Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shiikhu Nasiib Badanaa !!! W/Q Abdisalaan F Gaas

$
0
0

Sh-Cabduqaadir-Nuur-Faarax-300x2251-150x150Shiikhu Nasiib Badanaa !!!

Shaqiguna Ayaan Daranaa !!!

Shayaadiintu Shar Badanaa !!!

Shacabkuna Il Daranaa !!!

Qaybtii 1aad

بسم الله الرحمن الرحيم

الحمد لله رب العالمين، والعاقبة للمتقين، والصلاة والسلام على إمام المرسلين نبينا محمد وآله وصحبه أجمعين.

Sh Abdulqaadir Nuur Faarax  ALLAAH SWT ha u naxariisto, Jannatul Firdawsa ALLAAH SWT hoy iyo Guriga ha uga dhigo, aamiin aamiin

Shiikha taariikh nololeedkiisa iyo waxqabadkiisa ka sheekayn maayo oo waxaa qalinka u qaatay Culimo iyo Akhyaar iiga awlaysan oo intaan aqaanay in ka badan yaqaanay, wax badana ay khayr iyo wanaag ka soo wada shaqeeyeen ALLAAH camalkooda ha u aqbalo, ayagana ALLAAH khaatumada ha u wanaajiyo shiikha, ayaga iyo anagaba Jannatul firdawsa ha nagu kulmiyo, aamiin,

Waxaanse jeclahay inaan wax ka iraahdo kalimaatka kor ku xusan ee ah mawduuca maqaalkaan yar, ka dibna aan ku soo Gunaanado Tix kalimaat ah oo aan ka iri arintaas,

Shiikhu Nasiib Badanaa !!!!!

Sh Abdulqaadir dilkiisa ka hor waxaa jiray wiilal u hawl galay ceebaynta shiikha, dabagalka shiikha iyo been abuur aan xad lahayn oo ay shaqa maalmeed ka dhigteen

Runtii waxay u muuqatay inay is lahaayeen shiikhaan dharka ka dhiga si ay idiinku fusho danaha aad leedihiin, sababtoo ah waxay ogaayeen miisaanka uu shiikhu leeyahay ALLAAH fadligiis waa u suuroobi wayday oo wax la cayriyo been baa ugu gaabisa

Hadaba qof kasta oo diin leh, caqli yar oo uu kaligiis ku fakarana leh asagoona caqligiisa cid kale u dhiiban si ay ugu jihayso, Wuxuu si cad u arkay sida ALLAAH SWT  ugu garnaqay Shiikha iyo Wiilashii yar yaraa, Dabcan waa inta la ina raaciyay ee inoo muuqata daliil cad oo diinteena ku sugana aan u haysano oo ah khaatumada uu ALLAAH swt u doortay Shiikha, waxaana ka mid ah Nusuustaas.

يقول الحبيب صلى الله عليه وسلم، والحديث رواه الترمذي و أحمد وصصحه الشيخ الألباني في صحيح الجامع ( إذا أراد الله بعبد خيراً استعمله، قيل: كيف يستعمله يا رسول الله؟ قال: يوفقه لعمل صالح ثم يقبضه عليه

Macnaha Xadiiska oo ah ( ALLAAH swt haduu adoomadiisa mid ka mid wanaag iyo khayr la doono camal wanaagsan ayuu waafajiyaa intuusan nafta ka qaadin isla camalkii asagoo ku guda jira ayuu nafta ka qaadaa)

Hadaba marka aynu diinteena iyo nusuusta dib ugu noqono shiikha Cimrigiisa, Cilmigiisa, maalinta la dilay, meesha lagu dilay, saacada la dilay, Camalka uu ku guda jiray waqtiga ay naftu ka baxaysay, Gacanta xaq darrada ku dishay, ALLAAH ayaan idinku dhaarshaye miyuusan nasiib badnayn, miyuusan ALLAAH swt uga hiilin wiilashii shaqada ka dhigtay ee websityada u furtay inay shiikha iyo culimada kalaba ceebeeyaan oo ay maalin kasta ku been abuurtaan,

Hadaba waa Su,aale ma laga yaabaa inay ku cibra qaataan waxa uu ALLAAH swt indhahooda ku tusay oo ma laga yaabaa inay hanuun iyo tawbad keen u noqoto mise shayaadiin baa meel ku xirtay, oo silsilada waawayna baa ibliis ku qabiray,

Arintaasi waxay daliil cad u tahay

1-     In aan shiikha khayr badan ALLAAH agtiisa uga rajayno anagoo nusuustaas ku tiirsanayna

2-     ALLAAH swt inuu sheikh Abdulqaadir khayr iyo wanaag la doonay khaatumo wanaagsanna waafajiyay

3-     In shiikhu ALLAAH ha naxariistee uu ku taagnaa wadada Saxda ah maadaama uu ALLAAH khayrkaas waafajiyey

Shaqiguna Ayaan Daranaa !!!!

