Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha DDSI oo Sanadka Cusub ugu hanbalyeeyey guud ahaan shacabka Ethiopia , Gaar ahaan shacabka DDSI guddaha iyo Dibadaba.

$
0
0

Madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar ayaa ugu hambalyeeyay sanadka cusub ee taariikhda itoobiya 2006.T.I Guud ahaan Qowmiyadaha iyo shucuubta DFI gaar ahaana Shacabweynaha Soomaalida Itoobiya Dal iyo Dibadba yidhina”waxaan ilaahay ka baryayaa in sanadkan sanadkiisa Shacabweynaha Walaalaha ah ee Reer Itoobiya ee ku dhaqan dalka iyo dibadiisaba ilaahay inagu wada gaadhsiiyo bash-bash,barwaaqo,caafimaad,n/galyo,isjacayl walaalnimo Qowmiyadeed iyo Kobac Dhaqaale oo Dalka u sii gadhqaada isbedelka Kobaca Dhaqaale iyo ka midnoqoshada Wadamada Dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay Aamiin Aamiin”.

Madaxweyne Cabdi Cumar

Madaxweyne Cabdi Cumar

Madaxweynaha ayaa si xeeldheer uga munaaqashooday Astaamaha lagu xasuusan doono sanadkii Tegay Guud ahaan DFI gaar ahaana DDSI Astaamo iyo Yididiilooyin Horumarineeed iyo N/galyo oo u gaara Deegaanka ku xasuusan doonaan. Madaxweynaha sanadkii tegay wuxuu u ahaa DFI sanad dhaqaalaha iyo isbedelada horumarineed ee dalku kor u soo kacay,ka sakow DFI DDSI u ahaa sanadkii Guusha Horumarka iyo N/galyada lana xabaalay qabiilkii,Musuqii iyo xilgudasho la’aantii.

Madaxweynaha sanadkii Ahmiyada ugu muhiimsan ee Qorshayaasha Xukuumada lagu suntay ka haqabtirida bulshada helida biyo nadiif ah,sidoo kalana sanadkii ceelkii ugu dheeraa Dalka laga gaadhay marsin biyaha dhulka hoostiisa ku jira iyo Xarshin.

Madaxweynaha:Sanadkii xukuumada DDSI 100% ku guulaysatay Dibudejinta Qoysaska agagaarada wabiyada iyo dooxooyinka. sanadkii Gobalka siti mashruuca MDG loogaga faaiidaynayo reerguuraaga loogu badeli lahaa xoolo-dhaqato-beeralay dhnka damaada cuntada lagu guulaystay hirgalinta Qorshayaashii mashiiraca DAD 1,DAD2 iyo Dad 3 lagana gaadhay biyaha dhulka hoostiisa ku jira in kabadan 60 ceel-biyood loona isticmaali doono cabitaan iyo dhulbeereedba.

Madaxweynaha:- sandkii lagu guulaystay Dhanka MDG mashruuca waraabka Biyaha ee Baka-Birqod iyo Goomaar in ka badan 40 ceel-biyoodna laga qoday,sidoo kalana Mashruuca Faafan(fafan water-supply and Irrigation Project). Madaxwreynaha:-Sanadkii laga marag kacay lana xaqiijiyay Waxqabadka Xukuumada DDSI mudo 3sano ah iyo ka midhodhalinta barnaamijka Damaada Cuntada ee Dibudejinta qoysaska qaar ka mida Deegaanada DFI ay aqoon-kororsi iyo Khibrad u soo doonteen DDSI sida Canfarta.

Madaxweynaha:-Sanadkii Culayska la saaray maalgashiga Deegaanka iyo maalgashiga beeraha,islamarkaana DDSI soo saartay Dakhligii ugu badnaa. Madxweynaha:-Sanadkii Guulaha waawayn laga gaadhay dhanka jidadka Deegaano aan isu gudbi jirina isu talaabeen

Madaxweynaha:-Sanadkii Indhaha 9ka deegaan ee DFI,Golaha Federationka DFI iyo beesha caalamkuuba Qireen isbedelada Horumar,n/galyo iyo maamul suuban ee 3sano gudahood ka taabogalay lana sugay waxqabad ku dayasho mudan.

Madaxweynaha:-Sanadkii xukuumada DDSI loo aqoonsaday in ay dhankastaba ku haboontahay in xuska 8aad ee Maalinta Midnimada Qowmiyadaha iyo walaalnimada Shucuubta lagu qabto Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha:-Sanadkii Daahfurka Deegaanka ee ayDhamaanba madaxda Golaha Federationka,9ka deegaan, farshaxaniistayaasha, fanaaniinta, abwaanada, majaajiliistayaasha, Qorayaasha iyo taariikhyahanada ugu caansan DFI ay si talantaali ah ugu soo qulquleen deegaanka soomaalida itoobiya lana qoray taariikhda dhaqanka deegaanka.

Madaxweynaha:Sanadkii Miisaaniyadii ugu badnayd eek u baaqan jirtay Dhanka DFI ay xukuumada DDSI g.uulaysatay in loogu soo iibiyo DDSI qalabkii ugu badnaa Dhanka biyaha iyo jidadka abid.

Madaxweynaha:- Sanadkii xaflada Gogolxaadhka Hidar 29 markii ugu horaysay deegaanka soomaalida itoobiya loo qabto laguna soo bandhigay dhaqanka iyo taaariikhda DDSI lagana marag kacay Isbedelada Horumar,n/galyo iyo maamul-suuban ee ka taabogalay 3sano gudahood DDSI. Madaxweynaha:-sanadkii Xulka Qaranka Kubada Cagta DFI markii ugu horaysay Ciyaaraha Aduunka u soo Gudbaan.

Madaxweynaha: Sanadkii uu Geeriyooday Abwaankii ugu Caan sanaa Qaryaan C/laahi Macalin Dhoodaan”ilaahayna uga baryay in uu naxariistii jano ka waraabiyo Aamiin aamiin”.Sanadkii la soo afjaray hagardaamooyinkii iyo Jiritaankii UBBO nabaduna saldhigtay.

Madaxweynaha:-ugu danbayn waa sanadkii Xukuumada DDSI iyo shacubkuba iyagoo gacmaha ishaysta kaga dhabeeyeen ka midhodhalinta balanqaadkii qorshayaashii raysalwasaarihii aragtida Dheeraa.

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ugu ugu bishaareeyey shacabka Ethiopia oo dhan kuwo lu talaabsada horrumar la taaban karo, isla markaana ku dadaalaan in ay illaaliyaan wadajirkooda iyo Nabadgelyadooda.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>