Garowe(pp)Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdi-Raxmaan Shiikh Maxamed Farole oo galabta saxaafada shir jaraa’id ugu qabtay madaxtooyadda ayaa dhankiisa ka waramay sababta uu shirkii maanta murashaxiinta kula yeeshay madaxtooyadda u burbaray.
Cabdi-Raxmaan Farole ayaa sheegay murashaxiinta inay shirka la yimaadeen afar qodob oo ku saabsan arrimaha doorashada iyo daba-joogooda,wuxuna tilmaamay halka ay sartu ka quran tahay inay tahay qodob kowaad oo ay sheegeen inuu yahay in dib loo magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka isla markasna ay ka wada qayb gallaan dowladda iyo marashaxiinta.
Waxa uu sheegay murashaxiinta inaysan door ku lahayn soo magacaabista guddiga xalinta khilaafadka arrintaasi ay u taalo dowladda,laguna soo dhaqmi jiray ilaa iyo 1998-dii.
Madaxwaynaha ayaa tilmaamay inaysan joojin doonin doorashadda, ayna howsha sidii loogu talo galay ku socon doono.
Farole ayaa sidoo kale murashaxiinta ku dhaliilay inaysan waxba ka aqoon xeerka iyo dhaqanka Somalia,qado shareed madaxtooyadda loogu diyaariyay ayuu sheegay inay diideen aqbalaadeeda.
Si kastabaha xaaladu ha ahaatee madaxwaynaha ayaa muujiyay inaan marnaba laga doodi karin soo magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka,halka murashaxiintuna ay sheegayaan inay xaq ku lee yihiin inay xubno ku yeeshaan guddigaasi.
Isimadda Puntland ayaa laga war sugayaa siday u waji doonan arrintaan.
Mobil ahaan u dhagayso-Farole oo galabta saxafada la hadlay
Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe