Kismaayo: (pp)- Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya QM Nicholas Kay ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday in QM ay Xafiis ka furanayaan magaalada Kismaayo ee Xarrunta gobolka J/hoose.
Hadalka, Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya QM Nicholas Kay ayaa yimid kaddib heshiiskii DF ee Soomaaliya iyo maamulka J/land ay ku gaareen magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia , halkaas lagu saxiixay qodobo gaaraya 24 , labada dhinac-na ay saxiixeen.
Xafiiska QM ee magaalada Kismaayo ayaa wax weyn kusoo kordhin doona deegaanada Jubbaland, xafiiskaas oo dadka deegaanadaas degan ka taageeri doona dhanka Siyaasada iyo Bani’aadanimada intaba.
Dhanka Kale shacabka Jubbaland ayaa soo dhoweeyey heshiiska lagu gaaray magaalada Addis Ababa, kuna tilmaamay heshiis labada dhinac faa’iido u ah , marka laga hadlaayo isku duubnimada iyo horrumarinta dhanka sharciyada Federaalka Soomaaliya.
Shacabka qaar ayaa ku tilmaamay in heshiiskaasi inuu ahaa mid xoojinaya sharciga federaalka Soomaaliya, ayna tahay Talaabo horay loogu qaaday dhanka hanaanka Federaalka.
Puntlandpost.com