Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Leicester: Generaal Cali Xasan Lowyaan (Cali madoobe ) oo si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Leicester (Sawiro)

$
0
0

Leicester: (pp)- Waxaa magaalada Leicester ku yimid booqasho gaaban Jeneraal Cali Madoobe oo horay u ahaan jiray Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Leicester ayaa u soo dhaweysay jeneraalka si aad iyo aad u heer sareysa iyagoo halkaasi ugu sameeyay casho sharaf ay soo qabanqaabiyeen dhammaan jaaliyadda soomaalida ee Leicester.

genaral Ali madoobeJenerall Cali madoobe ayaa jaaliyadda uga warbixiyey guud ahaan xaaladaha uu dalkeena soomaaliya ku sugan yahay iyo waliba xaaladihii ugu danbeysay ee Jubbooyinka. Jeneraal Cali Madoobe oo runtii ka mid ahaa budh dhigayaashii maamulka Jubbaland state of Somalia ayaa aad u amaanay soo dahweynta diiran ee ay u sameeyeen jaaliyaddu.

xaflad cashoWaxaa xafladaas goob joogayaal ka ahaa aqoonyahano, waxgarad iyo waliba mas’uuliyiin sare oo soomaaliya xilal hore kasoo qabtay iyo ganacsato waaweyn oo can ka ah East midland. Mas’uuliyiintii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa  Xildhibaan Cabdi Maxmaed Tarax , Yaasiin Daahir, Maxmed Nuur yaryare, Cabdirisaaq Tahliil, Xasan Oslo iyo Cabdi Deeq. Waxaa iyaguna xusid mudan in ay halkaasi goob joog ka ahaayeen ganacsadayaasha kala ahaa Cabdirisaaq Dhamac, Fu’aad iyo Cabdicasiis Qoolif.

xaaji makaahiilGabagabadii Xafladd waxaa halkaas loogu mahadceliyey dhammaan qabanqaabiyaashii shirka gaar ahaan Farxaan Cali Nuur, Cali Gacameey, Guhad i, Cilmi iyo Cali Taaliin.

yare yarem jama

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>