Muqdisho(pp) Wali Baarlamaanka Somalia ayaa ka doodaya mooshinka laga keenay xukumadda uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon,kaasoo ay ku kala qaybsan yihiin xildhibaanada baarlamaanka.
Fadhigii maanta oo galay ka doodista maalintii labaad mooshinka ka dhanka ah xukumadda ayaa waxaa hadalo kulul kasoo jeediyay xildhinaabo faro badan oo qaarkood taageersan mooshinka qaarkoodna ka biyo diidsan in xiligaan mooshin xukumadda laga diyaariyo.
Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa si toos ah mooshinka ugu eedeeyay inuu ka danbeeyo madaxwaynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud,sidaasi darteedna arrintu ay ka wayn tahay gollaha baarlamaanka.
Xildhibaan lagu magacaabo Caateeye ayaa baarlamaanka ka hor sheegay xukumadda Shirdoon inay wax badan ka qabatay xaalada dalka mudadii sanadka ahayd ee ay jirtay sidaasi darteedna hadda loo baahnaa in la taageero balse aysan mudnayn in laga horyimaado.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed ayaa dhankiisa isagoo hadlayay sheegay mooshinka laga keenay xukumadda inuu kasoo bilowday khilaafka u dhaxeeya madaxwaynaha iyo Raysilwasaraha,xildhibaanada mooshinka soo oogayna ay lacag ka qaateen madaxwaynaha waa sida uu sheegaye.
Xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf Allankey oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisulwasaare Saacid ayaa sheegay xukumadda inay ku fashilantay wax u qabashada umadda Soomaaliyeed,sidaasi darteedna loo baahan yahay xukumadd cusub oo la yaan qaada marxaladda dalka uu galay.
Inkastoo wali xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin mooshinkaan muranka badan dhaliyay ee xukumadda laga keenay,hadana war qoraal ah oo xafiiska Shirdoon kasoo baxay ayaa lagu sheegay mooshinkaasi inuusan ahayn mid qaanuun ah oo ay maqan tahay dhagaysiga aragtida ay xukumadu ka qabto.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in lagu kala boxo mooshinka,waxaase wali taagan khilaafka Xasan Shiikh iyo Saacid Shirdoon u dhaxeeya,kaasoo dadka siyaasada falanqeeya ay ku tilmaameen inay rajo xumo galinayso hormarkii iyo dhismaha wadanka ee laga faliyay dowladda federaalka Somalia.
Puntlandpost.com
Xafiiska Muqdisho