Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all 22733 articles
Browse latest View live

Tacsi : Marxuum Abwaan Cabdullaahi Macallim Axmed DHOODAAN

$
0
0

Dhammaan Dadkaan hoos ku qoran waxay Tacsi tiiraanyo  xanbaarsan u dirayaan Qoyskii iyo Ehelkii uu ka baxay  MARXUUMKA,   waxayna Allaha Awooda leh uga baryayaan inuu ka waraabiyo Jannadiisa Fardowsa, Ehelkii uu ka tagayna inuu Samir iyo iimaan ka siiyo, Aamiin.

Waxaa tacsidan diraya oo kale Howladeenada Puntlandpost meelkasta oo ay joogaan , waxaana marxuumka illaahay uga baryeynaa naxariistii Jano ka waraabiyo Aamino.

DhoodaanWaxaa tacsidan diraya dadka kala ah:

1.Ambassador Cabdulqani Muxumad Waceys

2. Xildhibaan Ibraahim Cabdalla (Dhaqane)

3. Col. Faarax Botaan Warfaa

4. Col. Zubeer Cabdilkariim Boorle

5. Col. Nuux Maxamad Axmed Isaakh

6. Maxamad Xasan Geelle

7. Xuseen Beynax Barre

8. Xasan Xaaji Barre

9. Bashiir Suldaan Maxamuud Heybe

10.Yuusuf Suldaan Maxamuud Heybe

11.Muxumad Suldaan Maxamuud Heybe

12.Maxamad Cabdi Xasan

13. Dr. Maxamad Gamaadiid

14. Shugri Cumar Gaboose

15. Dr. Cabdilxakiim Golongol Deyl

16. Cabdiraxmaan Muxumad Aardoon

17. Muqtaar Bashiir

18. Cabdirisaaq Ceymad

19. Maxamad Xuseen Adar

20. Xasan Sheekh Axmed Nuur

21. Xasan Sheekh Cali

22. Bishaar Yuusuf Gamaadiid

23. Axmed Cabdullaahi Geney

24. Maryama Sheekh Cali

25. Axmed Xaaji Maxamad Nuur

26. Cabdi Maxamad Kaahin

27. Deeq Kediye

28. Muxsin Xaaji Cabdi

29. Xuseen Cabdullaahi

30. Maxamad Yuusuf Barkhadle

 

Aamiin————Aamiinn—–—-Aamiin————Aamiin

 

اللهم اغفر له وارحمه ، وعافه واعف عنه ، لقِّه الأمن والبشرى والكرامة والزلفى ، اللهم إن كان محسناً فزد في حسناته ، وإن كان مسيئاًفتجاوز عن إساءته ، اللهم اغسله بالماء والثلج والبرد ، نقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس ، أبدله أهلاً خيراً من أهله ، وداراًخيراً من داره ، وجيراناً خيراً من جيرانه ، اللهم لا تحرمنا أجره ، ولا تفتنا بعده ، واغفر لنا  ول

Puntlandpost.com


MUQDISHO: Xasan Sheekh Oo hortagaya Baarlamaanka

$
0
0

Muqdusho: (pp)-  Madaxweynaha DF ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa mardhow hortagaya baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo halkaas ka jeedin doona khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo ku aadan waxyaalihii u qabsoomay dowladiisa intii uu hayey Xilka.

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud

Madaxweynaha DF ee Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa marka uu dhameeyo khudbadiisa in ay su’aalo weydiinayaan Xubnaha baarlamaanka qaarkood, kuwaas oo u badan kuwa kasoo horjeeda siyaasadiisa.

Kulankan,  ayaa la sheegayaa oo kale in madaxweynuhu uu faaf-faahin ka bixin doono Safarkii uu Puntland ku tegay iyo Kulanka Ingiriiska ee ka dhici doona London Bishan 7-deeda oo Puntland iyo Somaliland ka biyo diidan yihiin illaa hadda.

Kulanka,  maanta ayaa la sheegayaa inuusan noqon doonin mid sahlan,  maadaama ay jiraan Xildhibaano shaki ka muujiyey Kulankii Ankara ee uu madaxweynuhu kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Siilaanyo, waxaana shirkaas Saluug mug weyn ka muujiyey  Siyaasiyiin Culus oo ay ka mid yihiin Prof. Cali Khaliif Galayr, Dr. Xasharo iyo weliba Odayaasha Sool, Sanaag iyo Cayn oo kula kulmay Madaxweyne Xasan,  Caasimada Puntland ee Garoowe, iyagoo eedayn xoogan  u jeediyey Madaxweyanha DF ee Soomaaliya iyo qaabkii uu u qaabilay siyaasiyiintii ka socday Somaliland ee u hogaaminayey Siilaanyo.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com

 

 

Dowlada Puntland oo Mushahaarka iyo Canshuurta ku Saleyn doonta lacagta Dollarka USD.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa maanta shaacisey in ay qorsheynayso hirgalinta barnaamij la xiriira sidii canshuurta iyo mushahaaraadka shaqaalaha lagu bixin doono lacagta qalaad ee Dollar-ka ka dib markii Puntland ay arrintan sabab uga dhigtey hoos u dhaca Shilinka Somaliga.

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo maanta saxaafada kula hadley xafiiskiisa ayaa sheegey in dowlada Puntland dadaal dheer u gashey 2009 ilaa 2011 in sarifka Sh,Somaligu uu noqdo mid fadhiya.

Faarax wuxuu sheegey ka dib markii si lama filaan ah hoos u dhac ugu yimid Sh,Somaliga suuqyada Somalia ay soo gashey lacag dollar ah oo faro badan , kuwaas oo dad ay uga faa,iideysteen dollarka inay ku bedeshaan qiimo hooseeya oo Sh, Somaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku darey inay dadaal dheer u galeen xakameynta hoos u dhaca Sh,Somaliga, taasi oo bedelkeeda Puntland dalabtey in lacago cusub dalka la keeno, balse aysan waxba ka suurto galin heshiis ay la gashey Dowladii KMG ahayd iyo Midda hadda jirta Federalka.

Mudane Faarax Cali Shire ayaa ku sababeeyey go,aankan Puntland qaadatey in uu yahay mid lagu toosinayo oo ay isku tashanayaan si aysan Puntland cid kale waxba uga sugin.

Puntland waxay sheegtey inay tahay rajo aan lagu sii noolaan karin heshiis horey ay ula gashey xukuumada Saacid Somalia , taasi oo wasiirku ku tilmaamey mid aan ilaa iyo hadda waxba ka hirgalin , laguna balansanaa in mar horre uu fulo heshiiskaasi.

