Warbixin: Dawladda Puntland oo caddaysay in aanay jirin dad soomaaliyeed oo lagu dhibaateeyo gudaha Puntland
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Ka Tacsiyeeyey Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku geeriyootey Badda u dhexaysa Talyaaniga Masar
Madaxweyne Xassan Sheekh oo arin xanuun badan ku tilmaamay Dhalintii Soomaaliyeed ee Bada ku dhimatay
Muqdisho(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta badnayd ee ku timi Dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib u ahaa Dalalka Yurub, ayna la degtay doontii awoodeedii liidatay ay ku maraayeen Bada Mediterranean.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inay arintani nabar xanuun badan ku tahay Guud ahaan Umada Soomaaliyeed siiba qaysaskii ay dhalinyaradani ka geeriyoodeen.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajiicuun. Waa geeri xanuun badan oo ina wada taabatey. Dhalinyaradaasi waxay ka baxeen Soomaaliya oo dhan, waana arrin murugo leh in dhalinyaradeena ay safaradaasi khatarta ah naftooda ku waayaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xassan ayaa ugu baaqay waalidiinta Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidii safarkan khatarta badan looga baajin lahaa Dhalinyarada, si aysan mar kale u dhicin Mid lamid ah Masiibadan xanuunka badan.
Maamulada ka jira Dalka ayaa Badanaa lagu eedeeyaa inaysan u diyaarsanayn sidii Dhalinyarada looga baajin lahaa tahriibka, Iyadoo mararka qaarna ayba qayb ka yihiin maadama uu Dalkan ragaadiyey Masuqmaasuq ba’an iyo ku takri fal awoodeed.
Puntland Post
The post Madaxweyne Xassan Sheekh oo arin xanuun badan ku tilmaamay Dhalintii Soomaaliyeed ee Bada ku dhimatay appeared first on Puntland Post.
Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii ku dhimatay Bada
Hargeysa(Puntland Post)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Silaanyo) ayaa tacsi u diray Guud ahaan Soomaaliyeed siiba kuwa Somaliland, dhacdadii xanuunka badnayd ee ka dhacday Bada u dhaxaysa Dalalka Masar iyo Gariiga halkaas oo ay ku dhinteen Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa.
Madaxweyne Silaanyo ayaa arinkan ku tilmaamay Masiibo xanuun badan, balse wuxuu sheegay inay ka qorayd xag Alle oo aan marnaba la baajiyeen.
The post Madaxweynaha Somaliland oo ka tacsiyeeyey Dhalinyaradii ku dhimatay Bada appeared first on Puntland Post.
Jordan oo dib ugu yeeratay safiirkii u fadhiyey Iran
Camaan(Puntland Post)-Dawlada Jordan ayaa sheegtay in safiirkeedii u fadhiyey Magaalada Tehran ee Caasimada Iran ay dib ugu yeerteen si loola sameeyo wadatashi ku aadan faragelinta ay Iran ku hayso ayaa la yiri Wadamada Carabta.
Xiriirka Dawladaha suniga ah iyo Iran oo hogaamisa Dawladaha Shiicada ayaa u muuqda mid cirka isku sii shareeraaya walow qaar kamid ah Dawladaha Islaamka Sida Turkiga uu dadaal ugu jiro sidii la iskugu soo dhawayn lahaa Dalalka Islaamka oo ay ugu horeeyaan Sacuudiga iyo Iran oo uu ka bilowday Khilaafkan Cusub.
Dawlada Jordan ayaa ah Wadankii Carbeed ee ugu danbeeyey oo Safiirkeeda dib uga qaata Magaalada Tehran tan iyo Markii Dawlada Sacuudigu xiriirka u jartay Iran, kadib wax yeelo ay u geysteen Safaarada Sacuudiga ee Iran Dad ka caraysan Dilal ay Sacuudigu u geysteen Culimo Shiica ah oo si aada loo ixtiraami jirey.
Dawladaha Safaaradahoodii kasoo qaatay Iran waxaa kamid ah Soomaaliya iyo Jabuuti iyo weliba tiro kale oo Carbeed, lamana oga halkan xiisadani ku biyo Shuban doonto.
Dawladaha Suniga ayaa u muuqda inay ku daba fayleen Boqortooyada Sacuudiga oo uu Iran kala dhaxeeyo Khilaafyo dhinacyo badan oo ay ugu horayso mar xalada ka taagan Wadanka Yemen oo ay labada dhinac si aada ugu kala qaybsan yihiin.
Puntland Post
The post Jordan oo dib ugu yeeratay safiirkii u fadhiyey Iran appeared first on Puntland Post.
