Garoowe: (pp)- Wararka aanu ka heleyno deegaano ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegeya in Xildhibaan ka tirsan golaha Guurtida Somaliland laguna magacaabo Aadan Shire Sanweyne ay galabta daad ku qaaday Dooxo u dhaxeeya Hargeysa iyo Berbera lana yiraahdo Lafaruug.
War sugan lagama hayo inuu dhintay iyo in kele balse waxaa la xaqiijiyey in la badbaadiyey gaariguu saarnaa iyo laba qof.
Xildhibaanka ayaa Warbaahinta Somaliland baahinaysaa in xilligan la baadi goobayo Raq iyo Ruux kake, waxaana dooxada Lafaruugn oo ay togag waawayn maraan gaaray gurmad badan oo iskugu jira maamulka Somaliland iyo ehelada masuulkan daadku la tegay.
Dhanka kale wararka aanu ka helayno magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in roobab mahiigaan ah oo ka da, ay gobolka Sool 24 saac ee lasoo dhaafey ay sababeen dhimashada hal qof oo danab ku dhacay gurigiisa , ahaana aabe qoys degan duleedka koonfureed ee laascaanood .
Mid ka mid ah ehelada qoyska danabku ku dhacay oo la hadley Puntlandpost ayaa sheegey in sidoo kale waxyeelo hanqarku soo gaarsiiyey tiro 30 neef oo ku dhintey goob la jirinayey, islamarkaana xilligii danabku dhacayey guriga ay joogeen ilaa 12 qof oo uu gacanta ku hayey ninka ku geeriyoodey.
Roobabka Gu,ga ayaa ka bilowday maalmihii lasoo dhaafey wadanka Somalia oo ay ka da,ayeen deegaano tirsan gobolada Somalia , walow goobaha roobabkani tan iyo intii uu cirku curtey ku xooganaayeen deegaanada ka tirsan gobolada waqooyi ee dalka Soomaaliya.
Puntlandpost.com