Wasiirka ayaa waxa uu carabka ku dhuftey intii muddo ahayd ee hoos u dhaca uu ku yimid dollar-ku inay Puntland ku bixineysay mushahaaraadka iyo adeegyadeeda qiimihii hore ee sarifka , taasina ay saameyn ku yeelatey dhakhliga dowlada.

Faarax oo hadalka sii wata ayaa sheegey in hoos u dhaca uu saameyn xataa ku yeeshey wax dhoofkii dalka, sida xoolaha nool, wax soo saarka badda,beeyada iyo meydiga oo ka qaaliyoobey qiimihii horre ee Somaliga ahaa.

Talaabooyinka Wasaaradiisu qaadi doonto ayuu wax ka tilmaamey wasiirku waxaana uu sheegey inay ka mid yihiin wacyi galin loo sameyn doono ganacsatada gudaha iyo wax soo saarka si loo dhimo sicirka gudaha wax lagu kala gato.

Ugu danbeyntii Wasiirka Maaliyadu waxa uu ka dalbadey ganacsatada yar yar ee suuqyada magaalooyinka ku iibiya tafaariiqda inay qiimaha alaabtooda ku saleeyaan midka dhabta ee suuqa islamarkaana ay joojiyaan qiima kororka oo ku tilmaamey mid ribo ah.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe

Garoowe: Puntland oo laga bilaabey Qorshaha Shanta Sano ee soo socda, Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dowlada Puntland ayaa maanta bilowday barnaamij ku saabsan dejinta qorshaha shanta sano soo socda ee Puntland.

xubno ka mid wakiilada Hay,addaha Puntland

xubno ka mid wakiilada Hay,addaha Puntland

Kulan maanta ka dhacay xarunta wasaarada ayaa waxaa kasoo qeyb galey Masuuliyiinta wasaarada,Wakiilo ka socda Hay,adda caalamiga ee fadhigoodu yahay Puntland.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Dr Sayid Maxamed Cabdulle oo ka warbixiyey ujeedada barnaamijka ayaa sheegey in uu la xiriiro Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee soo socota.

Dr Sayid wasiirka

Dr Sayid wasiirka

“Dabcan waanu garaneynaa Ummad aan qorshe lahayn waxay la mid tahay ummad aan hadaf lahayn oo aan garaneyn meel ay u socoto, Dowlada Puntland horey ayay u sameysay 2007-dii ilaa 2011-kii  ayuu soo shaqeynayey barnamijkan “ayuu yiri Mudane Sayid.

Qorshaha Shanta Sano ee Puntland ayaa ka koob-naan doona afar qeybood oo kala ah .

1.Gargaarka Deg dega sida xaaladaha yimaada oo qorshahan lagu cadeyn doono qaabka looga howl-gali doono.

2.Fulinta Barnaamij-yada ama mowduucyada ka yimaada Bulshada reer Puntland.

3.Horumarinta Deegaanada laga soo bilaabo Degmo ilaa Magaalo.

4.Habka ama Qorshaha Barnamijku ku soconayo oo leh meel laga tixraaco.

7Mudane Sayid Maxamed Cabdule waxa uu sheegey in barnaamijkan uu yahay mid ay la yimaadeen Dowlada Puntland iyo Dadkeeda, sidaas darteed-na uu u furan yahay kasoo qeyb galkiisa cid walba oo ka mid ah bulshada inay la timaado  fikradooda.

Wasiirka Qorsheynta waxa uu intaas ku darey in diyaarinta qorshahan qaabka wasaaradiisu u wajahayso uu noqon doono  saddex nooc oo kala ah.

1.Kala horeysiinta qorshayaasha Wadanka (National Plan) sida ay u kala muhiimsan yihiin .

2.Qiimeynta Natiijooyinka soo baxay oo la raadinayo xalkooda.

3. Buugii iyo Daabacaadiisa oo lasoo bandhigo.

Diyaarinta Qorshaha shanta Sano ee Puntland ayuu wasiirku sheegey inay ku qaadan doonto shanta bilood ee socota, isagoona sheegey inay u baahan yihiin iskaashi barnaamijkan ay kala sameeyaan Hay,addaha,Bulshada,iyadoona dowladu qeybteeda la diyaar garowdey.

Wasiirka ayaa sharaxay kharashaadka ku kici doona barnaamijkan oo uu sheegey in uu gaarayo 1 malyan iyo 300 oo kun oo dollar , wuxuuna carabka ku dhuftey inay diyaarinayaan 5 bilood gudaheed buug dhigaya qorshaha shanta sano ee socota.

6Puntland ayaa horey ugu guuleysatey diyarinta qorshaha shanta sano sanadihii 2007 ilaa 2011 oo ay kusoo shaqeynaysay , islamarkaana uu ahaa mid ay kaga faa,iideysatey wax badan oo ka mid ah horumarinta barnaamijyo kala duwan oo gudaha wadanka laga qabtey.

Marka loo eego taariikhda Barnaamijkan ee  qorshaha shanta sano ayaa kasoo bilowday ama kasoo unkamey xilligii uu wasiirka ka ahaa wasaarada Qorsheynta iyo Iskaashiga Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole oo Puntland kusoo kordhiyey hirgalinta barnaamijkan.

Wuxuuna hadda kusoo beegmayaa Diyaarinta barnaamijku iyadoo uu dhamaadey midkii hore ee la dejiyey , kaas oo lagu soo dhaqmayey shantii sano ee lasoo dhaafey.

9

Wakiilada Hay,addaha

Wakiilada Hay,addaha

3 415 10 11 12 13 14Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Garoowe: Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Dhisme Cusub Hirgalineysa,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Wasaarada Waxbarashada Puntland ayaa maanta loo dhagax dhigey dhismaha xarun cusub oo wasaaradu yeelan doonto , lagana hirgalin doono goobta hay,addaha dowlada Puntland loo qorsheeyey inay xarumahooda ku yeeshaan.

Dhagax dhiga, Gen C/samad iyo Juxa

Dhagax dhiga, Gen C/samad iyo Juxa

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen C/samad Cali Shire iyo Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa si wada jir ah u dhagax dhigey Xarunta Wasaaradu dhisaneyso Mustaqbalka dhow.

Wasiir Juxa

Wasiir Juxa

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Cabdi Faarax Siciid oo ka hadley dhagax dhiga ayaa sheegey inay tahay xarunta cusub ee Wasaarada oo noqoneysa mid kusoo biirta xarumaha kale ee Hay,addaha Dowlada ee dhismahooda laga hirgaliyey goobtaasi.

Goobta xarunta W,Waxbarashada loo dhagax dhigey ayaa ah agagaarka Xarunta Telefishinka iyo Idaacadda Dowlada ,iyadoona goobta sidoo kale ay ku yaalaan xarumo kale oo wasaraduhu leeyihiin, islamarkaana masaafo yar ay u jirto goobtaasi Xarunta Madaxtooyada Cusub ee Garowe.

