Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Puntland-tv oo bilaabay wararkii iyo barnaamijyo kala duwan(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Tv-ga Puntland ayaa maanta markii ugu horaysay si toos ah u baahiyay wararkii iyo barnaamijyaddii ay ugu talo galleen in umadda Soomaaliyeed ay daawadaan,kuwaasoo diiradda saaraya xaaladda dalka iyo baahinta xogaha loo baahan yahay.

Irbad
Puntland-tv ayaa mudo afar bilood ah si tijaabo ah hawadda ugu jiray,waxana ka bixi jiray barnaamijyo gaar ah oo loogu talo galay in shacabka Soomaaliyeed ay daawadaan.

Tafaftiraha guud ee warbaahinta Dowladda Puntland Mudane Cabdiqani Shiikh Cabdilaahi Irbad oo shir jaraa’id ku qabtay caawa magaada Garowe ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay tabinta tooska ah wararka iyo barnaamijyo uu bilaabay Tv-ga xukumadda,wuxuna sheegay wixii maanta ka danbeeya inay shacabka usoo gudbin doonan xogo isku dheeli-tiran.

Barnaamijyo tayo leh oo iskugu jira Diini,wacyi galin,siyaasadda iyo arrimo bulsho ayuu sheegay Cabdiqani Irbad inay shacabka usoo tabin doonan,wuxuna sheegay dhowaan in Puntlandtv laga daawan doono Qaaradaha Ameerica iyo Yurub,hadase qaaradaha kale si toos ah looga daawan karo.

Dhowaan ayay ahayd markii uu madaxwaynaha dowadda Puntland uu xariga ka jaray tv-maxali ah oo dowladdu ugu talo gashay dadka gudaha Puntland ku nool inay kala socdaan macluumaadka dalka oo dhamaystiran.

 

Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>