Addis Ababa: (pp)- Tan iyo intii Xasan Sheekh uu ka duulay magaalada Addis Ababa , uuna gaaray Muqdisho ayaa taageerayaashiisa markii uu la kulmay waxay go’aan ku gaareen in loo diro Addis Ababa, Wasiirka Arrimaha Guddaha kooxdav (Dam-jadiid) C/kariin Guuleed, si loogu biiriyo Wadahalada Addis Ababa.
Safarka uu ku tagayo C/kariin Guuleed Addis Ababa, ayaa sababtay ayaa la leeyahay kaddib markii Wasiirul dowlaha Madaxtooyada DF ee Soomaaliya Faarax C/qaadir uu muujiyey dabacsanaan ah in jabbaland State la aqoonsado , maadaana waxyaalaha ay ku doodayaan Sharciga Federaaalku uu qabo, si loo dhameeyo is afgaran waaga u dhaxeeya Jubbaland State iyo DF ee Soomaaliya.
Puntlandpost ayaa maalinkii shalay heshay Xogg sheegaysa in Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo maalinkii shalay si deg deg ah uga dhoofay Addis Ababa ay arrinkaas kula taliyeen La taliyaashiisa kala ah Ismaaciil Cumar Geelle iyo kooxaha Sheegta Odayaasha Beelaha Hawiye, iyagoo kula taliyey inuu shirka isaga soo tago , maadaama uu aqbalay aqoonsiga Maamulka Jubbaland State.
Inkasta Xasan iyo ragiisa iyo Madaxweynaha Jubbaland State waxyaalaha ay ku heshiiyeen Commenti-gooda la qorayey oo Wakiilo caalami ah ay joogeen , haddana Waxaa Ceeb ku ah Xasan Sheekh inuusan ahayn nin go’aan madaxweyne leh , isla markaana aan u muuqan inuu yahay hogaamiye Qaran maamuli kara.
Waxaa la soo ogaaday in Xasan Sheekh uusan u samaysnayn qaab hogaamiye , wuxuuna aad ugu wareeraa doodaha badan , badanaa ma qaadan karo go’aan kama danbay ah.
Maalinkii shalay ayaa aad looga yaabay Safarka deg deg ah ee Xasan Sheekh , waxaa meeshaas ka muuqatay , oo Siyaasiyiintii Addis Ababa la joogay wada dareemeen go’aanka deg deg ee uu gaaray inuusan ahayn mid Caqli saliim ah ka yimi , wuxuuna sheegtay markii Addis Ababa uu ka tegayey inay ay magaalada Muqdisho u yaalaan howlo laga sugayo oo dowlada Muhiim u ah, laakiin Wararka Puntlandpost ay heshay waxaa lagu ogaaday in La taliyaashiisa gaar ah ay kula talinayeen in shirka uu isago tago, kuna dhaafo Madasha shirka kooxaha kale, si shirku u jiitamo.
Inkasta oo shirkaas la dhamay tiri doono maalmaha soo socda, haddana waxaa meeshaas ka soo baxday FADEEXO ku aadan Xasan Sheekh , loona aqoonsaday Waqtigan inuu yahay nin awood siyaasadeed aan la ahayn , una talinayaa Ismaaciil Cumar Geelle iyo rag Muqdisho jooga oo Odayaal sheegta loona aanaynayo in ay yihiin shaqsiyaadka aan doonayn in dalka dego, maadaana ay ku habsadeen guryihii iyo xarrumihii dowlada.
Sikastaba, dowlada Xasan Sheekh ayaa noqotay La mood noqonse wayday, hadduuna saan ku sii socda waxaa la sadaalinayaa in Soomaaliya gobol iyo degmo u kala tegeyso, sababtoo ah qaabka uu shaqaynayo waa mid dib u xasuusinaysa shacabka Soomaaliyeed dagaaladii 1991-dii.
Puntlandpost, Addis Ababa, Ethiiopia