Inta badan Hay,addaha Dowlada Puntland ayaa xafiisyadoodu usoo wareegayeen bilihii lasoo dhaafey goob cusub oo kusoo biirtey Magaalada Garowe islamarkaana loo doortey inay noqoto xafiisyada Dowlada.

Dhawaan ayay ahayd markii sidan oo kale dhagax dhig isla goobtan ay uga sameysteen wasaarado ay ka mid yihiin Maaliyada, Arrimaha Gudaha, iyadoona horey looga hirgaliyey dhismahooda Wasaarado ay ka mid yihiin, Caafimaadka, Cadaalada, Deegaanka, Warfaafinta iyo Madaxtooyada.

Dhagax dhig4 Dhagax dhig2 Dhagax dhig1Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

ADDIS ABABA: Sidee loo soo dhaweeyey Xasan Sheekh Addis Ababa (Sawiro)

$
0
0

Addis Ababa: (pp)-  Madaxweynaha Dowlada Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud oo Xalay fiidkii gaaray magaalada Addis Ababa ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyey wasiirka arimaha Bulshada Dowladda Federaalka ee Ethiopia C/fataax Sheekh Cabdullaahi, arrinkaas oo ku tusinaya sidda dowlada Ethiopia ay uga soo horjeedo siyaasada dowlada Xasan Sheekh.

C/fataax iyo xasan Culusow

C/fataax iyo xasan Culusow

Xasan Sheekh ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliyeed oo ay Ethiopia ku bahdishay dalkeeda illaa Sadex goor uu u tegay oo midkood uusan soo dhoweyn Madaxweyne iyo Raiisal wasaare toona , waxaana xusid mudan in Madaxweynayaashii iyo Raiisal wasaaradii soo maray DF ee Soomaaliya oo ka mid ahaayeen C/laahi Yuusuf , Prof, Geedi, Pof, Gaas iyo Madaxweynihii ugu danbeeyey ee Federaalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed loo soo dhaweyn jiray si heer sare  ah, Laakiin Kulanada Xasan Cuslusow ee ay Ethiopia la yeelatay waxay noqdeen mid aad loogu bahdilay, waxaana dad badan oo Soomaaliyeed ay qabaan in isagu uu shaqaystay Bah- dilaada lagu dhaqmay.

Xasan Dhexda , Safiirka Soomaaliya, Bidix, Wasiir C/fataax Midig

Xasan Dhexda , Safiirka Soomaaliya, Bidix, Wasiir C/fataax Midig

Xasan Sheekh maku baraarugi doona habka loola dhaqmay ee loogu soo dhaweeyey Ethiopia , waxaa kaloo la isweydiinayaa   nin aan Dad iyo Dal aysan taageersanayn , ma noqon doonaa inay qiimayn iyo soo dhoweyn  uu ka helo dowlado shisheeyeye?..

Puntlandpost.com

OGEYSIIS KU SOCDA: Jaaliyadda Soomaliyeed ee Toronto, Canada. Sixidda Dastuurka

$
0
0

Shir Ku Saabsan: Sixidda Dastuurka Dowladda Federaalka ee Somaaliya

Waxaa ummadda Soomaaliyeed ee nabadda, cadaaladda iyo midinimada Jecel ee ku nool Magaalada Toronto iyo nawaaxigeeda la ogeysiinayaa in qaybaha kala duwan ee jaaliyadda  ay qabanayaan shir lagu soo bandhigayo qodobadii laga beddelay dastuurka federaalka Soomaliyeed iyo dib u sixidda dastuurkii la khalday.

Waxaa kale oo laysla soo qaadi doona ku dhaqan la’aanta dastuurka Fadaraaliga ah ee dowladda Federaalka Somaliyeed, cambaaraynta farogalinta uu Madaxwayne Xasan Shiikh ku hayo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka.

Shir looga hadlayo Sixidda Dastuurka Federaalka ee Somaaliya oo ka dhacaya London

Shir looga hadlayo Sixidda Dastuurka Federaalka ee Somaaliya oo ka dhacaya Toronto

Shirkaweynaha waxaa lagu qaban doonaa goobta iyo waqtiga soo socda:

Maalinta:                         Axadda (Sunday)

Taariikhda:                 5th May 2013

Saacada Waa:           7:00 ilaa 11.00pm

Goobta Waa: CROWNE PLAZA HOTELS – TORONTO.

Adress: 33 Carlson Court  Toronto ,  Ontario   M9W 6H5

 

Wixii Faahfaahina kala xiriir:

Mr. Saciid Dhafuuje          Tel. 647-7800771
Mr. Nuur Abdi Gidaare     Tel. 647-7006215
Mr. Abdirashiid Boss        Tel. 416-8041352
Mr. Saciid A, Orey           Tel. 647-8915284

TACSI: Maxamuud Ciise Cali Ilyare

$
0
0

Jaaliyada Danmark ee kasoo jeeda Puntland iyo Jubbaland ee ku nool dalka Danmark waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali Ilyare, Eng. Xaamid Ciise Cali Ilyare, C/kariin Ciise Cali Ilyare, C/laahi Ciise Cali Ilyare, Xasan Ciise Cali Ilyare, Batuulo Ciise Cali Ilyare,Xabiibo Ciise Cali Ilyare, Koos Ciise Cali Ilyare,Canab Ciise Cali Ilyare,  iyo dhammaan reer  Ciise Cali Ilyare, meel kasta oo ay joogaan, waxaana uga tasiyeynaynaa geeridii Naxdinta lahayd ee ku timi Marxuum Maxamuud Ciise Cali ilyare oo geeriyooday 2/5/2013-da..

Tacsi ku socota Reer Ciise Cali Ilyare.

Tacsi ku socota Reer Ciise Cali Ilyare.

Waxaan marxuumka illaahay uga baryeynaa inuu naxariistii Jano ka waraabiyo , Xaasaskii , Awlaadii, eheladii iyo Qaraabadii uu ka tegay waxaan illaahay uga baryeynaa inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo Aamiin:: Aamiin.

Puntlandpost.com

 


BOOSAASO: Hayad Diinta Faafin doonta oo Bossaso looga dhowaaqey (Sawiro)

$
0
0

Boosaaso: (pp)- Waxaa magaalada Boosaaso looga dhawaaqay Hayad khyeri ah oo ujeedadeedu noqon doonto faafinta Diinta Islaamka Iyo ka shaqeynta Arrimaha Bulshada, Hayadan oo magaceedu yahay Al-Raxma ayaa Bossaso looga
dhawaaqey.

