Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Kismaayo: Shir Jaraa’id oo ku saabsan Guddiga Arriamaha Jubbaland ee Beesha Sade Daarood.

$
0
0

Summad.–0001/2013  Taariikh– 18.8.13

Guddigaan oo ah Gugddi uu magacaabay Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas xaashi, kaddib markuu la tashaday Suldaamada, Nabadoonnada iyo dhammaan wax garaadka Beesha sade, sidoo kale guddigaan waxaa oggolaaday weyne ku xigeenka  Jubbaland State , waxaana og madaxweynaha dawlad goboleedka jubbaland.

Ugaas Xaashi

Ugaas Xaashi

Sidaas darteed Guddigaan waxaa loo xilsaaray in uu u madax bannaan yahay wada xaajood kasta oo ah arrimaha jubbaland ee Beesha Sade. Guddigaan wuxuu faracyo ku yeelan doonaa gudaha iyo dibaddaba dalka soomaaliya.

Sidookale guddigu wuxuu ogeysiis u dirayaa gudaha soomaaliya iyo dibaddaba ayadoo ay waayahaan socdeen warar sheegaya in Dad damac siyaasadeed leh ay ka hadlayaan in Gobolka Gedo lagu daro gobollada Bay iyo Bakool.

Sidaas darteed dadkaas waxaan u sheegaynaa in gobolka Gedo uu ka mid yahay jubbaland , cid ku dari karta meel kalena aysan jirin ama awood u leh oo aan ahayn cidda loo xilsaaray.

FG. Waxaa laga codsanayaa cid kasta ee ay khusayso warqaddaan,  gaar ahaan jaaliyadaha dibadda iyo gudaha ee Beesha Sade ee jubbaland in ay samaystaan farac wakiil uga noqoda guddigaan goobta ay joogaan si ay uga qayb qaataan hawlaha jubbaland .

Hoos ka akhriso Lifaaqa

001

untitled

Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland State


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>