Bosaso(pp) Mamulka Degmada Bosaaso ayaa maanta dhagax dhigay wado laami laga dhigayo,taasoo lagu magacaabo wadada 30-ka.
Dhismaha laamigaan cusub ayaa qayb ka ah dadaalada kala duwan oo ay dowladda Puntland ka wado magalo madaxda Gobalka Bari ee Bosaaso,maadama ay tahay halbowlaha dhaqalaha Puntland.
Munaasibadda wadadaasi laamiga laga dhigayo looga hadlayey ayaa magalada lagu qabtay waxana kasoo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday dowladda,shacabka iyo hay’adda dhismahan gacanta ku hayso oo la yiraahdo UN-HABITAT.
Duqa degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo ka hadlayay munaasibada ayaa sheegay Dowladda Talyaaniga inay ku deeqday dhaqaalaha lagu dhisayo wadada,wuxuna tilmaamay masuulkaasi inay ka go’an tahay sidii looga shaqayn lahaa wadooyinka iyo horumarka Gobalka Bari.
Wadooyinka kale oo tan la mid ah ayuu sheegay inay ka hirgalin doonan magalada Bosaaso.
Dherarka wadada ayaa gaaraysa 5630m,balaceeduna waa 7m.