Hayad Diinta Faafin doonta oo Bossaso looga dhowaaqey

Hayad Diinta Faafin doonta oo Bossaso looga dhowaaqey

 
Xaflad aad u qurxoon ayaa lagu qabtey Hotel Juba, waxana kasoo qeyb-galey qeybaha kala gadisan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Bossaso. Marti-sharaftii ka qeyb-gashay oo isku raacey in loo baahnaa Hayadan Iyo adeega ey qaban doonto, waxana ey tilmaameen in dadka Reer Bosaaso Iyo Guud ahaan reer Puntland ey u baahan yihiin Jameeco Iyo dad u kaca khyer Iyo faafinta Diinta Eebe Iyo Sunnada Nagiga csw.

IMG_0599Waxaa halkaas ka hadley, Dr Maxamed Cali Faarax, oo Madax ka ah Jaamacada Bossaso University, Dr Maxamed , ayaa xusey in Bossaso u baahan tahay Jamciyado u quma arrimaha Diinta Iyo bulshada maadama bulshada reer Bossaso ey aad u kordheen, waxaa isna goobta ka hadley Nabadoon, Xarago, isagoo xusey in maanta ey tahay maalin-weyn, maadama la helay Hayadii dadku wada sugayeen Iyo dadkii looga bartey khyerka oo Iyagu hormuud ka ah Mashruucan, Sidoo kale waxaa sharaxaad dheer ka baxshey Ujeedada loo aas-aasey Hayada Al-Raxma , Sheekh Cabdinaasir Cabdilaahi Cali, isagoo power-point ku soo bandhigey waxqbadka Hayadu dooneyso iney qabato.

IMG_0640Waxaa Iyana ka hadley goobta Nabadoono caan ka ah Puntland sida, Nabadoon Xussien Xaaji Samatar, oo ku hadlayay magaca Nabadoonada, ayaa iftiinshey sida ey muhim u tahay baahida jirta Iyo Hayadan waxa ey Bulshada ka sugayaan, Nabadoon Xarago ayaa sidoo kale amaaney hogaanka Hayada Al-Raxma, Nabadoonka ayaa taageero weyn u muujiyay Hayadan cusub.

IMG_0636Sakariye Isticmaar, ayaa goobta ka hadley, isagoo ka warbaxshey sida Bulshada Reer Puntland u heysan Jamciyado Iyo Hayado u adeega arrimaha Bulshada, waxana uu sakariye sheegey in haatan la-gaarey xiligii la iska kaashan lahaa wax u qabashada bulshada kuwooda u baahan adeegyada kala duwan. Waxaa Iyana goobta ka hadley marti sharaf badan Ganacsato, Iyagoo taageero buuxda u fidiyay Hayada Al-Raxma.

IMG_0624Ugu danbeyn Sheekh Cabdirisaaq Xussien Ciise, oo isagu Guddomiye ka ah Hayadan cusub, Sheekha ayaa balan-qaadey in Hayadan ey waxbadan ka tari doonto arrimaha Dacwada Iyo Bulshada, Sheekha ayaa yiri, Albaabkeenu cid walba ayuu u furan yahay, Sheekha ayaa hadalkiisa ku soo afmeeray Hayada Al-Raxma ummada Iyo Shacabka ey lee dahay waa idinka ee Taageero ayaan idin kaga baahan nahay.

IMG_0567 IMG_0568 IMG_0572 IMG_0608

Puntlandpost.com

Liiska Magacyada Raga Xooga ku Haysta Degmada Qoryooley (Warbixin Muhiim ah)

$
0
0

Liiska magacyada raga xooga ku heysta guryaha, beero iyo xarumo dowladeed oo ku yaal  degmada Qoryooley ayaan kusoo bandhigaynaa maanta warbaahiyaha Puntlandpost.com.

Kana Akhri: Waa Kumma Xaad iyo Axmed Diiriye  (xog-muhiim)

Ragan hoos ku xusan ayaa ka mid ah ragga ay ka degi la’dahay gobolka Sh/hoose, kuwaas oo gacanta ku dhigay bur-burkii kaddib guryihii dowlada iyo Beero iyo Guryo ay leeyihiin dad Soomaaliyeed oo qaarkood magac iyo maamuus ku lahaa Soomaaliya.

Boobka aan laga hadlin

Boobka aan laga hadlin

Hoos ka daalaco ragga caadaystay bililiaqada iyo haysashada umada Soomaaliyeed, kuwaas oo la yaan qaaday qaarkood wixii dowlad lagu sheegay ee wadanka Soo marayna qaarkood ay gacan saar la lahaayeen siiba dowladii C/qaasim oo dhulboobka sii balaarisay iyo dowladii Sheekh Shariif oo Indhocadee oo la yaqaan taariikhdiisa halmar u dalacsiisey Generaal, iyadoo la ogyahay inuu dadka Reer Marka ee deegaanka u lahaa uu Biyaha ka Gadi jiray ceelashooda. Dhagar qabahaas iyo kuwo la mid ayaa Abaalmarin iyo Gumaad shacabeed kaddib Garaado lagu taxay, taasna waxay na tusinaysaa sidda khaldan ee loo fahmay Qaranimada & dowladnimada.

Bal nala eega shaqsiyaadka haysta Hanti qaran iyo mid shacabeed

1- Xasan Biit oo soo galay burburkii ka dib , waxa uu hesytaa xarun weyn oo Dowladu laheed oo ku taal Aargada, xitaa aabihisa aa ku duugan hada.

2- Reer Afweyne oo haysta Sargaduud oo ahaan jiratay Xaruntii Xisbiga ee Dowladii Maxamed Siyaad Barre

3- Karaaye oo heeystay Al-shabaab ka hor gurigii Hay’ada talyaani oo gacanta ku heysey cisbitaalka degmada Qoryooley.
4- Xuseen Xiirey oo sheegta Dhaqtar oo isna Cisbitaalka Qoryooley qaab farsamesan ku jooga , horeyna u bililiqeystay qalabkii yiilay Cisbitaalka , hadana isaga gacanta ku hayo, kana shaqaaleysiiyey dhalinyaro mooryaan u badan oo reerkiisa ah , oo aan xitaa waligood iskuul soo dhigan.

5- Maxamuud Dheere oo heystay Kaanaalka liibanta oo degmada Qoryooley ku magac dheer tahay in kastoo laga qaadey xilligii Dowladii Cabdullahi Yusuf  2007 kii.
6- Nin magaciisa lagu soo kobay Dhagoweyne oo isna heysta xarunta madadaalada ee degmada Qoryooley ee centaraha loo yaqaan.
7- Cabdi malik ama Cabdisuldan saad doonto ugu yeer, milkiilaha cidaacad beeledka Shabeele oo isna heysta Xaruntii Keydka Dalaga: galeyda, digirta, sisinta iyo waxii la halmaala ee degmada Qoryooley , hadana ku sugun UK.
8- Jaamac balow oo heysta beero ku yaal Gaywaroow ay leeyihin dad deegaanka ah iyo beer uu lahaa Allaha u naxariistee Cali Xasan Cali Barduure oo ka mid ahaa asaasayaashii SYL , ninkaan Indhocade ayaa abtigiis ah oo isna hada jooga Xamar.
9- Nin magaciisa aan dib ka soo gudbin doono oo heysta maxkamada degmada Alshabaab ka hor , ka kireysan jirayna ciduu rabo , ninkaan oo la dhashay Jamac balow.
10- Warsame nin la yirahdo oo heysta Kaalintii Shidaalka Degmada oo u shaqeyn jiray shirkada isgaarsiinta ee Nation Link , oo laakin sida la sheegay ka towbad keenay hada , ma cada arrinkan towbadkeenka mana hubno waayo hada shabaab ayaa jooga meesha, waxaa laga yaabaa in Al-shabab uu ka baqayo darteed uu u hakiyay arimaha mooriyaanimada ee lagu yaqiin.

Waxan soo gudbin doona mustaqbalka cidda heysata , wakaalada biyaha , beeraha degmada iyo iskuulada, gar ahaan kan gabdhaha,  bangiga, Tiyaatarka dowlada laheed iyo kuwo kale oo badan.

Ogaada kuwan oo dhan waxay ku doodayaan  reer Qoryoley ayaan nahay, waxaa ugu weyn Indhocade oo mar walba sheegta Jeerow inuu ku dhashay, iyadoo la ogyahay inuu darawalnimo uu ku yimi deegaanka , isagoo nin qowsaar ah, hadii ay run tahay  sow ma ahayn inuu  ku hadlo lahjada loogu hadlo deeganka , sida lahjada Digilka ama af Jiido , Garre ,Tuni iyo May Mayga iyo lahjada Biimaal ama lahjada Maxaaga reer Banaadir iyo shabeelada Hoose looga hadlo ama dariskooda.

FIIRO GAAR AH: Jamac Baloow iyo Indhocade danbigooda ma yara , Jaamac dadkii uu gacmaha ka jaray ayaa ila maanta ku nool Gaywaroow, kuwa uu dilay is ka daa.

Qormooyinka noocaan oo kale ah waxaa Puntlandpost soo gaarsiiya Illo la hubo oo aan la shaacin karin magacyadooda, waana arrimo badan oo Soomaalida manata joogta aysan beenin karin. In Soomaaliya dowlad Caadil ah laga helo waxaa diidan dadka haysta guryaha iyo beeraha dad Soomaaliyeed , mana jirto dowlad soomaaliyeed oo ka hadahay in si deg deg ah loo celiyo hantida iyo guryaha dadka Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in hadalkii Madaxweyne Xasan uu ka sheegay Maraykanka uu ku yiri dadka Soomaaliyeed ” dadka ku riyoonaya waa nala dilay, waana nala dhacay , waxaan u sheegayaa inuusan waqtiga kaga dhamaanin hadalaada noocaas oo kale ah” hadalkaas oo ula jeeday wixii la dhacay hala iska iloobo.

NB: Puntlandpost way soo dhoweynaysaa maqaalada noocaan oo kale ah, si loogu gargaaro kuwa dulman , kuwa sida khaladka ku haystana Hantida ummadda Soomaaliyeed loogu gar-gaaro naftooda oo looga ilaaliyo Xaaraanta iyo waxyaalaha ay caadaysteen.

Puntlandpost.com

Subject: Violation of Federal Constitution by President Hassan Sheikh Mohamud

$
0
0

Jubaland community is increasingly concerned with the attitude of the federal government of Somalia with respect to Jubaland communities and gross violation of Somalia Federal constitution. Since the election of President Hassan, last year, the only active file in the Office of the President, Prime Minister and the cabinet was Jubaland State formation and its communities.

Read PDF File - Violation of Federal Constitution by President Hassan Sheikh Mohamud

JubbalandlogoThe antagonistic attitude developed by the federal government towards Jubaland people is pushing the community to unchartered territories. Somali people have adopted a new constitution based on the federal system of governance and expect the president of Somalia to respect.

The allocation of powers of the federal constitution is very clear where most powers lie with the federal member states. However, President Hassan is continuously violating constitution, particularly, section Five Articles 49, 50, 52, 54 and section 15, article 142 of Somalia federal constitution.

In reference to the president’s statement yesterday at the Somalia Federal Parliament in respect to Jubaland State, it is a clear indication that President Hassan is against embracing federal system of governance adopted by constituency assembly last year and the people’s choice with respect to the formation of Jubaland State of Somalia as enshrined in the Federal constitution.

As a result, We call upon the Somalia Federal Parliament to investigate President Hassan’s gross violation of the federal constitution and continued unilateral actions without participation & proper consultation with federal member States. We call upon peace loving international community to intervene before it’s too late to arrest the situation.

END

“Daawo Muuqaal” Siilaanyo oo lagu ceebeeyey Fagaare ku yaal Dalka Maraykanka

$
0
0

USA: (pp)- Muuqaal barta Internet-ka lagu soo daabacay 23 April 2013 ayaa lagu daawadey Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo su,aalo caro leh lagu weydiinayo xoog ku qabsashada maamulkiisa magaalada Laas-caanood, xilli uu ku sugnaa Xarunta Hay,adda Atlantic Council ee Dalka Maraykanka, ayna goobtaasi fadhiyeen dad badan oo isugu jirra Somali iyo Ajnabi.

Fiiro gaar ah: Qaybta ugu xiisaha badan khudbada ka bilow daqiiqada 55-aad
Daawo Video-ga

Maamulka Siilaanyo oo la ceebeeyey.

Maamulka Siilaanyo oo la ceebeeyey.

Ujeedka Madaxweynaha Somaliland u tagey markii horre xarunta Hay,adda Atlantic Council ayaa ahayd in uu warbixin u jeediyo siilaanyo xubno ka socdey hay,addaha Amaanka ee Mareykanka iyo Beesha Caalamka oo goobta ku sugnaa , balse aysan suurto galin ka dib goobta oo uu kala kulmey fadeexad xoogan oo uu la kulmey.

Siilaanyo waxaa sida muuqaalka lagu daawadey dhiniciisa fadhiyey wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, iyadoona labada masuul mar qura markii goobta ay ku dhaliileen koox kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa wajiyadoodu isu bedeleen kuwo la yaab leh sida aad ka arki kareysaan-ba muuqaalka.

Madax ka tirsan hay,addaha Amaanka dalka Maraykanka iyo Wakiilo ka socdey beesha caalamka ayaa goobtaasi ku sugnaa,kuwaas oo qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Somaliland uu warbixin u jeediyo markii horre , kasoo qeyb galayaashu-na ay su,aalo dhowr ah weydiiyaan ka dib warbixinta Madaxweynaha..

Waxyaalaha Cajiibka ah ee lagu eedeeyey Siilaanyo ayaa waxaa ka mid ahaa kaddib markii Gabar Soomaaliyeed oo kasoo jeeda SSC ay weydiisay dhibaatooyinkii ka dhacay gobolka Sool iyo Cayn,  sida gumaadkii ka dhacay Kalshaale iyo Xudun oo ay gabadhu sheegtay in lagu gumaaday dad gaaraya 20.000 kun oo qof oo ku jireen ciyaal iyo Waayeel, halka Wiil ka soo jeeda Isla deegaankaas uu ku sheegay Maamulka Siilaanyo mid reer Gaar ah ay maamushaan , ayna taageersanayn Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee deegaanadaas kula nool sida Dhulbahante, Warsangeli, Goda-biirsi iyo Ciise intaba, Waxaana hadaladaasi ka soo yeeray muwaadiniinta ka soo jeeda SSC ay waxba kama jiraan ka dhigeen khudabadii uu jeediyey Siilnaayo iyo Wasiirkiisa oo aan muuqaal aan jirin ka dhaadhicinayey beesha Caalamka.

Waxay-na noqotey dhacdadani kuwa ugu miisaanka culus ee tobankan bari gudahood soo gaarta masuul ka socda Somaliland,iyadoona Somali badan ay arrintan si weyn u hadal hayso.

Ma ahan markii ugu horeysay oo siilaanyo xaflad uu ka qeyb galo lagu hor ceebeeyo waxaa horey u jirtey dhacdo London uu kala kulmey oo middan kasii horeysay, taasi oo dad badan ka daawadeen meelo kala duwan oo ka mid ah aalada Internet-ka sida Youtube, Websit-yo, iyo Meelo kale.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
USA.

KISMAAYO: IGAD oo guddi deg deg ah u diraysa Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo(pp)- Wararka naga soo gaaraya guddaha Magaalada Kismaayo Ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay gaarayaan dhowaan Wafdi ka socda IGAD,kuwaas oo il-gaar ah ku fiirin doona in shirka ka socda magaaladav Kismaayo  ee loogu dhisayo deegaanadaasi maamul goboleedka Jubbaland State uu yahay mid ku socda illaa hadda qaab waafaqsan sharciga Federaalka ee Soomaaliya.

Guddi ka socda IGAD oo tagaya Kismaayo

Guddi ka socda IGAD oo tagaya Kismaayo

Guddiga loo dirayo Magaalada Kismaayo Ayaa yimid kaddib markii Madaxweynaha DF ee Soomaaliya uu shirkii IGAD ka sheegay in shirka ka socda Magaalada Kismaayo uusan waafaqsanayn dastuurka federaalka ee Soomaaliya, hadalkaas oo ah mid uu ku jahawareerinayo dowladaha ku middoobay IGAD oo intooda badan taageerayaan Shirkaasi, marka laga reebo Jabuuti.

Shirkii IGAD ayaa DF ee Soomaaliya looga codsaday inay taageeraan shirkaas , isla markaana ay IGAD u dirayso Magaalada Kismaayo Guddi deg deg ah oo IGAD ka socda.

Guddiga IGAD ay dirayso ayaa ahaa guddi horay u diyaarsanaa , kuwaas oo ka qayb qaadan doona arrimaha ku aadan dhamaystirka shirka oo lagu wado inuu dhowaan soo gaba-gaboobo.

Inkasta oo IGAD ay ogtahay shirka ka socda Kismaayo inuu yahay mid waafaqsan Sharciga Federaalka , haddana IGAD waxay doonaysaa inay qanciso Xasan Sheekh Culusow oo marar Badan ku celceliyey in shirkaas uusan ahayd mig faqsan Sharciga federaalka oo ay dowlada lagu texgelin.

Sikastaba, waxaa la filayaa booqashada IGAD ee magaalada Kismaayo mid Indhaha u furta kooxaha ka soo horjeeda Dhismaha maamulka jubbaland oo ay Wadataageersan yihiin beelaha kasoo Jeeda deegaanada jubbooyinka iyo Gedo.

Puntlandpost,jubbaland, Soomaaliya

Gaari Qarax laga soo buuxiyey oo ku qarxay Wadada No4 Magaalada Muqdisho.

$
0
0

Muqdishp :( pp)- Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsadey Wasiirka arrimaha gudaha DF iyo Wafti Ajnabi ah oo la socdey.

Agagaarka KM4 ayuu ka dhacay ,waxana la sheegey in gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay isku qarxiyey goobtaas.

Goob-jooge ayaa Puntlandpost u sheegey in uu arkayey labo qof oo meyd ah iyo qof dhaawac ah oo goobta laga qaadayo, isagoona intaas ku darey in gaariga goobta uu ku qarxay uu ag marayey gaari kale oo bas ah ayna la socdeen dad shacab ah.

Faahfaahin buuxda si rasmiya loogama hayo khasaaraha qaraxa uu geystey , walow xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay saraakiisha amniga ay noo xaqiijiyeen inuu socdo baaritaan, war buuxana ay dhacdan goor dhow kasoo saari doonaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa wadooyinka waaweyn ee Muqdisho u xirnaayeen cabsi laga qabey weeraro sidan oo kale ah,waxase dib loo furey shalay iyadoo ciidamada amaanka ee DF ay sheegeen in heegan ugu jiraan ka hortaga weerarada kooxda Al-shabaab.

Faahfaahinta warkan ayaanu idiin soo gudbin doonaa.

Puntlandpost.com
Muqdisho.

Dhismayaasha Dugsi Qur,aan oo laga hirgaliyey Tuulada Baq baq Degmada Dongoroyo,Sawiro.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Jimciyadda Al amru bin Macruuf Wanahyi Canil Munkar ayaa jimcihii lasoo dhaafey jariga ka jartey labo dhisme oo ah dugsiyo qur,aan oo laga hirgaliyey tuulada Baq baq oo ka tirsan degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal.

Dhismayaasha Dugsiyada la dhisey

Dhismayaasha Dugsiyada la dhisey

Culimo ka tirsan Jimciyadda Al Amru Bin Macruuf ayaa sheegey inay ku guuleysteen dhismaha labo xarumood oo dugsiyo qur,aanka ah, ka dib markii kharashaadka dugsiyadan ay kasoo aruuriyeen bulshada ku nool magaalada Garowe.

