Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

ADDIS ABABA: Qaban qaabada Nuqulkii Heshiiska oo ka socda Addis Ababa

$
0
0

Addis Ababa: (pp)- Waxaa hadda lagu guda jiraa sidda aan ku helayno Wararka  qaban qaabada Saxiixa Nuqulkii heshiiska Kooban ee lagu gaaray magaalada Addis Ababa, heshiiskaas oo noqon doona mid isku soo dhawaasho labada dhinac ah ee dhanka wada shaqaynta.

DF&JubbalandMaamulka Jubbaland State ayaa yeelanaya xuquuda ugu muhiimsan Maamulida deegaanada jubbooyinka , arrinkaas oo ay dowladu Federaalka ay ku dheganayd in iyada loogu danbeeyo, laakiin xarig jiid dheer iyo dastuurkii oo dalka la raacay waxay Jubbaland Xaq u yeelatay in ay arrimaheeda siyaasadeed ay maamusho.

Ciidamada Qaranka jubbaland ayaa la sheegayaa in lagu xiriirinayo ama la qaramaynayo inkasta oo aan weli laga warqabin habka loo qaramaynayo.

Dekeda iyo Airporka oo ay dowladu ku dheganayd in faraha looga qaado ayeysan u suuroobin, waxaana maamulka Jubbland ku doodeen siyaasada dalka oo aan deganayn darteed in iyagu ay xaq u leeyihiin in iyagu  ay maamushaan resource-kooda, kaddibna wada hadal danbe la isla furo.

Sikasta, DF ee Soomaaliya oo doonaysay in Shirkaan uu Bur buro ayaa lagu qasbay in aysan ka bixin doodin goobta shirka, jeer ay heshiis muuqda ama  Caqli shaqaynaya ay la yimaadaan, taas oo suurta gelisay in Xal kale la yimaadaan, heshiis bilow ahna la gaaraan Maamulka Jubbaland.

Puntlandpost, Addis Ababa, Ethiopia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles