Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MUQDISHO: Madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo Furay Kalafadhigii 3AAD ee Barlamaanka

$
0
0

Muqdisho: (pp)-  Madaxweynaha DF ee Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta qudbad ka jeediyay  furitaanka kalafadhigii 3-aad  ee Golaha baarlamaanka ee Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in baarlamaanku uu qabtay shaqooyin badan oo ay ka mid yihiin ansixinta xukumadda, maaliyadda, iyo dib u eegista dastuurka federaalka ee Soomaaliya,  oo Puntland ay ku dooday in lagu xadgudbay, waxna laga bedelay.

Xasan SheekhXasan Sheekh ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay shaqada ay hayaan baarlamaanku , wuxuuna intaas ku daray in hadafku uu yahay in Doorasho xor ah dalka ay ka dhacdo, qof walbana uu dhiiban karo codkiisa.

Baarlamaanka ayuu ka codsaday Xasan Sheekh in ay dowladiisa la xisaabtamaan, sidii horay loola xisaabtamay raiisal wasaare Saacid iyo Wasiiro ka tirsan dowlada.

Wuxuu kaloo ku faanay mar uu dowlada uu hogaankeeda ka hadlayey in aay wax badan dalka ka qabteen, ayna doonayaan in ay mashaariic badan dalka ka fuliyaan.

Sikastaba, madaxweynaha DF ee Soomaaliya oo awoodiisu ay ku kooban tahay  deegaano kooban oo AMISOM gacanta ku hayaan  ,haddana  intii uu xukunka  hayey dowladiisa waxaa  ku timid Fashilaad badan oo dhanka siyaasada ah.

Inkasta oo uu madaxweynuhu sheeganayo inuu guulo gaaray , haddana shacabka Soomaaliyeed  iyo siyaasiyiin waaweyn oo Soomaaliya Caan ka ah waxay  ku qiimeeyeen shaqsi  ku fashilmay Siyaasada, marka laga fiiriyo hirgelinta Federaalka, Musuqmaasuqa dowladiisa oo xoogaystay,  Deeqihii Soomaaliya loogu talagalay oo Muqdisho ku ekaaday ayna deeqahaas Jeebka u galeen rag kooban  la yaqaano oo NGO ah,  ammaankii Muqdisho oo faraha ka baxay kadib markii Al- shabaabku fursad ka heleen Siyaasad xumada dhanka dowlada Xasan Sheekh iyo  arrimo kale.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>