara Dowlada Federaalka Soomaaliyeed iyo Jubbaland State, si Soomaalida kale loo tuso in dowlad goboleedka Jubbaland State ay u taagan tahay mid ku salaysan Dulqaad, Wadatashi iyo talaaabada mar walba la qaadayo ay tahay mid ka soo maaxatay Tallooyin aad loo shiilay.

“Soomali horay ayey i tiri Talladaan la ruugin waa lagu , rafaadaa”, sidaas awgeed Jubbaland State mar walba waxay xeerinaysaa in Jid wanaasan ay wax ku dhammaadaan, go’aankeeda kama danbeysta uu noqdo in Marka ay Baraka maleh ay tagto , ay qaataan go’aankooda kama danbaysta , inta ka horaysana la xeeriyo waxa Soomaali iyo Qaranimadeedka.

Sikastaba, Ilo hoose ayaa waxay xaqiijiyeen in maamulka Jubbaland State oo ugu horeeyo madaxwaynaha Jubbaland ay aaminsan yihiin in magacaabista maamulka iyo dhamaystirkiisa ay wanaagsan tahay markii meel la isla dhigo is afgaranwaaga ka abuurmay markii Dowlada Federaaalka Somalia iyo Jubbaland State, kaas oo la filaayo in uu wax ka bedelo shirarka dhici doona ee lagu baadi goobaayo sidii loo soo afjari lahaa is afgaranwaagaas. Taas oo macnaheedu yahay “in magacaabista maamulka Jubbaland State iyo dhamaystirkiisa uu dhaco markii arintaas xal loo helo si arintaan maamuska leh ay Dowlada Federaalka Soomaaliyeed ay goob joog uga ahaato”. Arinkaan oo ah samo doonka ay Jubbaland State iyo waxgaradkiisa rabaan in ay u horseedo maamulada kale ee mustaqbalka rabo in la sameeyo ay uga daydaan in maamuuskeeda ay horseed u noqoto Dowlada Federaalka Soomaaliyeed.

Warar kale oo iyagana ka imanaaya ila kale oo hoose, oo si aad ugu dhuundaloola siyaasada Jubbaland State, ayaa iyagana xaqiijiyey in Jubbaland iyo waxgaradkeeda ay Soomaalinimada ku wayn tahay, iyaga oo markasta baadi goob ugu jira in ayna ka daalin raadinta is afgarad dhex mara Dowladda Federaalka iyo Jubbaland State, ayna u maraan jidkasta oo taas suurogelin karo, iyada oo ay isla markaana ka go’an tahay in madaxwaynaha iyo waxgaradkaba reer Jubbaland State ay noqdaan kuwo geedi socodka nabada dalka iyo dadkaba wax ku soo kordhiya.

Wararka oo intaa ku daray in madaxdeeda iyo waxgaradka Jubbaland State ka go’an tahay in Soomaalinimada iyo iskuduubnaanta Somaliya ay tahay mid muqadas ah.

Warar kale ayaa sheegaya in DF ee Soomaaliya ay codsatay , weliba shirarkii hore in dib loogu dhigo magacaabista gollaha wasiirada Jubbaland State, taasna ay keenayso daahitaanka ku imaaday magacaabista gollaha Wasiirada Jubbaland State oo Miiska saaran., lana dhamays tiray.

Isha Warkan:  M Barre , Junlay [Buluf] + Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles