Dowlada ayaa maanta saxaafada u qeybisey qaar ka mid ah qodobada Dastuurka Soomaaliya ee Puntland sheegtey inay faro galin ku sameysay Dowlada Federalka ,iyadoona saxaafadda Puntland soo gaarsiisey qodobadan oo ahaa kuwo isugu jira kuwo wax laga bedelay ,kuwo Dastuurka lagu soo kordhiyey iyo kuwo laga saarey-ba.
Ka hor intii Madaxweynaha DF iyo Waftigiisu ka dhoofin magaalada Garoowe ayaa Puntland u gudbisey qodobadan , waxaana uu sheegey Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud in uusan waxba kala socon balse baaritaan ay ku sameyn doonaan.
Haddaba Puntlandpost waxay Akhristayaasheeda u sahleysa inay wax ka ogaadaan qodobadaasi muranka uu ka jirro, Hoos ka akhriso Qodobada wax laga bedelay.
1.QODOBka 9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka, waxaa lagu kordhiyey (magaalo madaxda jamhuuriyada soomaaliya waa mugdisho), halka nuqulkii lagu heshiiyey dhigayo,( maqaamka magaalo madaxda federaalka soomaalia waxaa go’aan laga gaari doonaa dib u eegista dastuurka).
2.QODOBka 26,aad, ee ka hadlaya hantida.Waxaa laga saaray faqrada sadexaad ee nuqulkii rasmiga, ahaa, taasoo u qoran sidan: 3. faqrada 1, iyo 2, ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49,aad.
3.QODOBka 44,aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka. Ee nuqulkii rasmiga ahaa wuxuu ka koobnaa 6 faqradood, ama prograph, waxaa laga tirtiray faqrada 5,aad, oo u dhigan sidan: 5, kala qeexida awoodaha dawlada federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah dowlad federaalka ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa.
4.QODOBka 50,aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka, faqradiisa 5,aad oo u dhigan sidan: 5, xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobolada ee jiray 1990-kii, (waxaa loo bedelay 1991’kii).
5.QODOBka 55,aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha, waxaa lagu siyaadiyey ( oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso xukuumada federaalka).
6.QODOBka, 69,aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka Golaha shacabka, faqradiisa 4,aad, waxay u qoran tahay sidan: 4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegto lix-bilood maalinta Goluhu diiday,(waxaa loo bedelay 30,maalmood).
7.QODOBka 72,aad ee ka hadlaya aqalka sare , waxaa laga saaray ama laga tirtiray faqrada u danbaysa xarafka (J), in ay gutaan waajibaadka kale ee dastuurku ku farad yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo.
8.QODOBka, 81,aad. Ee ka hadlaya curinta sharciyada, waxaa lagu siyaadiyey ama lagu daray faqrad cusub, oo aan horey ugu jirin nuqulka rasmiga ah ee dastuurka. Oo ka kooban A iyo B, una dhigan sidan: 2. Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha sare e barlamaanka federaalka ah u soo bandhigi kara( A) ugu yaraan hal wakiil oo ka socda dowladaha xubinta ka ah federaalka ama (B) Guddi kasta oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah.
9.QODOBka, 82,aad, ee dastuurka kana hadlaya, Go’aamo siyaasadeed, faqradiisa 3,aad ayaa si kale loo siyaadiyey, sidii la isla ogaa nuqulka rasmiga ah waxay u qorayd sidan
3. In la helo qodob saamaxa iswaafajin iyo isu soo jiidka labada aqal, haddii aan wax heshiis ahi dhicin.) waxaa loo dhigay sidan
3) haddii labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah, oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan qodobbada 51,aad iyo 52,aad.
10.QODOBka 91,aad. Ee ku saabsan, Muddada xil-haynta Madaxweynaha federaalka. Soomaalia
Madaxweynaha federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano, (waxaa loo bedelay 4,sano)
11.QODOB cusub (131 ah),Waxaa la soo geliyey qodob cusub oo (131) oo aan dastuurka nuqulka rasmiga ah hore ugu jirin kuna saabsan xaalad deg degga ah, kana kooban 7 faqradood.
12.QODOB’ka 199,aad. Ee ka hadlaya wax ka bedelka dastuurka, faqradiisa 3,aad, ugu yaraan (440.000,) oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka bedelka dastuurka, (waxaa loo bedelay 40,000).
13.QODOBka, 210,aad ee Ciwaankiisu yahay Qodobbada is-khilaafsan, oo labo (2) faqradood ka kooban, ayaa meesha laga saaray.
14.QODOBka 204-aad, ee ka hadlaya dhaqangalka dastuurka oo ahaa Hal farqad ama prograph. Waxaa lagu kordhiyey farqad cusub. Oo u qoran sidan:
(2) dhaqangalka qodobada la xiriira aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka meelaha lagu xusay Dastuurkan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo samaynta dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka ah iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinayo xilka ayagoo ah xubno ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay samaynta aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka, Golaha shacabka ayaa qabanaya dhammaan waajibaadka iyo hawlaha dastuurkan siisay aqalka sare wuxuuna u shaqaynayaa sida Baarlaman ka kooban Hal-aqal, si daacad-nimo ku jirtana maanka ugu haynayaa mabaadi’da aasaasig ee awood qaybsiga ee nidaamka Federaalka lagu qeexay qodobka (3) ee dastuurkan iyo danaha Gobolada Soomaliyeed marka la gaarayo go’aanada.
15. Waxaa kaloo la khalday qaarna laga saaray Jadwalada kala guurka ah (A. iyo B. iyadoo lagu bedelay Calanka iyo astaanta) iyo wax yaalo kale oo aan meesha ku jirin.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe.