Garoowe: (pp)- Maxkamadda darajada koobaad ee gobolka Nugaal ayaa maanta gubtay lacag been abuur ah oo caddadkeeda lagu sheegay sh,so. 216,725 (labo boqol lix & toban milyan toddoba boqol shan & labaatan kun ) oo shilin sooali ah.
Dhamme Gaarane Diiriye oo ah taliyaha Kantarolka Galbeed ee Garoowe oo ka war bixiiyay sida ay ciidankiisu ku qabteen Lacagta , ayaa sheegay in lacagtani ay ahayad lix qaybood iyadoo labadii qaybood ee ugu dambaysay ay qabteen 12/8/013 taasoo lagu soo qariyay Gaari waaraad ah oo Adhi u siday booasaaso, waxaana sida uu taliyuhu sheegay , lacagtaas oo qayb ka mida lagu gubay kantaroolka,Halka qaybtii dambena ay soo qabteen 22/8/013 ka taasoo iyana ahayd sh,so.12,185,000 (Laba & toban milyan boqol siddeetan & shan kun) isagoo intaasi ku daray in tan & xilligii ay soo billaabatay lacagtan been abuurka ah lagu qabtay dhammaan magaalooyinka Gaalkacyo,Burtinle,Ge & Boosaaso.
Taliyaha ayaa intaasi raaciyay iney jiraan xeelado ay isticmaalaan taasoo sida uu sheegay ay hadba ku fahmaan,wuxuuna ceeb & ayaan darro ku tilmaamay in lacag ay ka xishoodeen dadkii samaystay ay ganacsatada reer puntland u doodaan kuna andacoodaan lahaanshaha lacagahaasi been abuurka ah, isagoo ku gooddiyay in dadkaasi la maxkamadayn doono.
Sidoo kale wuxuu dhamme Gaarane sheegay iney jiraan Baco ay gubeen kuwaasoo siada uu hadalka u dhigay laga keeno koofurta soomaaliya iyo somali-land.
Lagactan been abuurka ah oo maanta lagu gubay gudaha bankiga dhexe ee magaaladan Garoowe ayaa sida la sheegay waxaa la socotay lacag kale oo la mid ah taasoo lagu hayo magaalooyinka Boosaaso & gaalkacyo waxaana loo ballansan yahay in la gubo maalinta berri ah.
Puntlandpost, Garoowe, Puntland