Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

SANCA: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayey oo si diiran loogu soo dhoweeyey Sanca (Sawiro)

$
0
0

Sanca: (pp)- Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. C/raxaan Maxamed Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo  oo  ka mid yihiin Wasiirka Caafimaaka Puntland Dr. Cali C/llaahi Warsame iyo Wasiirka Aminiga Gen. Khaliif Ciise Mudan iyo saraakiil ka mid ah Xafiiska madaxtooyada Puntland ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Sanca ee Xarrunta dalka Yemen.

DSC_1066Madaxda Puntland ayaa markii ay yimaadeen Magaalada Sanca waxaa lagu soo dhoweeyey Aqalka Madaxtooyada Yamen, halkaas oo loogu sameeyey Qado sharaf ay ka soo qayb galeen masuuliyiinta dalka yamen. Madaxda Puntland ayaa isla xalay la kulmay qaar ka mid ah Madaxda Yeman, iyagoo maantana la kulmi doona Madaxweynaha dalka Yemen iyo raiisal wasaaraha dalka Yamen.

Waxaa kaloo kulanka qayb ka ah Safiirka dalka yaman u fadhiya Soomaaliya , kaas oo marar badan booqasho ku yimi deegaanada Puntland, si loo xoojiyo xiriirka labada mandaqadood.

DSC_1110Kulanka u dhaxeeya Puntland iyo Yemen ayaa lagu sii xoojinayaa wadashaqaynta ka dhaxaysa Yamen iyo Puntland oo sii xoogaysanayey 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana arrimaha laga hadlatyo ka mid ah Xiriirka ganacsiga Puntland iyo Yamen, Ammaanka labada dhinac iyo iskaashiga la dagaalanka burcad badeedka.

Daawo sawiro kale

DSC_1127DSC_1077DSC_1112DSC_1123DSC_1105DSC_1125

 

 

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>