Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

JOWHAR: Xasan Sheekh oo Jowhar Booqday

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka SOomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo beryahan waday booqashooyin uu booqanayey gobollada dalka ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar oo si diiran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ku sii hakaday degmada Balcad oo uu halkaas kula hadlay shacabka degmada Balcad oo waddooyinka la taagnaa caleen qoyan.

Madaxweynaha ayaa magaalada Jowhar si heer sare ah loogu soo dhoweeyey, ka dibna uu kulammo gaar gaar ah la qaatay Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe iyo degmooyinkiisa, madax dhaqameedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa ujeedada safarkiisa uu ahaa inuu u soo kuurgalo xaaladda shacabka deegaanada uu booqday, isla markaana uu warbixn kooban ka siiyo xaaladda dalka iyo aragtida fog ee dowladdu, iyo inuu la tashiyo kala sameeyo aragtida dadka deegaanka ee ku wajahda ka qeybgalinta dadka arrimaha dowladdu ay waddo.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaha ka qeybgalinta shacabka inay tallooyin ka dhiibtaan qorshaha dowladda ayaa u aragta habka ugu habboon ee shacabka looga qeybgalin karo go’aanada dowladda. Shirkii Siyaasadda, kan Xagjirka iyo kuwii ka horreeyey waxey ahaayeen fursad ay dowladdu siineysey qeybaha kala duwan ee bulshada inay tallooyinkooda ka dhiibtaan masiirka dalka.

- DHAMAAD -

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor & Spokesperson
Office of the President of Somalia


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>