Shaqigaan, kuwii soo diray, kan ku farxay, iyo kii u fatwooday oo ku yiri Adiguna mujaahid baad tahay asaguna waa shahiid intuba waa khasaareen, sababtoo ALLAAH swt ayaa kitaabkiisa ku yiri

( وَمَنْ يَقْتُلْ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً فَجَزَاؤُهُ جَهَنَّمُ خَالِداً فِيهَا وَغَضِبَ اللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُ وَأَعَدَّ لَهُ عَذَاباً عَظِيماً) (النساء:93)

ALLAAH swt Wuxuu aayadaan ku cadaynayaa oo macnaheedu yahay in

( qofkii qof ALLAAH rumeeyay ula kac u dila inuu jahannama hoy iyo Abaal gud uga dhiagayo, isla markaana uu ku waarayo, ALLAAHna swt u caroonayo, islamrkaana uu uu naxariistiisa ka dheeraynayo, cadaab aad u waynna aakhira in loo diyaariyay),  intaas oo waciid iyo gooddi ah ALLAAH swt Wuxuu kaga hadlayaa qofkii qof mu,min ah dila,

Shaqigaan iyo inta ayaan darrada la wadaagta waxaa u sii dheer waxay dileen

Mu,min, Shaykh, Caalim, Ciroole ah, Cibaada tan ugu fadli badan u taagan, baytkii ALLAAh swt ku jira, Maalmaha maalintii ugu fadli badnayd, waqti kuu ugu fiicnaa,

Hadaba maalinta ALLAAH swt la hortagayo oo inta Sh Abdulqaadir shaqigaan qadaadka soo qabto markaasna ALLAAH hortiis lagu maxkamadeeyo oo la dhoho maxaad ku dishay shiikhaan waxaa hubaal ah inaysan anfacayn hebel baa I soo diray ama ii fatwooday,

Ibnu cabbaas iyo qaar ka mid culumadii salafka baa ku tagay in qofkaas uusan Tawbad lahayn ayagoo daliishanaya xadiiska uu warinaya Mucaawiyah radiyallaahu canhu oo oranaya,

عن مُعَاوِيَةَ قال : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ :) كُلُّ ذَنْبٍ عَسَى اللَّهُ أَنْ يَغْفِرَهُ ، إِلاَّ الرَّجُلُ يَمُوتُ كَافِراً ، أَوِ الرَّجُلُ يَقْتُلُ مُؤْمِناً مُتَعَمِّداً( ، رواه الإمام أحمد والنسائي .وصححه الألباني في صحيح الجامع

Xadiiskaan oo macnihiisu yahay,

(dambi kasta ALLAAH swt Wuxuu mudanyahya inuu dhaafo marka laga reebo qofkii gaalnimo ku dhinta iyo qofkii qof mu,min ah ula kac u dila).

Waxaa ayaduna meel u taala inta hawshaan ka qayb qaadatay habaarkii kumanaanka qof ee habaarayay ilaa maalintuu hoogaas gacanta la galay, naxdintii ay ka naxeen kumanaanka qof ee uu maalintaas barakaysan ka nixiyay, isha ilmaha yar yar ee aabahood oo aan waxba galabsan uu hortooda ku toogtay,

ALLA Qalbi adkaa oo ayaan daranaa

Qaybtii 1aad halkaas ha inoo joogto

Waa inoo kulanti dambe haduu ALLAAH swt inoo idmo

Iyo Qaybtii 2aad oo aan kaga hadli doono.

Shayaadiintu Shar Badanaa !!!

Shacabkuna Il Daranaa !!!

Wassalaamu Calaykum

W/Q Abdisalan F Gas


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>