Siyaasi Daahir Ciiro oo ka hadlay Dhalinyaradii ku halaagsamay Badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga
Garowe(Puntland Post)-Inkabadan 200 oo dhalinyaro soomaali ah ayaa kudhintay bada mineteeriyaanka ee udhaxeysa Taliyaaniga iyo Masar kuwaasi oo ahaa nolol raadin kuwajahan tan ay soomaaliya maanta kujoogaan
dhalinyarada tahriibta waxaa ubadan kuwa jaamiciyiin ah oo isaga baxa dalka kadib markii ay waayaan shaqooyiin kusaleysan wixii ay barteen
dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka waxa ay shaqooyiinka inta badan ku qeybiyaan nidaam qabali ah kaasi oo meesha kasaaraya qofkii wax bartay waxaana ay kaliftay arinkaasi in dhalin yaro badan ay kudhamaadaan tahriib
sanad walba waxaa lasoo saaraa qorshayaal lagu sheegayo in wax loogu qabanayo dhalinyarada islamarkaasina looga hortagyo iney tahriibaan balse waxaadba moooda in sanadba sanadka kadambeeya laraadiyo sidii ay ku tahriibi lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed
kuwaasi oo xiligan kasii dabar go’ aya dalka soomaaliya iyada oo lasheego in soomaliya dadka kunool 70% ay yihiin dhalinyaro hadaba siyaasi daahir ciiro ayaa sheegay in masuuliyada arintani ay qaadayaan dowlada Dhexe iyo Maamul goboleedyada kajira Dalka
halkan kadhageyso Wareysi Shaashaa iyo Daahir Ciire
PUNTLAND POST
The post Siyaasi Daahir Ciiro oo ka hadlay Dhalinyaradii ku halaagsamay Badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
WASAARADA ARIMAHA GUDAHA DFS OO KAHADASHAY MOOSHINKA KA DHANKA SHIRKA JOWHAR
Jawhar(Puntland Post)-Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaa DFS mudane Yaxye Cali Ibraahim oo lahadlay Warbaahinta kana hadlay mooshiinkii xildhibaaanada Baarlamaanka qaar ay kakeeneen hanaanka shirka maamul usameynta Hiiraan iyo shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in mooshin ay Xildhibaanada Baarlamaanka Kakeenaan dhismaha Maamul goboleed cusub uu san eheyn mid ku cusub wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya
waxa uu sidoo kale sheegay xoghayaha joogtada ee wasaarada arimaha gudaha DFS iney tahay Masuuliyada baarlamaanka iney laxisaabtamaaan madaxda dalka Wasiirka arimaha gudaha ayey su’aalo weyiin doonaan ayuu yiri Cali Ibraahim Xoghaha Joogtada ee Wasaarada Arimaha Gudaha DFS
cidkaste ayaa dareensan iney caqabadahaan dhacayaan waayo dadku waa dad dagaal sokeeye soomaray waana dhaceysaa in baarlamaanka ay sidan oo kale sameeyaan waayo wixii dhacay dhismihii Jubaland waad xasuusataan
halkan hoose kadhageyso Xogahayaha joogatada ee Wasarada arimaha Gudaha DFS oo kahadlaya Mooshinka
PUNTLAND POST
The post WASAARADA ARIMAHA GUDAHA DFS OO KAHADASHAY MOOSHINKA KA DHANKA SHIRKA JOWHAR appeared first on Puntland Post.
Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah kaga qayb gelaaya Magaalada New York

New York(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada New York ee Dalka Maraykanka, ahna fariisinka Golaha Qaramada Midoobay.
Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qayb galay masuuliyiin sar sare oo katirsan Dawlada Maraykanka iyo weliba saraakiisha Soomaaliya u fadhiya Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Da’uud Aways ayaa booqashada Madaxweynaha ee Magaalada New York ku sheegay inuu halkaas kaga qayb geli doono Shir Caalami ah oo ay iskugu imaan doonaan Madax ka socota aduunka lagagana hadli doono Isbadelka Cilmiladda sii xumaanaysa ee Aduunka.
Da’uud Aways ayaa tilmaamay mudada uu Madaxweynuhu joogo New York inuu kulamo gooni gooni la qaadan doono Madaxda Caalamiga ah ee Shirkan ka qayb gelaysa, uuna kala hadli doono wanaajinta xiriirka Caalamka iyo Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhawaan ka qayb galay Shirkii Madasha sare ee Amaanka Afrika oo lagu qabtay Dalka Itoobiya.
Puntland Post
The post Madaxweynaha Soomaaliya oo shir caalami ah kaga qayb gelaaya Magaalada New York appeared first on Puntland Post.
Todobba qof oo isku qoys ah ayaa lagu diley Gobalka Shabeelaha Hoose
Shalanbood(Puntland Post)-Degaanka Shalanbood oo katirsan Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa lagu dilay qoys ka kooban 7 qof, Dadkan ayaa waxaa diley dablay hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, kuwaas oo ay wararku shegayaan inay xirnaayeen tuutaha lagu yaqaan Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qoyskan ay Burcadu dishay ayaa ka koobnaa 6 Caruur ah iyo Ayeeyadood oo waayeel ah, mana Cada illaa hada cida gaysatay fal dambiyeedkan aadka fuusha xun, hase ahaate Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose oo Saxaafada la hadlay ayaa ku tilmaamay aano Qabiil, waxayna iska fogeeyeen in raga falkaas geystay ay katirsanaayeen Ciidamada Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
Kooxahan ayaa markii ay dileen Qoyskan maydkii ku gubay aqal Soomaaligii ay ku jireen, waxaana goobtaas ka baxsaday Hooyadii dhashay caruurta la laayey.
Gobalka Shabeellaha Hoose waxaa ka aloosan Colaad Beeleed ka dhalatay muran dhuleed, dhacdadan ayaase ah wax ku cusub dagaal Beleedyadii dhex mari jiray Qabaailka Soomaaliyeed, maadama horay loo amaan gelin jirey Caruurta iyo Haweenka.
Puntland Post
The post Todobba qof oo isku qoys ah ayaa lagu diley Gobalka Shabeelaha Hoose appeared first on Puntland Post.
Cumar Cabdirashiid oo sheegay dhalinyaradu inay Dalkooda ka heli karaan farsado badan
Muqdisho(Puntland Post)-Raisul Wasaaraha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ayaa nabar xanuun badan ku tilmaamay boqolaalkii Dhaliyaradda Soomaaliyeed ahaa ee ku dhintay Badda u dhaxaysa Dalalka Masar iyo Talyaaniga.
Rasiul Wasaaraha ayaa sheegay inuu falkan si aada uga naxay, ugana damqaday, wuxuuna ka codsaday dhalinyaradda Soomaaliyeed inay joojiyaan tahriibka, kana faaidaystaan fursado Muhiim oo Dalka yaal.
Cumar ayaa xasuusiyey Dhalinta inuu Dalkoodu u baahan yahay maadama ay yihiin xoogii iyo Quruxdii umadda Soomaaliyeed, uuna Dalku tabaayo qof kasta oo dhalinyaro ah oo micno daro uga geeriyooda.
Raisul Wasaaraha ayaa dhan kale balan qaaday inay dhalinyaradda u abuuri doonaan fursado Waxbarasho iyo Shaqo si ay si wanaagsan uga faaidaystaan una joojiyaan safarka tahriibka ah ee aadka u khatarta badan.
Madaxda Soomaalida ayaa si aada loogu eedaynayaa inay ka gaabiyeen wax ka qabashada tahriibka, ayna iyagu sabab u yihiin inay Dhalinyaro badan Dalka iskaga tahriibaan, maadama Maamulada Dalka ay haraysay Cadaalad daro, Masumaaqsuq iyo Maamul xumo baahsan.
Puntland Post
The post Cumar Cabdirashiid oo sheegay dhalinyaradu inay Dalkooda ka heli karaan farsado badan appeared first on Puntland Post.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo kulan la qaatay wafti ka socdey qaramada Midoobey
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 19-April-2016 qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafti uu hoggaaminayey ku-xigeenka wakiilka xog-haya guud ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa u qaabilsan Soomaaliya dhinaca aadanaha Peter de Clercq.
Kulanka uu Madaxyne ku-xigeenku uu la qaatay Peter de Clercq ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiiro, Hay’adda Waddooyinka Puntland,Taliska Ciidanka Police ka Puntland iyo Agaasmiha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland, halka dhinaca hay’adaha qaramada midoobeyna ay uga soo qayb galeen Madaxa Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya, Madaxa UNDSS ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socotay hay’adaha WHO, IOM iyo UNAIDS oo dhammaantood kamid ahaa waftigii uu hoggaaminayey Peter de Clercq.
Ujeedka socdaalka waftigu ayaa salka ku hayey gurmadka abaaraha ka jira Puntland iyo doorkii ay ka qaadan lahaayeen hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawl gala Puntland iyo sidoo kale sidii loo dar-dargelin mashaariicda ay qaramada midoobey kawado Puntland
Dhinaca kale Peter de Clerc ayaa Madaxweyne ku-xigeenka uga war-bixiyey halka uu marayo baaqii dawladda Puntland ay u dirtay hay’adaha qaramada midoobey ee ahaa in ay ka qayb qaataan gurmadka abaaraha xilligan ka jira Puntland, waxaana uu sheegay in hay’adaha oo dhammi ay samaysteen qorshayaal cusub oo ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan.
Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Puntland ay waddo dedaallo ay kula tacaalayso abaaraha baahay ee ka jira Puntland isla markaana ganacsatada iyo bulshada rayidka ahiba ay iyaguna ka qayb qaateen gurmadka abaaraha balse weli uu meesha ka maqan yahay doorkii qaramada midoobey, loogana baahan yahay hay’adaha qaramada midoobey in ay qaybtooda ka qaataan abaaraha saameeyey dadkii iyo duunyadiiba ee ka jira Puntland.
Waftigan ayaa waxay joogi doonaan muddo labo maalmood ah waxa ayna kulamo la qaadan doonaan wasaaradaha Caddaaladda iyo Qorshaynta, wasaaradahaas oo kala hadli doonaan xoojinta hannaanka garsoorka iyo caddaaladda iyo dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee hay’adaha qaramada midoobey ay kawadaan Puntland.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
The post Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland oo kulan la qaatay wafti ka socdey qaramada Midoobey appeared first on Puntland Post.
Baarlamaanka Puntland oo yeelanaya kulan lagu meel marinayo guddiga doorashada Puntland
Garowe(Puntland Post) Baarlamaanka Puntland ayaa yeelanaya kulan aan caadi ahayn oo ku meel marinayo guddiga doorashooyink Puntland oo madaxwayne Gaas labo bilood ka hor magacaabay.
Gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo dowladda hoose Baarlamaanka Puntland Mudane Maxamed Axmed Jaceel ayaa isagoo la hadlayay maanta Radio Garowe waxa uu sheegay fadhigan inuu qabsoomaya 23-ka bishaan, kaasoo ahmiyadiisa kowaad uu yahay sida uu sheegay ansixinta guddiga doorashada oo aan weli shaqo bilaabin.
Xildhibaan Jaceel ayaa sidoo kale sheegay in looga wada hadlayo arrimo badan oo salka ku haya heshiiskii Puntland iyo dowladda Federaalku ku gaareen Garowe iyo war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka madaxda ee Muqdisho.
Suurta galnimadda in khilaaf ka yimaado habka loo qaybinayo xubnaha Puntland kaga soo aaday aqalka sare ee Dowladda dhismaysa ayuu sheegay inay macquul tahay balse ka Baarlamaan ahaan inay dadaal u gali doonaan sidii cadaalad loogu samayn lahaa beelaha deggan Puntland.
PUNTLAND POST
The post Baarlamaanka Puntland oo yeelanaya kulan lagu meel marinayo guddiga doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
Qarax diley ugu yaraan 30 qof ayaa ka dhacay caasimada Afghanistan ee Kabul
Qaraxan ayaa lala eegtay Ciidan si gaar ah u tababaran oo katirsan Ciidamada Sirdoonka ee Afghanistan si gaar ahna ugu xil saaran ilaalada Madaxda xilalka sare ka haya Dawlada Afghanistan.
Wararka ayaa sheegaaya in marka uu qaraxu dhacay ay goobtaas ka socotay munaasabad ay ku Qalinjabinaayeen Ciidamo cusub oo tababar soo dhamaystay, Kooxda Falkan fulisay ayaa la dagaalantay Ciidamada markii qaraxu dhacay kadib waxayna taasi suura gelisay in dhamaan la dilo kooxdii weerarka soo qaaday.
Kooxda Taliban ayaa markiiba sheegatay Masuuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay halkaas ku dileen tiro kamid ah Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dalka Afghnistan.
Dawladaha Afghanistan iyo xoogaga NATO oo dagaal ba’an kula jirey kooxda Taliban ayaa u muuqda inay ku guul daraysteen ka guulayshada kooxdaas, waxayna Taliban sanad walba Afghanistan ku dishaa boqolaal qof oo iskugu jira Saraakiil katirsan Dawlada Afghistan, Ciidamada reer Galbeedka iyo Dad rayid ah.
Puntland Post
The post Qarax diley ugu yaraan 30 qof ayaa ka dhacay caasimada Afghanistan ee Kabul appeared first on Puntland Post.
Jaaliyadda Jubbaland ee Maraykanka oo soo dhawayn u samaysay gudoomiyaha Jubbada Hoose
Minnepolis(Puntland Post) Jaaliyadda Jubbaland ee Waqooyiga Ameerika ayaa soo dhaweyn diiran u sameeyay gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose ee dowladda Jubbaland Cabdirashiid Gooni oo safar ku tagay magalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.
Soo dhaweynta oo ahayd mid qurux badan waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah xubnaha jaaliyadda reer Jubbaland ee Minneapolis waxaana soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Jaaaliyadda Jubbaland Cabdiwali Maxamed Warsame iyo wakiilka Jubbaland ee Waqooyiga Ameerika Cabdiwahab Maxamed Daaahir.
Gudomiye Gooni ayaa saxafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Minneapolis waxaana uu ka mahad naqay soo dhaweynta diiran ee ay Jaaliyadda Jubbaland u sameysay.
Marar badan sidaan oo kale Jaaliyadda Jubbaland waxaa ay madax ka socota Jubbaland u sameeyeen soo dhaweyn wanaagsan waxaa ay soo dhaweyn ay boqolaal qof ka soo qeyb galeen u sameeyeen wasiiradda arrimaha Haweenka iyo xuquuqda Adanaha Khamar Deekh Khaliif oo mar safar ku tagtay Mareykanka.
PUNTLAND POST
The post Jaaliyadda Jubbaland ee Maraykanka oo soo dhawayn u samaysay gudoomiyaha Jubbada Hoose appeared first on Puntland Post.
Taliska Booliska Gobolka Bari oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Khamri Siday Iyo Ragii Watay.
Taliska booliiska gobolka bari ayaa maanta soo bandhigay gaari siday kartoono khamri iyo labo nin oo watay, kuwasoo lagu qabtay tuulada kalabayr oo qiyaastii 70km u jirta degmada bosaso, xili ay doonayeen in si qarsoodi ah ay u soo galiyaan magaaladda.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka G/S C/xakiim Xuseen Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay kotoroolka Bosaso ayaa sheegay in ciidanku ay qabteen 50 dhallo oo khamri oo ah nooca lagu soo farsameeyo dalka ethiopia, kaasi oo lagu soo dhex qariyay baabuur nooca xamuulka qaada ah oo ka yimid degaanka Ceel daahir ee isla gobolka bari
Taliyuhu wuxuu sheegay in khamriga laga keenay wadamada deriska ,oo uu yahay nooc xun oo aan laga isticmaalin dalalka laga soo saaro, waxaana uu tilmaamay in cabitaankiisu uu waxyeelayo caafimaadka qofka, islamarkaana uu yahay xaaran in la cabo.
“ Dad caloolshood u shaqaystayaal ah oo aan dalka iyo dadka midna ka naxayn ayaa loo soo dhiibaa oo dalka si tuugo ah ku soo galiya, Hadafka laga leeyahayna uu yahay in dadka lagu fasahaadiyo” ayuu yiri, wuxuuna sii raaciyay
“ magaalada bosaso dambiyadda ka dhaca sida tuugada, dhaca, kufsiga iyo dilalka %90 waxaa sababa isticmaalka khamriga” ayuu yiri
Taliyuhu wuxuu digniin u diray dadka ka ganacsada khamriga iyo maandooriyayaasha kale, waxaana uu ka codsaday inay ka kaaftoomaan oo iska daayaan ka ganacsiga khamriga iyo cabidiisa, ayna ka ka xishoodaan ilaahay oo aakhiradooda u baqaan, islamarkaana ay uga turaan ummadooda ka iibinta maadooriye caafimaadkooda wax yeelaya.
“ Ciidamada amnigu u turi maayaan cid kasta oo lagu qabto inay khamri iyo maandooriye soo galinaysa gobolka bari iyo qof kasta oo ka ganacsada oo lagu qabto” ayuu yiri
Geesta kale, Mid ka mid ah labadii nin ee lagu qabtay khamriga oo ahaa wadihii baabuurka oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in khamriga laga soo saaray tuuladda Ceeldaahir ee gobolka bari, iyadoo markii hore laga keenay dhinaca degmadda ceerigaabo ee gobolkaas sanaag.
PUNTLAND POST
The post Taliska Booliska Gobolka Bari oo Gacanta Ku Dhigay Gaari Khamri Siday Iyo Ragii Watay. appeared first on Puntland Post.
Ra’iisul-wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo sheegay in uu yahay musharrax u taagan jagada Madaxtinimo ee Soomaaliya
Kadib markii dhowaan laysla meel dhigay hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka soomaaliya ee bilaha August iyo September ayaa waxaa soo badanaya musharrixiinta u tartamaya jagada madaxweynenimo ee dawladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo olole cusub ka wada meelo kala duwan oo dalka iyo dibaddaba ah.
Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed horena usoo noqday Wasiirkii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha isla markaana ahaa Ra’iisul-wasaare kuxigeen xilligii xukuumaddii Badbaado Qaran ee Uu Ra’iisul-wasaaraha ka ahaa Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu yahay musharrax u tartamaya jagada madaxtinimo ee dalka Soomaaliya 2016-ka.
Musharrax Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo kasoo jeeda qoys ku suntan dhaqan ayaa waxaa lagu yaqaaney xilligii uu ahaa Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka in uu aad uga shaqayn jirey barnaamijyada nabadaynta dalka, dib u heshiisiinta beelaha, ka shaqayntay xallinta khilaafkii u dhexeeyey dawlad goboleedka Jubba-land iyo dawladda federaalka Soomaaliyeed iyo hirgelinta hannaanka federaalka dalka.
