Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

GAROOWE: Hay,adda SFS oo maanta tababar u furtey qaar ka mid ah haweenka barakacayaasha ee Magaalada Garoowe( Sawiro)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Hay,adda Somali Family Services oo kashanaysa hay,adda UNHCR & Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer miyiga Puntland ayaa tababar u qabatey 35 ka tirsan haweenka barakacaayasha ku nool magaalada Garowe.

haweenka tababarku u furmey
haweenka tababarku u furmey

Tababarkaan oo qayb ka ah barnaamijka barakacayaasha oo ay iska kaashadeen hay,adaha UNCHR & SFS ayaa galay wajigiisii labaad,waxaana wajigii kowaad ka faa,iideystey tiro dhan 100 qof oo la barayey xirfadaha kala ah .

 

1. Dhar tolidda & kalareyntiisa

2. Cilaan Saarka & qurxinta Haweenka

3. Barashada Computerka iyo xisaabaadka

4. Makaanikadda Gaadiidka

 

Haweenkan ayaa ka mid ah dadka bartay xirfadahaas ee shahaadooyinka la gudoonsiiyey ,waxaana iminka la barayaa Xeelado ay ku shaqaystaan iyadoo marka ay tababarada dhamaystaana la gudoonsiindoono Lacago ay ku furtaan Ganacsiyo yar-yar oo ah maal galin.

Hawenka tababarka loo furey
Hawenka tababarka loo furey

Tababarka Maanta oo ka furmay hoolka sare ee Xarunta Libraryga ee magaaladda Garoowe ayaa waxaa kazoo qaybgalay saraakiil ka socotey  UNHCR, Xubno ka tirsan maamulka iyo howlwadeenada hay,adda SFS, Masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arrimaha Gudaha .

Bashiir dheeliye Madaxa hay,adda SFS ee Barnaamijka Barakacayasha iyo Waxbarashada
Bashiir dheeliye Madaxa hay,adda SFS ee Barnaamijka Barakacayasha iyo Waxbarashada

Bashiir Ibraahim Jaamac (bashiir dheeliye ) oo ah madaxa mashaariicda waxbarashada & barakacayaasha (IDPS) ee hay,adda Somali Family Services ayaa waxa uu goobta ka sheegey in barnaamijkan uu yahay mid dabo socda xirfado horey dad loo siiyey kuwaas oo soconayey muddo dhan lix bilood.

Madaxa Barnamijka Bashiir dheeliye oo sharaxaad siinaya haweenka tababarka u furmey
Madaxa Barnamijka Bashiir dheeliye oo sharaxaad siinaya haweenka tababarka u furmey

 

Bashiir waxaa uu intaas ku darey in qaybtaan dadka ka faa,iideysanaya barnaamijkan lagu bari doono sida loo bilaabo ganacsi yaryar,waxaana uu carabka ku dhuftey Mr dheeliye in marka uu dhamaado barnaamijku ka qeyb qaatayaasha la gudoonsiin doono lacag ay ugu deeqday UNHCR oo la doonayo in ay ku furtaan goobo ganacsi oo ay leeyihiin, kana soo saarsanayaan nolol maalmeedkooda.

 

Madaxa UNHCR ee Garoowe  Maxamed Saalax oo isna ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in hay,adiisu ku howlan tahay sidii gacan siinta bulshada kuwooda soo barakacay, iyadoo laga xoojinayo dhanka dhaqaalaha loona abuurayo shaqooyin ay ka helaan nolosha qoyska.

Saraakiisha ka socotey , UNHCR iyo SFS
Saraakiisha ka socotey , UNHCR iyo SFS

 

Muddo labo cisho ah ayaa lagu wadaa in uu socdo tabo barkan , ka dibna waxaa la guddo gali doonaa barnaamijka qeybihiisii kale ee gudoonsiinta dadka barakacayaasha lacagaha loogu talo galey, fursadan ay iska kaashanayaan hay,addaha kala ah SFS iyo UNHCR ayaa noqoneysa mid kaalin weyn ka geysan doonta kobcinta dhaqaalaha barakacayaasha.

 

Xafiiska Puntlandpost

Magaalada Garowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>