“Tiro 180 caruur ah ayaa ka faa,iideysan doonta dugsiyada laga hirgaliyey deegaanka Baq baq , kuwaas oo horey wax loogu dhigi jirrey geedo hoostood , balse hadda midaasi ay ka gudbeen oo loo hirgaliyey qolol dugsiya ayna ku xafitaan alaabta dugsiga” ayuuu yiri mid ka mid ah culimada Jimciyadda.

Kulanka tuulada Baq baq ka dhacay

Kulanka tuulada Baq baq ka dhacay

Bulshada ku nool deegaanka Baq baq oo ka hadley dhismaha labada dugsi qur,aan ee loo hirgaliyey ayaa sheegey inay uga mahad celinayaan Jimciyada Xumaan ka reebida iyo Wanaag farida deeq ay soo gaarsiiyeen Baq baq.

Tuulooyin badan ayaa waxaa ka jirta baahi la xiriirta goobaha waxbarasho ee ubadku inta badan wax ku bartaan , kuwaas oo u baahan dayactir iyo ka hirgalinta dhismayaal waxbarasho.

Maxamed Xamari oo ka tirsan Sarakisha Jimciyada

Maxamed Xamari oo ka tirsan Sarakisha Jimciyada

Caruurta ka faa,iideysanaysa Dugsiyada

Caruurta ka faa,iideysanaysa Dugsiyada

Macalin Farxaan oo ilmo yar kitaab siinaya

Macalin Farxaan oo ilmo yar kitaab siinaya

Caruurta ka faa,iideysan doona goobahaan

Caruurta ka faa,iideysan doona goobahaan

Culimada Jimciyadda

Culimada Jimciyadda

Dadka deegaanka oo ka hadlaya Deeqda loo sameeyey

Dadka deegaanka oo ka hadlaya Deeqda loo sameeyey

Qeyb ka mid ah Caruurta

Qeyb ka mid ah Caruurta

Mid-mid-ka-mid-ah-Dugsiyada-la-dhisey

Mid-mid-ka-mid-ah-Dugsiyada-la-dhisey

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.


D/hoose Iyo Ganacsatada Bosaso oo ku heshiiyey qaadashada lacagta shanta boqol ee Shillin Somaliga.

$
0
0

Bosaso: (pp)- Ka dib markii suuq-yada Bosaso laga diidey qaadashada lacagta shanta boqol ee Sh,Somaliga ayaa maanta waxaa arrintaasi kulan ka yeeshey Maamulka Magaalada Bosaso iyo Ganacsatada Gobolka Bari.

Lacagta Ganacsatadu diidey ee Shanta Boqol.

Lacagta Ganacsatadu diidey ee Shanta Boqol.

Duqa Bosaso Xasan Cabdalle Xasan oo kulanka ka dib saxaafada kula hadlay xafiiskiisa ayaa sheegey inay isku afgarteen ganacsatada qaadashada lacagtan oo labadii maalin ee lasoo dhaafey suuq-yada laga dareemayey saameynta ay ku yeelatey dad badan diidmada lagu ganacsatada ku sameeyeen.

Gudoomiyaha Dowlada Hoose Bosaso waxa uu talo ama fariin u direy dhamaan ganacsatada kale ee gudaha magaalada ku gada inaysan qaadan go,aan u gooniya oo ay ku mamnuucayaan lacagtaasi.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafey ayaa Suuqyada magaalooyinka Puntland laga hadal hayey in ganacsato badan ay diidey qaadashada lacagta shanta boqol ee Shilin Somaliga,waxayna taasi dadka qeybtiis dhaliil ugu soo jeediyeen ganacsatada reer Puntland inay yihiin kuwo laga dhex kaluumeysto, islamarkaana fowdo iyo jahwareerin  ku kicinaya dhaqaalaha wadankooda.

Ma jirto wali war ku saabsan arrintan oo kasoo baxay Wasaarada Maaliyada Puntland iyo Hay,addaha kale ee dowlada oo ay kaga hadlayaan go,aanka ganacsatada iyo sida loo mareyn karo.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
  Bosaso

Dayactir wado oo laga bilaabey Degmada Xarfo Gobolka Mudug,Sawiro.

$
0
0

Xarfo: (pp)- Degmada Xarfo oo ka tirsan Gobolka Muudg ayaa waxaa ka socda olale balaaran oo ay iska kaashanayaan Maamula Degmada iyo shacabka oo halkaasi ka wada dayactirka wadada laamiga goobaha ay ka burburtay.

1Munaasabad balaaran oo maanta lugu daahfurayay dayactirka ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawlada Puntland oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Tigay, Agaasimaha Hay’ada wadooyinka Puntland PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan, qaybaha Bulshada iyo waliba Maamulka Degmada Xarfo.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac Tigay khudbad uu halkaas ka jeediyay ayaa ku amaanay dadka reer xarfo sida wanaagsan ee ay xiligaan ugarteen dayactirka laamiga isagoona ku tilmaamay in ay qayb ka tahay talaabadani hormarada baaxada leh ee ka soconaya Gobolka Mudug.

Agaasimaha hay’ada wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur aadan ayaa dhankiisa isna bogaadiyay hawlaha lugu dayactirayo wadada laamigaa isagoona sheegay in Hay’ada Puntland u qaabilsan dhanka wadooyinka ay iyana doorkeeda qaadanayso haatana ay bilaabayaan inay dayac tiraan goobaha laamigu ka burbursanyahay ee u dhexeeya Magaalooyinka laamigu maro.

Ka dib munaasabada ayaa waxaa si toos ah loo bilaabey shaqada dayactirka, taasi oo ay qeyb lixaad leh ka qaadanayaan bulshada deegaanka oo hormuud ka yahay maamulka Degmada Xarfo oo sheegey inaysan ka daaleyn hagaajinta wadada howsheeda ay bilaabeen.

7 6 5 4 3 2 8Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Degmada Xarfo.

TACSI: Maxamuud Ciise Cali Ilyare

$
0
0

inaalilahi waina ilaaahi raajacuun

Anagoo ah jaaliyada reer Nugaaleed ee dagan dalka Norway waxaan ka tacsiyeeynayna geeridii naxdinta badnayad ee ku timid allaha u naxariiste marxuun Maxamuud Ciise Cali ilyar oo ku geeriyoday magalada Garoowe taarikhdu markay ahayad 2/5/2013 waxaana eheladii iyo qarabadii xaaskii iyo caruurtii uu katagay ilahay uga baryaynaa inuu samir iyo imaan kasiiyo iyo dhamaan reer Cali ilyar meel kastay jooganba aduunka Marxuumkana uu janadii Fardowsa albaabadeeda ufuro Amiin Amiin Amiin.

Tacsi ku socota Reer Ciise Cali Ilyare.