Sidoo kale dawladda Puntland waxa uu kalasoo qayb galay shirar badan oo looga hadlayey horumarinta Puntland oo uu ka mid yahay Ansixintii dastuurka dawladda Puntland oo uu khudbad taariikhi ah ka jeediyey iyo socdaalladii dheeraa uu Madaxweynaha Dawladda Puntland ku marayey gobollada fogfog ee Puntland isla markaana uu ka mid ahaa waftigii Madaxweynaha, sidoo kale waxa uu door ku lahaa xallintii shaqaaqadii gaalkacyo ee u dhexaysey ciidamada Dawladda Puntland iyo kuwa maamulka ku meel-gaadhka ah ee Galmudug oo ay wehelinayeen ciidamo ka tirsan xoogga dalka.
Cabdiwahaab Ugaas Khaliif waxa uu sheegay in uu is beddel dawladnimo oo wanaagsan dalka ka hirgelin doono haddii uu ku guuleysto xilkaasi isla markaana uu xoogga saari doono midnimada iyo isusoo dhoweynta Ummadda Soomaaliyeed ee ay kala irdheeyey danaha siyaasadeed ee gaarka ah iyo dagaallada wejiyada badan ee dalka soo ragaadiyey.
—DHAMMAAD—
The post Ra’iisul-wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya oo sheegay in uu yahay musharrax u taagan jagada Madaxtinimo ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
Wasiirka Cadaalada Puntland oo ku baaqay in la caawiyo dadka soo barakacay
Garowe(Puntland Post) Wasiirka Cadaalada, arrimaha diinta iyo dhaqan celinta Puntlan ayaa maanta kormeer ku tagay mid ka mid ah kaamamka Barakacayaasha ee magalada Garowe, wuxuuna u guur galay xaaladooda siday tahay maadama badanaa goobaha dadkan ay kasoo yeerto cabashooyin la xiriira xagga nolasha iyo biyaha.
Saalax Xabiib Jaamac ayaa tagay kaamka barakacayasha Waashitoon ee Garowe wuxuuna gaarsiiyay mucaawino shaqsi ahaan ugu talo galay inay u noqoto bilow balse wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay mar walba ka war qabaan walaalahooda daruuftu haysato isla markasna la gaaraan raashiin, biyo iyo daawo.
Wasiirka Cadaalada ayaa sidoo kale culimada ugu baaqay inay gurmad u sameeyeen qoysaska danyarta ah ee aan waxba haysan kuwaasoo ku nool xeryaha barakacayaasha ee Puntland, wuxuuna sheegay qof kasta oo muslim ah inuu waajib ka saaran yahay caawinta walaalkiisa kurbaysan.
Wasiirka ayaa sheegay inuu kaamkan kusoo arkay dad xanuunsan, war bixintoodana u gudbiyay wasaradda arrimaha gudaha, si wax looga qabto waxayna wasaradda arrimaha gudaha balan qaaday inay si deg deg ah u gaari doonto goobaha war bixintu kasoo gaartey.
Waa masuulkii ugu horeeyay oo deeq shaqsi ahaantiisa ah gaarsiiyay Barakacayaasha qaar ka mid ah, taasoo waddada u jeexaysa in masuuliyiinta kale ee xilalka hayaa ay ku daydaan.
Puntland Post
The post Wasiirka Cadaalada Puntland oo ku baaqay in la caawiyo dadka soo barakacay appeared first on Puntland Post.
Baarlamaanka Puntland oo go’aano adag kasoo saaraya dhalinyarada tahriibaysa
Garowe(Puntland Post) Gudoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo dowladda hoose Baarlamaanka Puntland Mudane Maxamed Axmed Jaceel ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay socdaalka tahriibta oo ay ku le’deen boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed.
Xildhibaan Jaceel ayaa sheegay inay u badan yihiin dhalinyarada tahriibaya kuwa reerkoodu ladan yihiin iyo kuwa Jaamacaddo loo dirsaday wuxuna sheegay inay tahay ayaan daro ku habsatay dalka, suurta galnimada in Baarlamaanku tilaabo kasoo saaro socdaalka tahriibta ayuu sheegay in Baarlamaanka fadhigooda deg deg ah horgeyn doonaan lagana soo saari doono go’aamo cul culus.
Wuxuu soo jeediyay in wadajir looga hortago falalka tahriibta maadama boqolaal dhalinyaro ah ay ku waayeen mustaqbalkooda inta u dhaxaysa Suudaan, Liibiya,Masar iyo Talyaaniga, wuxuuna ku baaqay arrintaan in deg deg looga howl galo.
Dhowaan ayay ahayd markii doon ay saarnaayeen Tahriibayaal u adan Soomaali ay ku degtay biyaha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga, waxaana halkaasi ku dhintay Soomaali badan taasoo keentay in si weyn looga hadlo arrintaa la iskuna waydiiyo sidii looga hortagi lahaa.
PUNTLAND POST
The post Baarlamaanka Puntland oo go’aano adag kasoo saaraya dhalinyarada tahriibaysa appeared first on Puntland Post.
Bayaan Laga soo Saaray nadwo Cilmiyeedkii 14aad Oo Xalay lagu soo Gabagabeeyay Boosaaso
Nadwo cilmiyeedkii 14aad oo muddo lix habeen ka socotay Masjika Rowda ee magaaladda Bosaso, ayna muxaadarooyin ka jeediyeen culumo caan ka ah Somaliya ayaa xalay la soo gabagabeeyay magaalada Bosaso, waxaana laga soo saaray bayaan 13 qodob ka kooban.
Munaasabadii gabagabada waxaa ka qaybgalay culuma’udiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Daahir Aw-cabdi, Sheekh Axmed Cabdisamad, Sheekh C/raxmaan Bukhaari, sheekh Maxamed Macalin iyo Culumo kale, waxaa kaloo ka qaybgalay Beeldaaje Cali Faarax, Beeldaaje Yaasiin iyo qaar ka mid ah ganacsatadda ka howlgala magaaladda Bosaso.
Nadwadan oo cinwaankeedu ahaa dhibaatada akhlaaqeed ee ummada haysata iyo kala taga Midnimo ee ummada Soomaaliyeed, ayaa bayaankii laga soo saaray waxaa uu u qornaa sidatan.
Bayaan :
Mahad oo dhan Ilaah baa iska leh, nabadgelyo iyo ammaanna nabigeennii Muxammad ahaa, ehelkiisii, asxaabtiisii iyo intii wanaag ku raacday ilaa qiyaamaha dushooda ha ahaato.
Intaas ka dib:
Bayaankii culimadu ay kasoo saareen nadwadii 14aad ee ka dhacday magaalada Boosaaso 8_13/7/1437h kuna beegnayd 15-20/4/2016 m .
Qodobada Bayaanka
- Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed Alle ka cabsi iyo inay qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka alle iyo sunnada Nabiga ( nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato)
- waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed ilaalinta midnimada, wada jirka iyo iskaashiga si loo helo awoodii iyo haybadii ummadda soomaaliyeed.
- Waxaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed is cafis , iyo inay ka heshiiyaan dhamaan dhibaatadii dhex martay dhaqan iyo dhiigba.
- waxaaan ugu baaqaynaa ummadda soomaaliyeed inay ka fogaato dhammaan wixii keenaya is nac dhaawacayana wada jirka ummadda , sida qabyaalada, gobolaysiga , danaysiga gaar haaneed iyo nacayb abuurka.
- waxaaan ugu baaqaynaa maamul goboleedyada in ay u howl galaan raadinta qaran soomaaliyeed, kana fogaadaan wax walba oo keeni kara kala fogaanshaha ummadda Soomaaliyeed.
- waxaan ugu baaqaynaa umada soomaaliyee inay ka fogaadaan macaasida , sida : diin cayga,dilka, sinada, afxumada, beenta, xanta ,isku dirka, durida nasabka iwm.
- waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ganacsata soomaaliyeed inay xalaal miirtaan, kana dheeraadaan ka ganacsiga wax walba oo khilaafsan shareecada islaamka, sida cuntooyinka iyo daawada dhacday, ama aan lahayn tayadii laga rabay,iyo khudaarta lagu buufiyo sunta horayna laga soo iib geeyo iyo keenista dharka raga iyo dumarka ee khilaafsan labiska islaamka .
- waxaan ugu baaqaynaa dhalin yara soomaaliyeed rag iyo dumarba inay dhowraan anshaxa iyo dhaqanka islaamka, kana dheeraadaan isu ekaysiinta gaalada , sida timaha geesaha laga xiiro, fooda oo la dheeraysto, xirashada saraawiisha ciriiriga ah ee aan asturayn cawrada, sidoo kale gabdhahu inay iska ilaaliyaan inay dibada ula soo baxaan xijaab aan waa faqsanayn shareecada islaamka , iskana dhowraan daawooyinka jirka badala ee dhaawacaya diintootada, caafimaadkooda, iyo sharaftooda.
- maadaama ay dalka ka jirto abaar baahsan waxaan allaah ka baryaynaa raxmad ballaaran oo dag dag ah, sidoo kalana waxaan ummadda soomaaliyeed ugu baaqaynaa: inay allaah u Toobad keenaan, lana badiyo ducada iyo roob doonta, dhanka kale waxaan ganacsatada iyo bulshada dal iyo dibadba ugu baaqaynaa inay ka qayb qaataan gurmadka lagu taakulaynayo dadka iyo duunyada tabaaalaysan.
