Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROWE: Wasaaradda Waxbarasha​da PL oo daah furtey mashruuc lagu hormarinyo Waxbarasha​da Puntland (SAWIRO)

$
0
0

Garoowe: (pp)-  Wasaaradda waxbarashada puntland ayaa maanta 8 septemer daah furtey barnaamijka loogu tala galay in lagu hor mariyo waxbarashada ubadka soomaliyeed ee dugsiyada dhigta . Mashrucaani oo lagu magac darey dugsiyada aada (Go to school  )oo socon doona mudo sadex sano ah,  waana barnaamijka waxbarasho oo lacag la,aan ah oo kor loogu qaadayo aqoonta ubadka soomaliyeed waxaana wada fulinaya hay,adda UNICEF iyo wasarada waxbarashada. Barnaamijkaani waxbarashada ayaa ah mid loogu tala galay soomaliya oo dhan in ay ka faa,idaysan doonaan hal milyan oo qof guud ahaan soomaliya . puntland ayaa waxaa ku soo aaday 200,000 kun oo ardey in ay barnaamijkaani waxbarashada ka faa,idaysanaya.

Aqoonlaaan.jpgKulan balaaran oo ka dhacay maanta hoolka baarlamaanka puntland ayaa waxaa ka soo qeyb galay gudoomiyaha barlamaanka puntland ,wasiiro,xildhibaano,hay,addo ay ka mid yihiin Unicef , ardeyda ku labisnayd dugsiyada hoose iyo dhexe iyo sare iyo marti sharaf kale . Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada puntland Max,ed C/wahaab oo kalmado hadal ah ka jeediyay kulanka mashruuca lagu daah furayay ayaa ka sheekeeyay barnaamijkaani iyo ahmiyada uu reer puntland u leeyahay waxana uu intaasi raaciyay in hal milyan oo soomaliya loogu tal galay mashruucaani dowlada puntland ay ku soo aaday 200,000kun ardey 150,000 loogu tlaga galay dugsiyada hoose iyo dhexe sare halka 50,000 kun ay ka faa,idaysan doonaan shaqooyinka xirfadaha .

Wufud.jpgMax,ed C/wahaab ayaa tilmaamay in barnaamijkaaani socon doono sadex sano ay rajeynayaan in ay ka soo baxaan qodobo ay ka mid yihiin in guud ahaan la balaariyo fursadaha heiitaanka waxabarasahada puntland ilama kastana uu waxbarasho ku filan helo ,in la xaqiijiyo in ilma kasta oo reer puntland ah aado school,iyo in la tayeeyo waxbarashada dalka ,in la hagaajiyo maamulka schoolada xarumadaa waxbarashada tababarada macalimiinta .

madaxAgaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada puntland Max,ed cabdi wahaab ayaa ugu danbeyn ugu baaqey bulshada reer puntland in ay iska kaashadaan in barnaamijkaani waxrashada ah laga qeyb qaato si loo helo ubad waxbarashadoodu dhameystiran tahay Madaxa hay,adda UNICEF oo ka hadashay kulanka mashruca lagu daah furayay ayaa sheegtay in barnaamijkaani yahay mid balaaran oo ubadka soomaliyeed loogu tala galay waxayna xustey si barnaamijkaani uu u miro dhalo looga baahan yahay qeybaha kal duwan ee bulshada iyo wasaarada waxbarashada puntland ka qeyb qataan taaba galinta barnaamijkani.

Madaxa unicef ayaa ku dheeraatey ahmiyahada waxbarashadu leedahay waxayna sheegtey hadii dhalinyarada iyo bulshada ay wax bartaan ay meesha ka baxeyso jahliga iyo bur burka dalka sooomaliya waxay ku cel celsey in ahmiyada la siiyo waxbarashada gabdhaha soomaliyeed oo waxbarashada ku yar .

Wasiirka amniga puntland Khaliif Ciise mudan oo lagu soo dhaweeyay makarafoonka ayaa ubadka soomaliyeed ee waxbarta iyo kuwa kulanka fahdhiyay ku booriyay in amaanka ka shaqeeyaan iskana ilaalyaaniin lagu soo dhex dhuunto ,waxaana ugu danbeyn uu ku booriyay ardeyda in fursadaani ka faa,idaystaan . Gudoomiyaha barlamaanka puntland c/rashiid Max,ed xirsi oo daah furey mashruuca schoolka aad ayaa tilmaamy in reer puntland aya tahay fursad soo martey waxaana uu mahad balaaran u jeediyay wasaarada puntland iyo dowlada faderaalka oo mashruucaani soo dhameeyay isagoo intaasi ku darey in dowlada puntland ay ka dhabeyn doonto sidii barnaamijkaani loo gaarsiin lahaa degmooyinka iyo tuulooyinka puntland ee ubad waxbarashada u heelan ku sugan yihiin .

Khaliif_jpgFaaraxMashruuca dugsiyada aada ayaa ah barnaamij ay wada fulinayaan hay,adda UNICEF iyo wasaaradda waxbarashada puntland waxaana puntland hadii ka bilaamo uu noqon doonaa mid ay ka faa,idsataan caruur reer puntland oo horey fursad waxbarasho ugu helin in ay helaan waxbarasho lacag la,aan ah xili ay jiraan dad danyar ah oo aan awoodin in schoolada iska bixiyaan

ardayda.JPGArdayda_JPG

C/xamiid Salaad Barre

Puntlandpost, Garoowe, PL


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>