Ilo ku dhowdhow Maamulka Jubbaland ayaa waxay xaqiijiyeen in Maamulka Gobaleedka jubbaland iyo Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ay si buuxda iskugu afgardteen qodobadii ugu waawaynaa ee ugu mumiimsanaa shirkii ka socday Addis Ababa.
Shirkaan oo si rasmi ah uga bilowday magaalada Adis Ababa ee dalka Ethiopia, taariikhda markay ahayd: August 19, 2013, ayaa waxaa ka soo qaybgalay: Urur Goboleedka IGAD, Ururka Midowga Yurub, Ururka Midowga Africa, Qaramada Midoobay iyo diblumaasiyiin kale oo ka socotay caalamka kale ee daneeya arimaha Soomaaliya. Shirkaan oo ku dhawaaday in burburo, ayaa la filayaa in qodobada la isku afgartay laga soo saaro qoraal ay u dhan yihiin Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlada Gobaleedka Jubbaland ee Soomaaliya saacadaha nagu soo aadan.
Qodobadaan oo asaaska u ahaa is afgaranwaagii dhashay ka dib markii la asaasay maamul Gobaleed Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya, oo ilaa hada la isku afgaratay ayaa waxaa ka mida:
1. In Dowladda Soomaaliya aqoonsatDowlad Goboleedka Jubbaland.
Faahfaahin: Arintaan oo ah mida uga wayn oo ay rabeen hogaanka iyo dadka deegaanaka: Jubbooyinja iyo gedo.
2. Magaca Maamulka in uu ahaado: Dowlad Gobaleedka Jubbaland ee Soomaaliya.
Faahfaahin: Magacaan oo ah mid deegaanka la xariira, isla markaana ay isku afgardteen wax garadka iyo hogaamiyaasha dadka degan degaanaka Jubbooyinka iyo Gedo.
3. Dowlada Federaalka ee Soomaaliya in ay goobjoog ka ahaato dhamaystirka maamulka Dowlada Gobaleedka Jubbaland
Faahfaahin: Marar badan ayuu Maamulka Jubbaland ugu baaqay in ay Dowlada Federaalka arintaan ay ka noqoto qayb, iyada ay hogaamiyaasha Jubbaland baaq qaar ah iyo mid guudba u dirayeen DF.
4. Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxwayne kuxigeenka ee Dowlada Jubbaland lagu saleeyey jidka sharciga ah.
Faahfaahin: doorashadii la qabtay Dowlada Federaalka waa lagu martiqaaday.
5. Dowlada Gobaleedka Jubbaland in Dowladda dhexe ka hesho xuquuaaqaha uu siinaayo Dastuurka u dhigan ee Federaaliga ah
Faahfaahin: qodobkan waa mid la xariira dastuurka wadanka.
6. Dowladda dhexe sidoo kale ay ka hesho xuquuqdeeda ay ku leedahaya Maamulka Jubbaland Dastuurka Dalka u degsan uu qeexaayo
Faahfaahin: qodobkan waa mid la xariira dastuurka wadanka.
Ilo kale oo aan la xariiray, ayaa waxay ku tilmaameen in hadii uu heshiiskaan uu meel maro in mid wax wayn ka badeli doonto Dowlada Federaalka iyo xiriirka ay la leedahay Jubbaland State, waxaana fududanayaa wada shaqaynta labada dhinac.
Waxaan idiin soo gudbin doonaa ra’yiga ay Jaaliyada Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Jubbaland State ee waqooyiga America iyo sidda ay u arkaan heshiinkaan, ka dib marka uu si rasmi ah loo saxiixo, heshiiskana uu noqdo mid kama dambays ah.
Waxaa kaloo Jaaliyada Jubbaland State ee qurbaha ku guddajiraan in ay dhigaan xaflado wayn oo ku aadan guusha taariikhiga ah ee la gaaray lee usoo hoyatay Jubbaland State.
Mohamed Barre Junlay – [Buluf]
Puntlandpost.com