- Culimadu waxay tacsi u dirayaan dhamaan ummadda soomaaliyeed, gaar ahaan waalidkii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhinta Baddaha dalka masar, waxayna cadaynayaan Tahriibtu inay tahay masiibo qaran , hadaba waxay culimadu ugu baaqaynaa bulshada soomaaliyeed inay ka dhowrsadaan tahriibka ay naftooda ku haligayaan.
- Culimadu waxay ugu baaqayaan madaxda iyo wax garadka soomaaliyeed in ay isu taagaan sidii loo bad-baadin lahaa dhalin yarada ku le’anaysa badaha iyo saxaraha, si taas loo helana waa in dhalin yarada loo saameeyaa shaqo abuur, wacyi galin, la lana dagaalamaa kooxaha abaabulan ee tahriibta ka shaqeeya, loona howl- galaa sidii loo heli lahaa qaran soomaaliyeed oo ummadda ku filan.
- Culimadu waxa ay ugu baaqayaan Hay’adaha iyo NGO yada aan muslimka ahayn ee ka shaqeeya dalka soomaaliya inay ilaaliyaan diinta iyo dhaqanka dadka soomaaliyeed ee boqolkiiba boqol muslimka ah.
- Maadaama uu dalku galayo doorashooyin, waxay culimadu ugu baaqaynaa madaxda dhaqanka, bulshada qaybeheeda kala duwan iyo maamulada inay umada u xulaan dad ma tali kara qaranka, dhowrina kara diinta , dalka iyo danta ummadda soomaaliyeed .
Saxiixayaasha :
- Sheikh Daahir Aw Cabdi
- Sheikh C/naasir Xaaji Axmed
- Sheekh Xasan xuseen Axmed
- Sheikh axmed daahir xasan xuseen
- Sheikh maxamed macalin axmed
- Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf
- Dr Axmed jaamc ismaaciil
- Sheikh C/raxmaan maxamed dhowre (Bukhaari)
- Sheikh Maxamuud maxamed xaliike
- Sheikh Fu’aad Maxamuud Xaaji
- Sheikh Faarax Maxamed Cajab
- Sheikh Maxamed C/laahi C/dule.
- Sheikh Axmed faarax Garaase
- Sheekh cusmaan maxamuud
- Sheikh Xasan c/llaahi xasan.
The post Bayaan Laga soo Saaray nadwo Cilmiyeedkii 14aad Oo Xalay lagu soo Gabagabeeyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
Xassan Sheekh oo Golaha amaanka Qaramada midoobay ka codsaday inay cunaqabataynta hubka ka qadaan Dawladiisa

Muqdisho(Puntland Post)-Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin Golaha amaanka Qaramada Midoobay ka siiyey Horumarada ay samaysay Dawladiisu, Mudadii afarta sano ahayd ee uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.
Maxdaweyne Xassan Sheekh ayaa Golahan u sheegay inay Soomaaliya samaysay Horumaro la taaban karo oo xaga Dawladnimada ah afartii Sano ee ugu dambaysay, wuxuu tilmaamay inay horumar wanaagsan ka sameeyeen Amaanka, Siyaasada Caalamiga iyo Hirgelinta hanaanka Federaalka ah .
Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan inay heshiis wanaagsan ka gaareen dhinicyada Soomaalidu sida ay noqon doonto Doorashada Bisha Sebtembar ee Sanadkan ka dhacaysa Dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu Mahadceliyey Beesha Caalamka taageerada Balaaran ee ay mar walba la garab taagan yihiin Dawladiisa kasoo kabanaysa dagaalada sokeeye.
Dhanka kale wuxuu sheegay inay horumar ka sameeyeen in Dalka laga dhiso Ciidamo Qaran, Iyadoo guutooyin kamid ah Ciidamada Maamulka Jubbaland ay kamid noqdeen Ciidamada Qaranka Soomaaliya, ayna dhawaan rajanayaan in Ciidamada Qaranka lagu fidiyo Puntland, wuxuuse arin muhiim ku tilmaamay in la qaado Cunaqabataynta hubka ee saaran Dawladiisa, si ay Ciidamada Soomaaliya u helaan sanaad ku filan oo ay ku difaaci karaan Qaranimada Soomaaliya.
Siday doontaba ha ahaate Beesha Caalamka iyo in badan oo kamid ah umadda Soomaaliyeed ayaa aaminsan inaysan Dawlada Soomaaliya qaadi karin masuuliyadda hub cusub oo Soomaaliya lasoo geliyo, uuna hubkaasi si fudud gacanta ugu geli karo dhinicyo aan masuuliyadiisa si wanaagsan u qaadi karin.
Puntland Post
The post Xassan Sheekh oo Golaha amaanka Qaramada midoobay ka codsaday inay cunaqabataynta hubka ka qadaan Dawladiisa appeared first on Puntland Post.