Garoowe: (PP)- Kulan aan caadi ahayn oo ay maanta baarlamaanka Puntland ku yeesheen xarunta shirarkooda,ayaa waxaa ka qayb galay madaxwaynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole iyo xukuumadiisa.
Inkastoo kulankaan aan saxaafada looga xog -waramin hadana waxaa la sheegayaa xildhibaanada baarlamaanka Puntland inay uga doodayaan qodobo la sheegay inuu caqabad ku noqday nidaamka doorashooyinka Gollayaasha deegaanka.
Mar si horaysay Ururadda siyaasadda marka laga reebo kan xaakimka ah,waxayna walaac ka muujiyeen qodobo ay ku tilmaameen Guddiga doorashooyinka inay isbadal ku samaynayaan,kuwaasoo ah diiwaangalinta dadka Puntland,Aqoontiisa muwaadiniinta,iyo xadudaha Puntland.
Waxaase maanta fadhigaan aan caadiga ahayn.lagu tilmaamay inuu salka ku hayo sidii Gollaha wakiilada Puntland ay wax uga badali lahaayeen xeerka doorashooyinka deegaanka,waxana khudbad dhinacyo badan taabanaysa kasoo jeediyay Madaxwayne Cabdiraxman Shiikh Maxamad Faroole wuxuna hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay sidii baarlamaanka ay wax ka badal ku samayn lahaayeen xeerka doorashooyinka deegaanka.
Inkastoo khudbadaha madaxwaynaha ay dheereed hadana,waxa uu soo hadal qaaday hoos u dhaca shilinka Soomaaliga ku yimi,wuxuna sheegay inay arintaasi kala xaajoodeen xukumada fadaraalka Soomaaliya.
Gabo-gabadda kulanka ayaa lagu wadaa inay kasoo baxeen go’aan ku saabsan habka doorashooyinka deegaanka loo abaarayo, Ururada Siyaasada oo usan ku jirin kan talada haya ayaa horay walaac uga muujiyey wax ka badel lagu sameeyo xeerka doorashooyinka Puntland, Iyagoo shaki geliyey sida ay doorashadu xalaal u noqon karto iyadoo aan dadweynaha lasiin Kaararkii codaynta.
Puntlandpost_xafiiska Garoowe