Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garowe:Taliyaha madaxtooyadda Pl oo sheegay inaan la weerarin Murashax Yeey(Dhagayso)

$
0
0

Garowe(pp) Taliyaha ciidanka  madaxtooyadda Puntland Col.Cumar Cabdilaahi Maxamed oo waraysi siiyaya Radio Garowe ayaa tafaashiil dheeraad ah ka bixiyay habkii uu maantay u dhacay xabadii lahu riday gaariga uu lee yahay murashax Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey oo si xawaaro ah ku marayay laamiga magalada Garowe.

Taliyaha madaxtoyadda Cumar

Taliyaha madaxtooyadda waxa uu sheegay inaan wax weerar ah ciidanka madaxtooyadda aysan ku qaadin murashax Yeey,balse falkii dhacay uu ahaa mid si kadis ah ku yimi oo gaariga Murashax oo si xoogan laamiga ku marayay laga shakiyay sidaasi darteedna xabadda gaarigiisa lagu tuuray.

Cumar Cabdilaahi Farole ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen murashaxa oo ay ka raali galiyeen falkii dhacay,wixii soo gaaray gaariga iyo dad dhaawaca ah oo murashaxu sheegay ay diyaar la yihiin inay u booga dhayaan,waa sida uu sheegay Taliyaha madaxtooyadda.

Waxa uu sheegay inaysan jirin wax ku gaar ah murashax Yeey,ciidanka dowladda oo noocyo kala duwna iskugu jiraana ay xili kasta u taagan yihiin sidii looga shaqayn lahaa ammaanka ,loona sugi lahaa murashaxiinta amnigooda.
Haddaba Taliyaha madaxtooyadda oo falkii maantay ka dhacay ka waramaya hoos ka dhagayso.

 

Mobil ahaan u dhagayso-Taliyaha madaxtooyadda Pl

Cali Cabdi Ducaale
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>