Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bosaso: Musharax Shire Xaaji Faarax oo Bosaso kula kulmay qaybaha kala Duwan ee Bulshada (sawirro)

$
0
0

Boosaaso(PP): Musharaxa xilka madaxtinimada Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa manta kullan qada sharafa ugu sameeyay magaalada Boosaaso qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Intii ay socotay munaasabada qado sharafta ah ayaa waxaa madasha khudbado kasoo jeediyay qaar kamid ah ka qaybgalayaasha xaflada, iyagoona taageero umuujiyay musharax Shire Xaaji Faarax.

Musharax Shire Xaaji Faarax oo ugu harayn kahadlay kullanka, ayaa kaqayb galayaasha munaasabada usoo bandhigay waxyaalaha qorsha ugu jiro inuu wax kaqabto hadii uu ku guulaysto xilka madaxtinimada ee Puntland.

20131130635214070030876256IMG_5332

Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in marka ugu horaysa uu muhiimada siin doono wax kaqabashada arrimaha bulshada sida, kor uqaadista kaabayasha dhaqaalaha iyo sidii ay ardayda Puntland uheli lahaayeen wax barasho lacag la,aan ah .

…,, Hadii la idoorto waxaan samayn doonaa cashuur dhimis si loo dhiiri geliyo ganacsatada Puntland, kuwa caalamiga ahna loogusoo dhoweeyo inay maal gashtaan Puntland…,, ayuu yiri musharax Shire Xaaji Faarax.

Musharax Shire Xaaji waxa uu dhanka kale sheegay inuu xiriir wanaagsan lasamayn doono dowlada faderaalka Soomaliya, si Puntland ay uhesho xaqa ay ku leedahay dowlada dhexe ee soomaliya.

Dhinaca kale dadkii kahadlay kullanka ayaa musharax usoo jeediyay hadalo iskugu dhafan dardaaran iyo dhiirigelin, waxayna dhamaan taageero umujiiyeen musharax Shire Xaaji Faarax.

Kullankaan uu musharax shire Xaaji Faarax laqaatay qayabaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Boosaaso, ayaa qayb ka ah ololihiisa musharaxnimada, waxaana lafilayaa inay jiri doonaan kullamo kale oo uu laqaato bulshada Rayid ka ah.

20131130635214069613010916IMG_5322 20131130635214070030876256IMG_5332 20131130635214070382646132IMG_5307 20131130635214070797327704IMG_5319 20131130635214071202821062IMG_5350 20131130635214071499949573IMG_5351 20131130635214071761705056IMG_5304 20131130635214072126778630IMG_5349 20131130635214072460622642IMG_5364 20131130635214072823885243IMG_5390 20131130635214073049806858IMG_5389 20131130635214073323966886IMG_5405 20131130635214073717182680IMG_5411 20131130635214074218099052IMG_5444 20131130635214074737468862IMG_5429 20131130635214076608809861IMG_5440 20131130635214077166292896IMG_5442

Puntlandpost.com

Xafiiska Boosaaso


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>