Tacsi ku socota Reer Ciise Cali Ilyare.

Waxaana tacsidaan diraya jaaliyada reer Nugaleed ee dagan dalka Norway oo kala ah:

Ciiro Ahmed Hassan
Dr.Daahir Huseen Tooxyare
Nabadoon Maxmuud Cismaan yare
C/laahi Abshir Faarax
Maxamed Saalax
Maxamuud Canbuulo
Cismaan Xaaji Daahir
C/fitaax Cabaas Cali
Daahir Qamaan Kilwe
C/wali Yuusuf Aw Ciise
C/laahi Cismaan Wacays
Ahmed Maxamud Dalmar
Daahir Cali Bacood
Murasal Saciid Geele
Sharmarke Baasawayne
C/risaaq Maxamuud Dalabeey
Maxamed Jaamac
Ciise Cilmi Biiq
Qamar Matoote
Sayanab Baasawayne
Ikraan Baasawayne
Xaliimo Jaamac Nuur
Sahro Nuur Igiriis
Sonkor Cali Adan
Maxamed Cali Adan
Deeq Cali Hayaan
Sanwayne Saciid Samatar Surcad

Puntlandpost.com

Garoowe: Dhismaha Maxkamada Dastuuriga ee Puntland oo la shaaciyey.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa maanta sheegey inay socoto dhismaha maxkamada dastuuriga ee Puntland , iyadoona gacanta dowladu ku hayso sameynta xeerarkeeda.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada

Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashada

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Puntland Mudane Maxamed Xasan Barre oo shir jaraa,iid ku qabtey xafiiskiisa ayaa sheegey in sharciga Maxkamada la horgeyn doono marka uu furmo kalfadhiga golaha wakiiladu 15 June .

Maxamed Xasan Barre waxa uu sheegey in Madaxweynuhu uu kusoo wargaliyey dhismaha Maxkamada Dastuuriga in la dhameystiri doono ka hor inta aan la gaarin 08  January 2014 xilliga doorashada.

3

Maxamed Xasan Barre

Gudoomiyaha Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre waxa uu dhanka kale ku sheegey shirkiisa jaraa,iid in guddigu uu ku wargaliyey ururada siyaasada inay usoo gudbiyaan ka hor 11 bishan liiska Magacyada uga qeyb galaya tartanka doorashooyinka goloyaasha deegaanka.

Guddiga Doorashooyinka

Guddiga Doorashooyinka

Lama garanayo waxa ay ka bedeli doonto ku dhawaaqida sameynta Maxkamada Dastuuriga go,aankii horre ee Ururada Midnimo iyo UDAD oo shuruudahoodii horre qeyb ka ahayd sameynta Maxkamada Dastuuriga.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Garoowe.

Akhriso : Qiso Xanuun Badan oo Muqdisho loogu geystey Gabar Reer Puntland-na.

$
0
0

Waxaan doonayaa inaan idin soo gudbiyo arin igaga dhacdey intaan Mogadishu joogey Xafiiska Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Maxamud Xasan Saleebaan.

Waxaan shaqo u raadsadey 03.05.2013, anoo wata Shahadii Jaamacada Iyo Waraaq ay ku qorneyd goobaha aan kasoo shaqeeyay, waxaan Xafiiska Wasiirka Maaliyada tagay 10-Subaxnimo, waxaan la kulmey Shaqaalihii halkaa joogey, waxaan u sheegay inaan shaqo doon ahay, su,aashii u horeysay waxaa la i yiri xagee ka timid, markaas baan iri Puntland, waa la igu qosley oo la iigu jawaabey oo maad ka shaqeyso Wasaarada Maaliyada Puntland, anoo la yaaban habdhaqankooda ayaan iri wax shaqaala ah oo kasoo jeeda Puntland ma ii sheegi kartaan, kadib ayuu isagoo qoslaya yiri kaas halkaa taagan baa ah, balse waxba kuu qaban maayo ee sidaa ogow.

Waxaan u tagay ninkii la igu yiri waxa uu kasoo jeedey Puntland isagoo meesha taagan ayaan iri walaalow gabar reer Puntland ah baan ahay shaqo raadis ah ee ma i caawin kartaa, waxa uu yiri meeshaan shaqo ma jirto iska tag amase ninkaas Hawiye shaqo haku siiyo anna mashquul baan ahay Bye, anoo ciil Iyo caro i heysa oo yaaban ayaan u soo dhaqaaqey xafiis uu ii tlimaamey oo isla Wasaarada ah, waxaa i qabtey labo nin oo ciidan ah waxa ay dhaheen, Naa xagee ka timid maxaa aheyd, intaan cabsadey baan iri Puntland shaqo ayaan raadinayay, waxa ey bilaabeen iney handadaad Iyo Hanjabaad igula kacaan, waxaan ka war-helay Dharbaaxo Iyo garba-duub, waxaan qeylo afka ku shubtey oo iri, Yaa Daaroodey Yaa Reer Puntland ah, nasiib-xumo cidina iima soo gurman, waxa ey ii jeedeen Qol ey dadka ku xiraan, halkaas ayaan ilaa Galabtii ku xirnaa, anoon qadeyn, waxa ii yimid nin ciidan ah, waxa uu yiri Naayaa Puntland Iyo Daarood waxba kuu qaban maayaan ee dan makuu tahay inaan meeshan kaa saaro oo aad Puntland Iyo halkii aad ka timid aado.

Waxaan ku jawaabay anoo ilmeynaya haa, waxa iiga furey qolkii anoo naxsan ayaan kasoo baxay Wasaaradii, waxaan imid Xaafadii aan Mogadishu ka joogey ee Howal-wadaag, waxaan u sheegey Adeerkey oo meesha isna joogey, waxa uu bilaabey inuu taleefankii Wasiirka waco, nasiib wanaag, wasiirkii baa qabtey oo sheekadii looga sheekeeyay, waxa aan fileynay Cadaalad Iyo Hiil, Wasiir Saleebaan waxa uu ku jawaabey, waxba kama qaban karo meeshaan ee iska samra.

Hadaba waxaan sheekadeyda ku soo koobayaa, Reer Puntlandnow Bahdil Iyo Hanjabaad baa Mogadishu idin kaga horeysa ee dhulkiina iimaansada, Wasiirka Maaliyada Maxamuud Hassan Saleebaan, waxaan moodayay inuu ii damqan doono amase uu booskii nin reer Puntland ah uu ii galayo balse taas ma dhicin.

FG: Qoraalkan Puntlandpost masuuliyad kama saarna waxa uu u gaar yahay qoraaga hoos magaciisu ku saxiixan yahay .

Siraad Yuusuf Geele
siraad80@gmail.com

Mogadishu Soomaaliya.

Viewing all 22733 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>